Falastiiniyiinta ku nool koonfurta Marinka Qasa oo Ka Gadooday Hadalkii Trump, Dab-na qabad-siiyey Sawiirada Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Trump Iyo Calanka Yuhuudda

0
Thursday December 07, 2017 - 01:42:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falastiiniyiinta ku nool koonfurta Marinka Qasa oo Ka Gadooday Hadalkii Trump, Dab-na qabad-siiyey Sawiirada Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Trump Iyo Calanka Yuhuudda

    Falastiiniyiinta ku nool koonfurta Marinka Qasa oo Ka Gadooday Hadalkii Trump, Dab-na qabad-siiyey Sawiirada Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Trump Iyo Calanka Yuhuudda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falastiiniyiinta ku nool koonfurta Marinka Qasa oo Ka Gadooday Hadalkii Trump, Dab-na qabad-siiyey Sawiirada Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Trump Iyo Calanka Yuhuudda
Washington(Xogreebnews.com)- Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa aqalka Cad ee Mareykanka kaga dhawaaqay inuu u aqoonsaday magaalada uu muranku ka taagan yahay ee Qudus ay tahay Caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.
Waxa kale oo shaaciyay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus. Wuxuu Trump sheegay in go’aankaas aan loola jeedin in maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaadho bariga dhexe.
Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga cadhaysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan Ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda. Falastiiniyiin caraysan oo gubay sawirrada Trump iyo Netanyahu. Mr Trump wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu taageero xalka labo dal oo lagu dhammeeyo khilaafka muddada dheer ka dhex jiray Israa’iil iyo Falastiin.
In yar ka hor intii aanu go’aankaas ku dhawaaqin ayuu madaxweyne Trump sheegay in tallaabadan ay ahayd inay goor hore dhacdo.
Calanka Israa’iil oo gidaar lagu shiday Qaybta qaddiimiga ah ee Qudus ayaa gidaar ku yaalla waxaa lagu shiday calanka Israa’iil ka hor intii aanu Donald Trump ku dhawaaqin go’aankiisa.
Sida uu sheegay TVga ABC, waxaa aad loo adkeeyey amniga qaar ka mid ah safaaradaha uu Maraykanku uu ku leeyahay bariga dhexe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured