Guddida Kulmiye ee Toronto oo qaban-qaabiyey Munaasibada Qaran oo Loogu Dabal-degayo Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Cusub + Fariin Qaranimo leh oo Lagu Walaaleeyey Jaaliyadda Somaliland ee Toronto Iyo Xisbiyada Dalka oo la Baahiyey....

0
Thursday December 07, 2017 - 02:18:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Kulmiye ee Toronto oo qaban-qaabiyey Munaasibada Qaran oo Loogu Dabal-degayo Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Cusub + Fariin Qaranimo leh oo Lagu Walaaleeyey Jaaliyadda Somaliland ee Toronto Iyo Xisbiyada Dalka oo la Baahiyey....

    Guddida Kulmiye ee Toronto oo qaban-qaabiyey Munaasibada Qaran oo Loogu Dabal-degayo Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Cusub + Fariin Qaranimo leh oo Lagu Walaaleeyey Jaaliyadda Somaliland ee Toronto Iyo Xisbiyada Dalka oo la Baahiyey....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Kulmiye ee Toronto oo qaban-qaabiyey Munaasibada Qaran oo Loogu Dabal-degayo Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Cusub + Fariin Qaranimo leh oo Lagu Walaaleeyey Jaaliyadda Somaliland ee Toronto Iyo Xisbiyada Dalka oo la Baahiyey....
Toronto(Xogreebnews.com)-Guddida qaran ee Xisbiga Kulmiye ee Toronto, ayaa Fariin Qaranimo iyo wada-jir ah u dirtay Jaaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Canada, inay kala soo wada qayb-galaan Munaasibad balaadhan oo loogu dabaashaadayo Caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md.  Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil Saylici. 
Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenka, ayaa waxa laga dhigay mid qaran, taasoo ay guddida Xisbiga Kulmiye ee Toronto kusoo casuumeen masuuliyiintii Xisbiyada kale iyo weliba taageerayaashoodii iyo sidoo kale dadkii aan saddeexda xisbi midna taageersanay, hase-yeeshee Somaliland u dhashay. Waxa kaloo xafladan heeso ka qaadi doono Fanaaniin waaweyn.
Munaasibada caleemo Saarka Madaxweynaha, ayaa lagu qaban-doonaa Toronto, taariikhdu markay tahay Dec 15/2017-ka,  taasoo ka dhacaysa goobta Cinwaankeedu yahay 141 Sunrise Av. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ogeysiis ah oo baahiyey Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen. Kaasoo u dhiban sidan.
..Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan jaaliyada Soomaalilad ee deggan Toronto iyo nawaaxigeeda inay ka soo qayb galaan xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaalilad iyo ku xigeenkiisa, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici taasoo dhici doonata taariikhdu markey tahay Dec 15/2017.
Cinwaanka meeshu waa 141 Sunrise Av.
Waqitga:- 6:00pm--3:00Am.
Waxaa habeenkaas khadka talefoonka nagala qayb gali doona madaxweynaha cusub ee Soomaalilad mudane Muuse Biixi Cabdi.
Waxaa habeenkaas wacdaro ka dhigi doona sxb key Cabdicasiis Cali Ciise ( Iskilaaji) kaasoo habeenkaas ugu talo galay hees cusub oo loogu talo galay caleemo saarka madaxweynaha. 
Waxaa kaloo fanaaninnta ka mid ah fanaaninnta reer Toronto Maxamed Maanka iyo Cabdi Xuubeey.
Hadaba balanteenu waa habeenkaa isaga ah.
Soomaalilad Guul iyo Gobanimo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured