Masuul Madaxweyne Siilaanyo Xil u Magacaabay Maalmihii Kaambeynka oo Waxqabadkiisu Qabsaday Baraha Bulshada ee Facebook + Khilaafyo iyo Mucaaridad adag oo u ka Damiyey Madaxweynaha Cusub...

0
Thursday December 07, 2017 - 03:31:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2115
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Madaxweyne Siilaanyo Xil u Magacaabay Maalmihii Kaambeynka oo Waxqabadkiisu Qabsaday Baraha Bulshada ee Facebook + Khilaafyo iyo Mucaaridad adag oo u ka Damiyey Madaxweynaha Cusub...

    Masuul Madaxweyne Siilaanyo Xil u Magacaabay Maalmihii Kaambeynka oo Waxqabadkiisu Qabsaday Baraha Bulshada ee Facebook + Khilaafyo iyo Mucaaridad adag oo u ka Damiyey Madaxweynaha Cusub...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Madaxweyne Siilaanyo Xil u Magacaabay Maalmihii Kaambeynka oo Waxqabadkiisu Qabsaday Baraha Bulshada ee Facebook + Khilaafyo iyo Mucaaridad adag oo u ka Damiyey Madaxweynaha Cusub...

Hargeysa(Xogreebnews.com)-Labadii Todobaad ee u dambeeyey waxa bar kulanada baraha Bulshada si weyn u qabsaday Amaan iyo boggaadin loo jeedinayo Maareeyaha faraca Somaliland ee Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo mudo aad u kooban xilka hayey, hase-yeeshee gaadhay guulo waaweyn, kaasoo lagu tilmaamay inuu yahay masuul damiyey mushkilado iyo khilaafyo in muddo ah soo jiitamaayey oo ragaadiyey Marsada Berbera.
Bulshada reer Somaliland ee isticmaasha 'Facebook' waxay Maareeyaha Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi ku tilmaameen mid shaqsi qayb ka ahaa guusha Xisbiga Kulmiye mar kale ku hantay tallada qaranka, waxanay farta ku wada fiiqeen in waqti yar uu Saxadda Siyaasadda kaga saaray mooshin mucaaridku si weyn ugu adeegsnaayeen dhaliisha Xisbiga Kulmiye, waxana arrimaha kamid ahaa inuu fardaamiyey xidhnaanshihii Dekedda.


Waxyaabaha kale ee sida weyn loogu amaanay Maareeyaha mudada yar joogay faraca Dekeda Berbera, waxa Kamid ahaa, inuu wada-shaqeyn iyo sidoo daacadnimo muddo ugu halgamaayey guusha Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale mareeye Siciid xilka faraca Dekedda Madaxweyne Siilaanyo waxa uu u magacaabay xiligii oloollaha Doorashaddu bilowga ahaa, kasoo hadda xilkaa hayey laba blood waxka yar.
Haddaba waxanu halkan Idiinku soo Gudbinaynaa muuqaalada Fikirada Dadka ka Hadley waxqabadka iyo firfircoonada Maareeyaha Dekedda Berbera, halkan hoose ka daalaco.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured