Madaxweyne Muuse Biixi oo La Weriyey Inuu Xil-wasiirnimo u Magacaabayo Aabihii Musuq-maasuqa iyo Khiyaanada Amb. Cawil Cali Ducaale

0
Tuesday December 12, 2017 - 01:33:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo La Weriyey Inuu Xil-wasiirnimo u Magacaabayo Aabihii Musuq-maasuqa iyo Khiyaanada Amb. Cawil Cali Ducaale

    Madaxweyne Muuse Biixi oo La Weriyey Inuu Xil-wasiirnimo u Magacaabayo Aabihii Musuq-maasuqa iyo Khiyaanada Amb. Cawil Cali Ducaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo La Weriyey Inuu Xil-wasiirnimo u Magacaabayo Aabihii Musuq-maasuqa iyo Khiyaanada Amb. Cawil Cali Ducaale

Hargeysa(Xogreebnews)-Warar lagu kalsoon yahay, oo laga helay ilo ku dhow-dhow Madaxweynaha la doortay, ayaa la filayaa inuu golaha Xukuumadiisa cusub kusoo daro Ambaasator Cawil Cali Ducaale, isla markaana la sheegayo inuu u magacaabi doono Wasaaradda arrimaha dibeda.

Ma jiro War rasmiya oo si cad daboolka uga qaaday Magacaabistaa, hase-yeeshee Xogo ay Warbaahinta Xogreebnews ka heshay ilo ku dhow-dhow Madaxweynaha Cusub, ayaa lagu sheegay Madaxweynaha la doortay uu magacaabista Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumaddii UDUB, uu arkay mid waxka ka tari karaa Beesha uu kasoo jeedo, oo Siyaasad ahaan uu Madaxweynaha cusubi werwer ka qabo, iyo sidoo kale Amb. Cawil inuu wax badan kusoo kordhin karo Siyaasadda arrimaha dibeda ee Somaliland.

Hase-ahaatee, hadii Magacaabista Amb. Cawil dhab noqoto, waxa hubaal ah inuu tallaabada Madaxweyne Muuse Biixi ku waayi-doono waxyaabo badan, kuwasoo ay kow ka yihiin wajiga furan ee u dhowana u muujiyey Deegaanka Galbeedka Burco, iyo sidoo kale waan-waantii ugu jiray sidii uu iskugu soo dhowen lahaayeen Xukuumadiisa iyo Bulshada wax tabanaysaa ee ku kala dhaqan gobollada Sanaag, Togdheer, Saaxil iyo Maroodi-jeex.

Amb. Cawil Cali Ducaale waa Kumaa?. Amb. Cawiil waa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumaddii UDUB, kaasoo ku suntanaa musuq-maasuq xadhkaga goostay ee Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale lagu eedeyn jirray, isla markaana lagu xidhiidhin jiray inuu ahaa shaqsi aan wax ah ka gelin hantida qaranka, sidoo kale, waxa uu Amb. Cawil Cali Ducaale ahaa siyaasi ka madhan taageero noocay doonto ha ahaatee deegaankiisa, isagoo taa bedelkeedana caanku ah cunfiga iyo hanti boobka oo u ku xeel-dheer yahay. Siyaasi Cawil Cali Ducaale xaga shaqada iyanna kuma wanaagsanaa hase-yeeshee waxa uu can ku yahay far kastoo uu qaado hawl-qaran ay ku lamaan tahay khiyaamo iyo qaran dumisnimo, umana ekaa siyaasi daacad ka ah madaxa-banaanida iyo gooni isu taaga Somaliland.

Haddaba, hadii uu Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Xukuumadiisa uu kusoo daro Siyaasi Cawil Cali Ducaale, waxay Xukuumadiisu noqon doontaa mid durba lumiso kalsoonida shacabka, isla markaana yeelata sawiir ah inuu Madaxweynuhuu soo dhoweystay dadkii musuq-maasuqa iyo khiyaanada caanka ku ahaa. La socda xogo daaha ka faydaya Taarikhda Amb. Cawil Cali Ducaale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured