Dardaaran ku Socda Madaxweynaha Xilka la Wareegaya!..Muusow Hadaad Xubin Kasoo Celiso Xukuumadii Murdiya, Waxaad Godki Ridday Rajadii Umaddu kugu Raacday...in la Xisaabiyo Madaxweynaha tagaya Waa Mid Quman?

0
Wednesday December 13, 2017 - 06:20:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dardaaran ku Socda Madaxweynaha Xilka la Wareegaya!..Muusow Hadaad Xubin Kasoo Celiso Xukuumadii Murdiya, Waxaad Godki Ridday Rajadii Umaddu kugu Raacday...in la Xisaabiyo Madaxweynaha tagaya Waa Mid Quman?

    Dardaaran ku Socda Madaxweynaha Xilka la Wareegaya!..Muusow Hadaad Xubin Kasoo Celiso Xukuumadii Murdiya, Waxaad Godki Ridday Rajadii Umaddu kugu Raacday...in la Xisaabiyo Madaxweynaha tagaya Waa Mid Quman?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dardaaran ku Socda Madaxweynaha Xilka la Wareegaya!..Muusow Hadaad Xubin Kasoo Celiso Xukuumadii Murdiya, Waxaad Godki Ridday Rajadii Umaddu kugu Raacday...in la Xisaabiyo Madaxweynaha tagaya Waa Mid Quman?
Hargeysa(Xogreebnews)-Mansuuliyadu maaha wax dheel-dheel ah oo siddii la doono laga yeelo, ee waa amaano miisaan-keeda aan la qiyaasi karin,mase ah awood aad sidaad doonto ugu takri fali kartid oo uu leeyahay qofka loo dhiibaa, sidduu doonana uu ugu socon karo ama uu u isticmaali karo waxa aan lagula xisaab tamayn, wixii ku soo dhaca maskax-diisaba in uu ku kaco maaha, ee way ka weyne tahay, masuuliyaddu waa wax yaabaha la iska dhayalsado uguna xun ee keena waxa loo yaqaano xumaanta haddii aan siday tahay loo fulin.
Waxan uga socdaa Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa Maanta ka dhacaysa Xil wareejin, iyaddoo ay xilka la Kala wareegayan Laba Madaxweyne oo midna ka degayo xilka midna lagu soo dhoweybaayo. Madaxweynaha tagay Xaaji Axmed Siilaanyo, todoba sanno ayuu dalka soo xukumaayey, wixii mudada ka xumaaday dawladiisa iyo wixii u hagaagaybaa shar iyo khayr labada wuu leehayahay in lala xisaabtamo na ceeb mah xubnaha golaha wasiiradda ee musuq-maasuqa lagu tuhunsan yahay.
Teeda kale, Madaxweyne cusub Md. Muuse Biixi Cabdi, isna waxan leeyahay marka hore kusoo dhowow xilka umaddu kuu cugatay, marka xiga inaad faraxdo, waxa kaaga wanaagsan inaad naxdo. Waayo?. Maanta Masuuliyad culus oo kugu cusub ayaa dusha kaa fuushay, ummadda Somaliland Bari ilaa galbeed waxay kaa sugaysaa inaad u noqoto hoggaamiye ka saara Dhiidhiga, isla markaana ku haga hanaanka Cadaaladda, sinnaanta, waxka qabashada sixir-baraar, Dib usoo nooleynta rajada naxashka saaran ee dan-yartaa iyo arrimo lamid ah.
Madaxweyne Nin xilqaaday eed qaad Ilaahey hakuu fududeeyo xilka aad Dalka, Diinta iyo Dadka u qaaday, waxaad tahay  Siyaasi muddo Dalka dhex-joogay oo xog ogaal u ah, Lana soo shaqeeyey Madaxweynayaal badan, maanta umaddu waxay kaa sugaysaa inaad ka saarto xerooyinka kala qoqoban ee lagu Kala xidhay, waxa laga sugayaa inaad qabyaaladda Dib u aasto, waxa laga sugayaa inaad middeeyso Uurka shacabka ee Kala jida qaaday, Madaxweyne waxa ku sugaysaa inaad ummadda usoo dhisto Dawlad xul ah, Madaxweyne hadii xubin ama laba aad kasoo celiso Xukuumadii Murdiyaa Waxaad noqon doontaa mid markiibay ay fashilanto Xukuumadiisu.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured