Wasiirada Wayda ah ee Golaha Cusub, Kuwa Sharcigu Diidan-yahay iyo Kuwa Aqoonta ku Hadhay+Wasiirka Kharajiga oo shaqadi uga Xuub-siibtay Dilaalista Mashaaricda Iyo Xogta Saamileyda Qarsoon ee DP World

0
Sunday December 17, 2017 - 01:06:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Wayda ah ee Golaha Cusub, Kuwa Sharcigu Diidan-yahay iyo Kuwa Aqoonta ku Hadhay+Wasiirka Kharajiga oo shaqadi uga Xuub-siibtay Dilaalista Mashaaricda Iyo Xogta Saamileyda Qarsoon ee DP World

    Wasiirada Wayda ah ee Golaha Cusub, Kuwa Sharcigu Diidan-yahay iyo Kuwa Aqoonta ku Hadhay+Wasiirka Kharajiga oo shaqadi uga Xuub-siibtay Dilaalista Mashaaricda Iyo Xogta Saamileyda Qarsoon ee DP World

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada Wayda ah ee Golaha Cusub, Kuwa Sharcigu Diidan-yahay iyo Kuwa Aqoonta ku Hadhay+Wasiirka Kharajiga oo shaqadi uga Xuub-siibtay Dilaalista Mashaaricda Iyo Xogta Saamileyda Qarsoon ee DP World

Hargeysa(Xogreebnews)-Xubnaha golaha Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay khamiistii, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay golihii ugu aqoonta iyo tayadda liitay, kolka loo eeggo Xukuumadihii hoggaanka tallada dalka usoo kala dambeeyey mudadii 27-kii sannadood ahayd ee Jamhuuriyadda Somaliland jirtay.

Inkastoo Madaxweynaha iyo golihiisa Geel-kiiska ah tiro ahaan kooban yihiin kolka loo eego Xukuumadii uu xilka ka dumaalay, oo iyadda golaheeddu todobaatan baarka la galay tiro ahaan, balse haddana tayo ahaan marka la barbar dhigo Xukuumadaha afartii hoggaamiye ee ka horeeyey, waxa muuqata in golahani uu yahay kii hooseeyey, marka la qiimeeyo xaga aqoonta iyo dhanka waayo aragnimada intaba.

Sidoo kale, aragtiyaha Siyaasiyiinta iyo bulshada qaybaheeda kale ka bixiyeen golaha Xukuumadda cusub ee u soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxay badi ka middeysanaayeen saluug ay ka qaban golaha cusub, oo runtii fajac iyo amakak ku noqday markii lagu dhawaaqay. Tusaale ahaan, Siyaasiyiin magac ku leh bulshada dhexdeeda, ayaa tibaaxay in golaha Xukuumadda Madaxweynaha cusubi soo dhisay ku noqday filan waa, kolkii liiska xubnaha cusub ku dhex arkeen shaqsiyaad qaarkood aanay waxba qorin iyo kuwo kaloo, waxbarashada dugsiyada dhexe aan dhamaysan, taasoo noqon doonta tallaabo qaranka curyaamisa, isla markaana hanka iyo himiladii mujtamaha reer Somaliland ku ridda God-madow, sababtoo ah qarankan curdinka ah ma anfacayso xil shaqsi lagu raali-geliyo, balse waxay ahayd oo u baahan yahay inuu helo hal-door aqoon leh oo kolba wax sii hilaadiya.

Teeda kale, muwaadiinta rajada qaranka lexe-jeclada ka qaba ee weliba iyaggu isha ku hayey dhismaha Xukuumadda cusub, waxay can-dhuftooda dib u liqeen, kolkii Liiska xubnaha golaha cusub ay ku dhex arkeen Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Sacad Cali Shire ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo badi bulshaddu ku eedeeyan inuu la ambaday shaqadii Wasaaradda arrimaha dibeda, isla markaana uu kaga mashquulay shaqadiisii kolba Dilaalista Mashaaric qayrul-sharci ah oo ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan qoyska Madaxweynihii hore iyo Madaxweynaha cusub intuba, waxana xubnahaasu soo laabashada Wasiir Sacad Cali Shire ku tilmaameen mid aan bulshada ka qaban Madaxweynaha cusub, oo aan la filayn, maadaama aanay jirin sabab macquul ah oo soo laabashada Wasiirka loogu xushaa, hase-ahaatee inuu soo laabtaa hadda waxay noqonaysa sheekaddu in loga maarmi waayey heshiiska iyo sidii loo kala lahaa saamiyada mashruuca DP World.

Waxa kaloo intaa raaca, oo dadweynuhu sida fiinta uga qayliyeen kolkii ay warbaahinta ka maqleen magacyada laba xubnood oo ku jiray Liiska golaha xukuumadda cusub, kuwasoo sida Distuurku ka reebay mid kamid ah uu ku dhacay Xukun Maxkamadeed oo dhan Sanno, talaabadasoo haddii ay ku dhacdo muwaadin uu dastuurku ka reebay inuu qaranka xil u qaban karo, sidoo kale, bulshaddu waxay farta ku fiiqeen xubinta labaad oo iyadduna digreeto Madaxweyne lagaga mamnuucay inaanu qaranka xil ka qaban karin, taasoo dhacday xiligii Xukuumaddii Marxuum Cigaal, labada xubno oo kala ah Wasiirka Waxbarashada Yaasin Faratoon iyo Wasiirka Gaadiidka iyo wadooyinka Cabdilahi Abokor Cismaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured