Taarikh Madow Iyo Fadeexado Musuq-maasuq oo Kusoo Ifbaxay Wasiirka Cusub ee Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi + Magacaabistiisa Iyo Doorkii Faysal Cali Waraabe ku Lahaa..

0
Monday December 18, 2017 - 03:14:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taarikh Madow Iyo Fadeexado Musuq-maasuq oo Kusoo Ifbaxay Wasiirka Cusub ee Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi + Magacaabistiisa Iyo Doorkii Faysal Cali Waraabe ku Lahaa..

    Taarikh Madow Iyo Fadeexado Musuq-maasuq oo Kusoo Ifbaxay Wasiirka Cusub ee Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi + Magacaabistiisa Iyo Doorkii Faysal Cali Waraabe ku Lahaa..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taarikh Madow Iyo Fadeexado Musuq-maasuq oo Kusoo Ifbaxay Wasiirka Cusub ee Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi + Magacaabistiisa Iyo Doorkii Faysal Cali Waraabe ku Lahaa..
Hargeysa(Xogreebnews.com)-Khamiistii todobaadkii lasoo dhaafay, ayey ahayd markii Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Magacaabay golihiisa Wasiiradda. Waxanu Wasaarada Maaliyada u Magacaabay Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, kaasoo darajada aqoontiisu aanay marnaba Gaadhin Jaamacad, hase-yeeshee dugsi dhexe ku kooban tahay.
Wasiirka cusub ee Wasaarada horumarinta Maaliyada ayaa hore usoo noqday maamule ku-xigeenka Kastamka kala Baydh, xiligii uu Wasiirka Maaliyada ahaa Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxana aakhirkii shaqada lagaga eryey Musuq-maasuq xadhkaha goostay oo u sameeyey. Xiligaas waxa uu Ex Wasiir Samaale la xidhiidhiyey inuu lunsaday hanti, hase ahaatee waxa uu ku abaal mariyey xilka qaadis, bal xabsiga umu taxaabin.
Isbedel kaddib markii shaqada laga caydhiyey Wasiir Samaale, isla markaana ay shaqada la wareegtay Wasiiraddii Maaliyada Marwo Samsam, ergo iyo odayaal kaddib waxa wasiiradii hore Samsam lagu qanciyey inay shaqadii kusoo celisa Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, wanay aqbashay Wasiir Samsam Cabdi Aadan.
Sidoo kale Wasiirka cusub ee Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, ma jirto wax aqoon Xisaabeed ah oo ku takhakhusay, marka laga reebo aqoon korodhsi Wasaaradda Maaliyada shaqaale uu Kamid ahaa ugu dirtay Itoobiya, kuwasoo tabobaro lagu soo siiyey Maxadka shaqaalaha Dawladda.
Haddaba Akhriste Maxaad ka Og tahay cidi ka dambaysay Magacaabista Wasiirka cusub ee Maaliyada Md. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage.
Baadhis iyo xog raadin ay samaysay shabakada Xogreebnews.com, waxa soo baxday in magacaabista Wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi Raage uu ka dambeeyey musharaxii dhacay ee Xisbigii Ucid Faysal Cali Waraabe, kaasoo Madaxweynaha cusub Muuse Biixi ka dalbaday inuu xilal ugu magacaabo shaqsiyaad dhowr ah, Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu markii hore Madaxweynaha u geeyey inuu Xil ugu magacaabo Cabdi Naasir qodax oo xoghaye ka ah Ucid, balse qorshahaas hore waa uu ku guuldaraystay, waxanu kaga fal celiyey Madaxweynuhu inuu qodax madaxda xisbiga yahay oo dadku ay garanayaan, waxanu Madaxweyne Muuse faray Faysal Cali Waraabe inuu keeno qof aanay bulshadu Xisbigiisa ku arag. Faysal Cali Waraabe waxa uu markii dambe Madaxweynaha u keenay Yuusuf Maxamed Cabdi Raage wasiirka cusub ee Maaliyada. La soco xogo iyo Warbixino iftiimin doonaa musuqmaasuqii lagaga eryey Shaqada wasiirka cusub. La soco.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured