Madaxweyne Muuse Biixi oo la Sheegay Inuu Diyaariyey Shaxda Kama Dambaysta ah ee Xukuumadiisa Cusub, Taliyaasha Ciidamada, Agaasimayaal, Badhasaabyo iyo Gudoomiyeyaasha Hay'addo Madaxbanaan iyo Magacyada qaar kamid ah...

0
Tuesday December 19, 2017 - 01:52:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo la Sheegay Inuu Diyaariyey Shaxda Kama Dambaysta ah ee Xukuumadiisa Cusub, Taliyaasha Ciidamada, Agaasimayaal, Badhasaabyo iyo Gudoomiyeyaasha Hay'addo Madaxbanaan iyo Magacyada qaar kamid ah...

    Madaxweyne Muuse Biixi oo la Sheegay Inuu Diyaariyey Shaxda Kama Dambaysta ah ee Xukuumadiisa Cusub, Taliyaasha Ciidamada, Agaasimayaal, Badhasaabyo iyo Gudoomiyeyaasha Hay'addo Madaxbanaan iyo Magacyada qaar kamid ah...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo la Sheegay Inuu Diyaariyey Shaxda Kama Dambaysta ah ee Xukuumadiisa Cusub, Taliyaasha Ciidamada, Agaasimayaal, Badhasaabyo iyo Gudoomiyeyaasha Hay'addo Madaxbanaan iyo Magacyada qaar kamid ah...
Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu soo dhamaystiray Liisaska masuuliyiinta Xukuumadiisa cusub ee qaybta labaad, waxana la diyaariyey sida ay sheegayaan Warar looga qaateen ah oo ay heshay Shabakada Warbaahinta Xogreebnews.com, dhamaan xubnaha agaasimayaasha guud oo tiradoodu ka badan tahay 30-Agaasime. Kuwasoo ah wajiyo cusub, isla markaana Madaxweynuhuu go'aan saday in aanu qof kasoo celin agaasimayaashii hore, waxa isna la magacaabay Afhayeenka Madaxtooyadda oo la sheegay in loo magacaabay Xuseen Aw Jaamac Jibriil.
Sidoo kale, Xoggaha Shabakada Xogreebnews.com heshay waxay intaa ku darayaan inuu Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi magacaay ilaa 10 Gudoomiye oo madax ka noqon doonaa Hay'adaha dawladda ee Madaxa banaan.
Waxa kaloo xogguhuu intaa raaciyeen, isla markaana Shabakada Xogreebnews.com heshay magacayada Laba kamid ah saddexda taliye Ciidan, waxana Wararku tibaaxeen in Taliyaha Ciidamada Mileteriga uu Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay Wasiirkii hore ee Duulista Cumar yare, sidoo kale taliyaha Ciidamada Booliska, ayaa isna la sheegay inuu u magacaabay Nin magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdi Tiir, halka Taliyaha Ciidamada Asluubta aanay noo suuro-gelin inaanu helno magaciisa.
Waxa kaloo Madaxweynuhuu diyaariyey Magacaabista Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sare, hase ahaatee noomay suuro-gelin magaca masuulkaas iyo deegaanka uu kasoo jeedo midna, balse waxa la filaya inuu kasoo jeesan doono Beelaha Darafyada. Waxa kaloo wararku sheegeen inuu Madaxweynuhuu diyaariyey lix badhasaab oo ah,  wajiyo cusub oo miisaan leh, iyo weliba badhasaabyada gobolada kale ee yaryar sida Gabiley, Caynaba, Baligubadle, Saylac iyo oodweyne.
Magacaabista masuuliyiintan ayaa la filayaa in laba jeer lasoo kala daayo, iyadoo beri oodda laga soo qaadi doono wajiga hore, halka wajiga labaadna maalin kaddib la shaacin doono.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured