Nuxurka Kulan dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Musharaxii Xisbiga WaddaniCirro

0
Sunday December 24, 2017 - 19:25:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Musharaxii Xisbiga WaddaniCirro

    Nuxurka Kulan dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Musharaxii Xisbiga WaddaniCirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Kulan dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Musharaxii Xisbiga WaddaniCirro

Hargeysa(Xogreebnews:- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Kulan la yeeshay Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, si ay Xanaftii doorashada isaga laab-xaadhaan, isuna saamaxaan, ugana wadahadlaan Danta Qaranku waxa ay ku jirto.

KULANKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI IYO HOGGAANKA XISBIGA WADDANI 2017

Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada, kaas oo Nuqul ka mid ahi Galabta Soo gaadhay Warbaahinta Aftahannew.com, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhignaa sidatan:-

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley hoggaanka sare ee xisbiga waddani oo ay horkacayaan gudoomiye cirro iyo, gudoomiye ku xigeenkiisu.

Kulankaasi oo madaxweynuhu u fidiyey masuuliyiinta xisbiga waddani ayey ujeedadiisu ahayd sidii laysugu laab xaadhan lahaa xanaftii iyo ololihii dhexmaray xisbiyada wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada iyo in la isla meel dhigo meelna looga soo wada jeedo danta qaranka, doorka mucaaridnimadu ay noqoto mid wax dhista, waxna toosisa, xukuumadduna ay dulqaadkeeda yeelato wixii toosin ah.

Kulankaasi oo saacado qaatay waxa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo  Xil Siciid Cabdilaahi Yasir.

Kulanka ka dib waxa saxaafadda la hadlay Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay Xisbiga Waddani waxaanu yidhi”  Maanta oo ay bisha Diseenbar 24  tahay  waxaanu Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Tiimkiisii oo Kulmiye ah ugu nimi Madaxtooyada, in aanu isku aragno Waddani ahaan iyo Xukuumadda xisbiga Kulmiye, islaab xaadhasho uun iyo sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa ayuu daarnaa kulankani, iyadoo dhinac waliba uu leeyahay waajibaadkiisii  gaarka  ahaa xisbiga Waddanina doorkiisii leeyahay hadana sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa baan ku kulnay.

Wax badan oo qaran ahaan inoo wada sameeyey oo mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn ayaa jira oo laga wada shaqaynayo, mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn, ayaa jira oo laga wada shaqayn karo kolay taas ayuun bay ku saabsanayd iyo islaab xaadhasho runtii ummaddana fariinta aan u diraynaa tahay si Xisbiga waddani doorashadii go’aankii hore ee uu ka qaatay uu yahay keedii, Xukuumaduna ay iyaduna asluubteedii yeelayso dul qaadkii laga rabayna ay u yeelato doorkaa mucaaradeed, Saxaafadana dulqaad u yeelato mucaaridka dulqaad u yeelato, arrimahaasi oo runtii aanu si wanaagsan isugu afgaranay  qarankan iyo mashaakilaadka taagana aanu iska waraysanay guud ahaan, waana kulankii koobaad wixii arrimo qaran ah in laga wada shaqeeyo waa laga balamay”.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna ka hadlay ayaa yidhi "Waxa maanta isu yimi Madaxweynihii Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo Xisbigii Waddani runtii waa Madaxdii ugu awooda badnaa dalka, sidaa uu sheegay Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu ku heshiinay maadaama ay xanaftii Doorashadu inaga dhammaatay, in dantii qaranka laga wada shaqeeyo, 

Xisbiyada Mucaaridka iyo muxaafidkuba, hawlo badan baa inoo yaala runtii aan ku eekayn uun doorashadii Madaxtooyada in aan si wada jira uga wada shaqayno runtiina ay mucaaridku noqdaan muraayada aan isku daawanayno oo ah kuwa na toosinaya, xisbiga mucaaridka mar walba waxa uu yahay muraayada laysku eego ee marwalba tallo iyo tilaam wixii shaqadaasi ka qaloocma toosinaya, waxaan ku heshiinay in si qaranimo oo wax dhisida oo mucaaridad wax dhista ah ay u shaqeeyaan iyaguna oo ay balan qaadeen anaguna aanu dul qaad u yeelano dhaliilaha naloo soo jeedinayo ama toosinta,

Mucaaridadu maaha dumis inay dadku khalad u fahmaan maaha, waxay qaateen inay dalkii dhisaan oo toosiyaan oo xukuumadii maanta dhisantahay wixii dhaliila ama shaqo ka leexda ay ku toosiyaan annaguna waxaanu balan qaadnay in aanu dul qaad u yeelo toosintooda iyo tilmaantoodaba hawlaha inoo yaalana aan si wada jira uga wada shaqayno mudada dhow, waxanay maanta ahayd kulan kii koobaad wada hadalkii ku furmay.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warka Qoraalka ah ee ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland.

Kulankaasi sidii uu u dhacay iyo Waxay Masuuliyiintu ka yidhaahdeen Nuxurkiisa-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured