Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamud Xaashi iyo Gacan-yarihiisa Ila hada sii jooga ee Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha oo Shirqool ka Dhan ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi sii Maleegay Xiligii kala Guurka.

0
Tuesday December 26, 2017 - 04:00:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamud Xaashi iyo Gacan-yarihiisa Ila hada sii jooga ee Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha oo Shirqool ka Dhan ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi sii Maleegay Xiligii kala Guurka.

    Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamud Xaashi iyo Gacan-yarihiisa Ila hada sii jooga ee Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha oo Shirqool ka Dhan ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi sii Maleegay Xiligii kala Guurka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamud Xaashi iyo Gacan-yarihiisa Ila hada sii jooga ee Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha oo Shirqool ka Dhan ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi sii Maleegay Xiligii kala Guurka...
Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shaqaale tiro banĂ¡n oo u siyaabo kala duwan ugu kala qoray wasaaradaha dalka iyo madaxtooyada kasii shaqaaleysiiyey bishi u dambaysay ee Olollaha iyo xil-wareejinta.
Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi iyo guul-wadaha yar ee u carbistay ee Gudoomiyaha ka ah Hay'adda shaqaalaha Dawladda weli usii jooga Sharmarke Geelle, ayaa diiwaangiyey boqolal shaqaale cusub oo kasoo jeeda deegaanka Wasiirka, kuwasoo Gudoomiyaha Hayadda shaqaaluhuna si rasmiya u geliyey Buuga shaqaalaha Dawladda.
Tallaabadan oo sida la sheegay Wasiirkii hore ee Madaxtooyaddu maxamuud Xaashi u maleegay Xukuumada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sida la sheegay waxa uu Gudoomiyaha Hay"adda shaqaalaha iyo wasiirku ugu talo-galeen caqabad iyo shirqool ay usii dhigeen Madaxweynaha cusub, iyadoo aanay shaqaalahani hore Dawladda uga qaadan sida la sheegay wax mushaharo ah, balse buuga shaqaalaha dawladda loo geliyey in sannaadka cusub ee 2018-ka loo bilaabayo.
Hadaba daba-gal iyo baadhis, ayey shabakada Warbaahinta Xogreebnews.com ku samaysay sababta uu Gudoomiyaha Hay'adda shaqalaha Dawladdu gefka intaa le eg ugula kacay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi,  ma aqoon ayey ka ahayd mise waa ula kac?. Gudoomiyaha Hayada shaqaalaha dawladda Mr. Sharmarka, ma ahaa masuul aqoon iyo xirfad Midna u leh shaqada uu hayo iyo nidaamka dawladnimo midna, hase-yeeshee waa shaqsi xilka loogu dhiibay Guul-wadeyn uu ka helay wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasoo waqtigii hore ka dhigtay gacan-yare isaga Facebook wax ugu qoraa, balse markii dambe oo u dalacsiiyey inuu ku maamuso mansab aanu aqoontiisa iyo xirfadiisa lahayn. La soco qaybaha dambe ee taxanaheenan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured