Siyaasi Maxamed Qarbooshe oo La Filayo inuu ka Dhex-muuqdo Raaca Labaad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

0
Thursday December 28, 2017 - 04:12:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamed Qarbooshe oo La Filayo inuu ka Dhex-muuqdo Raaca Labaad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

    Siyaasi Maxamed Qarbooshe oo La Filayo inuu ka Dhex-muuqdo Raaca Labaad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Maxamed Qarbooshe oo La Filayo inuu ka Dhex-muuqdo Raaca Labaad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(Xogreebnews)-Iyadoo si weyn loo wada-dhawraayo, lana suggaayo filasha Liiska cusub ee qaybta labaad Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu soo dhisayo, gaar ahaana masuuliyiinta uu wakiilan doono Gudoomiyaasha Hay’adda dawladda oo la madax-baneeyey iyo Liiska Agaasimayaasha guud ee cusub, ayaa waxa la filaya inuu ka dhex-muuqan doono Liiska Agaasimayaasha Siyaasi Maxamed Qarbooshe oo kamid ahaa Kaaderintii sida hagar la’aanta ah u hagar-baxay xilligii Kaambeynka, kaasoo si weyn uga dhex-muuqday, isla markaana dhaq-dhaqaqaaqyo iyo loolano Siyaasadeed oo xoogan ka waday Gobolka Saaxil.

Siyaasi Maxamed Qarbooshe, ayaa door-lexaad leh oo lama ilaawan ah ku lahaa guusha Xisbiga Kulmiye ee Gobollada Togdheer iyo Saaxil, waxanu tacab aad u badan la garab istaagay sidii uu Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi tallada dalku gacantiisa u geli lahayd. Mr Qarbooshe, ayaa hadda la sheegay inuu raaca labaad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi kamid yahay, wallow aan la helin booska loo magacaabay ee dhabta ah.

Halkan hoose ka Daawo Sawiirada iyo muuqaalada Mr. Qarbooshe oo si weyn uga dhex-muuqda Kaambeynkii Kulmiye ee Gobolka Saaxil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured