Madaxweyne Sacad-Muuse Bes, Habar-awal Abokor Ciise iyo Maxamed Ciise soo Eeg iyo Darafyada Somaliland, Fadlan Hoggaamintii Marxuum Cigaal Dib u Milicso!. Qore. Farxan Cali Guuleed

0
Thursday January 04, 2018 - 01:50:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Sacad-Muuse Bes, Habar-awal Abokor Ciise iyo Maxamed Ciise soo Eeg iyo Darafyada Somaliland, Fadlan Hoggaamintii Marxuum Cigaal Dib u Milicso!. Qore. Farxan Cali Guuleed

    Madaxweyne Sacad-Muuse Bes, Habar-awal Abokor Ciise iyo Maxamed Ciise soo Eeg iyo Darafyada Somaliland, Fadlan Hoggaamintii Marxuum Cigaal Dib u Milicso!. Qore. Farxan Cali Guuleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Sacad-Muuse Bes, Habar-awal Abokor Ciise iyo Maxamed Ciise soo Eeg iyo Darafyada Somaliland, Fadlan Hoggaamintii Marxuum Cigaal Dib u Milicso!. Qore. Farxan Cali Guuleed
Mudane Madaxweyne, adigaa Maanta Somaliland u ah Damalkii la hadhsanaayey, ama Hoggaankii Umadda, mid ku siiyey Cod badan iyo Nin-kii Beel-yaraa ee Codka aan Buurnayn Aad ka heshayba, waxay kaaga marti yihiin Cadaalad iyo Sinaan iyo inay helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah, sida xilalka sare ee Dawladda, mashaariica horumarineed iyo adeeg kastaa oo Dawladdu shacabka u metesho.
Bal aan Dib u yara milicsano hoggaamintii wacnayd ee dhaxalka wanaagsan ku suntanayd ee u qaranka u dhigay Madaxweynuhu seeska u dhigay Somaliland ee Middeeyey marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal, rabi ha u naxariistee, Waxa uu kasoo jeeday Beesha Ciise Muuse, gaar ahaan Maxamed Ciise. Manay jirin xiligiisii Nin  Maxamed Ciise iska daayo Ciise muuse ah oo xilka hayey dawladiisii, marka laga reebo reerka Abokor Ciise la yidhahdo mooyee. Way jireen oo Madaxweyne kamid baad ahayd, Marxuum Cigaal Sacad-Muuse Xilal wuu siiyey.
Haddaba Maanta Mudane Madaxweyne Muuse Biixi adigaa Somaliland hoggaamiye u ah, ilayo haddana Xukuumadadu waa bilow, Balse waxaad mooda dhinaca Beeshada Sacad Muuse, ugu saami badan yihiin, walow aanay habooneyn in qabyaalad wax lagu magacaabo, haddana isma qabato qabyaaladda way ka madhan tahay dawladaydu iyo Beeshayda Ayaan ugu xilal badinayaa?.
Sidaas daraadeed Madaxweyne Maanta waxan kugula talin lahaa inaad bal sacad Muuse beeshaada intaa inagu hakiso, oo Aad habar awal hadaad wax kaga soo darayso qaybaha dambe ka soo qaadato Labada ardaa ee Ciise Muuse, gaar ahaan Abokor Ciise iyo maxamed Ciise. Sidaas waxan u leeyahay horta uma jeedo qabyaalad, balse haddana Somaliland waa Saami qaybsi iyo wax wada lahaansho, Xukuumadada waxa lagu eedeyn karaa mid qabiil marka durba Sacad Muuse sad bursiimo lagu arko.
Ta garxajis, malaha ma qurux badnaa in Beesha habar yoonis iyo Ciidagale aad mid si gaar ah u naas-nuujisato, Waxa muuqata in dariiqii jeegaanta Aad madaxweyne adigoo ku taagan oo qaadaya aad weliba kusoo darto xulufo cusub oo Ciidagale ah. Habar-yoonis marna u malayn maayo Inay Xukuumadaada ka hor iman,  balse waxan filaya inaad ku cadaadineyso Waddani ayey ahaayeen, Madaxweyne bilaa caleek midhaasna waa laga qurux badan yahay.
Teeda kale, Madaxweyne Beelaha darafyada iyaggana adigoo aqoontooda ku qiimeynaya iyo sawiirka wax wadÄ… lahaansha, bal wax ka bedel Shaxdaadii hore, oo macal hoos u eeg Gabooyaha. Waa Bilahi Tawfiiq. Ilahay Xaqa ha kugu hanuuniyo mudane Madaxweyne, hana kaa dhigo kii Somaliland guusha iyo barwaaqada u horseedi laha.
W/Q
Farxan Cali Guuleed
E-mail Farxangul@gmail.com
Hargeysa/ Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured