Waa Fariin Murugo Xambaarsan oo ka Timi Derbi Jiifka Dhaxanta Weheshada oo Madaxweynaha Cusub Ka Codsaday Inuu Xil Ugu Magacaabo Hooyo Daryeelkooda Ku Suntan Marwo Luul Xasan Mataan

0
Thursday January 04, 2018 - 03:29:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Fariin Murugo Xambaarsan oo ka Timi Derbi Jiifka Dhaxanta Weheshada oo Madaxweynaha Cusub Ka Codsaday Inuu Xil Ugu Magacaabo Hooyo Daryeelkooda Ku Suntan Marwo Luul Xasan Mataan

    Waa Fariin Murugo Xambaarsan oo ka Timi Derbi Jiifka Dhaxanta Weheshada oo Madaxweynaha Cusub Ka Codsaday Inuu Xil Ugu Magacaabo Hooyo Daryeelkooda Ku Suntan Marwo Luul Xasan Mataan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Fariin Murugo Xambaarsan oo ka Timi Derbi Jiifka Dhaxanta Weheshada oo Madaxweynaha Cusub Ka Codsaday Inuu Xil Ugu Magacaabo Hooyo Daryeelkooda Ku Suntan Marwo Luul Xasan Mataan
Hargeysa(Xogreebnews)-Waa Fariin murugo Xambaarsan, way adag tahay xaalada nololeed iyo duruufta ay ku sugan yihiin Derbi Jiifta ku nool Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, kuwasoo Hoygooda ay seexdan yahay Gidaarada suuqyada magaalooyinka, oo intaa ay karaatoon dhigtaan goobaha Ku Daafaddaa iyo Gidaarada, Qabowgu afarta jihaba si daran habeenkii fara-baas uu ku hayo, isla Markaana intaa ay madaxa iyo Min-jaha isgeliyeen is dhex Hurda, waxanay iskugu jiraan meelaha qaarkood Rag iyo Dumar. Dumarka derbi jiifku waxa ay ku fooshan Gidaarada, ma awoodan dhakhtar iyo cid daryeesha.
Waa xaalad murugadeeda leh, oo u baahan gurmad dawladeed iyo mid shicin, maalintii marka uu waagu beryo, midba meel ayuu u kacaa, oo u raad-sadaa wax uu cuno,  qaarkood dadkay ka Tuugan waxay cunaan waydiistan, qaarna waxay masaxaan Baabuurta, halka kuwo kalena dadka booban.
Markaad la sheekeysato qaar Kamid ah oo kala du'duwan, waxay kuu sheegayaan in hadii ay heli lahayeen goob lagu daryeelo, waxna lagu baro ay iyagu is geyn lahaayeen oo aan loo baahnaynba Ciidan suuqa ka ururiya, xaalada haysaa aw geed, taas waxa kelifaya ayey ku sheegeen diifta iyo daranyada haysaa ee habeen walbaa qabowga darani ku haysto gidaarada iyo ku daafadaha Xashiishku Buux-dhaafiyey.
Derbi jiifka kama dhacsanaa Siyaasadda,  oo waxay noo sheegeen inay xiligii doorashada Madaxtooyadda Codkooda siiyeen Murashaxii Kulmiye oo hadda ah Madaxweynaha Maanta, hadaad waydiiso sababtay ku taageereen Madaxweyne Muuse Biixi waxay farta kuu saarayaan laba arimood, kuwasoo kala ah, waa ta koowaade in Madaxweyne Muuse Biixi yahay shaqsi dalka joogay oo ka war haya nolosha iyo silica haysaa Derbi jiifka. Waa midda labaade waxay sheegeen inay Xisbiga Kulmiye Kamid ahayd oo ay weliba oloolle xoogan u gashay oo Cod u waydiisay Marwo Luul Xasan Mataan oo ay ku Tilmaameen Hooyo, in badan wax u qabatay oo xilliyo badan garab istaagtay, oo weliba xilliyadda qaarkood intaa ay suuqyada ka ururisay Goobo ku xaraysay, isla markaana waxku bartay oo noloshooda daryeeshay intii alle la kulansiiyey, hase-yeeshee gargaarkaa ay u fidisay dadka darbi jiifta kala kulantay iyadda lafteedu hadi-daad, Xadhig iyo cadaadis badan.
Darbi jiifta iyo dadka daryeelka u baahani, waxa ay Fariin u dirsadeen Madaxweyne, kuwasoo ka Codsaday inuu Marwo Luul Xasan Mataan ugu magacaabo Hay'adda Xuquuqal-insaanka Qaranka, waxanay aaminsan yihiin bulshadan daranyeysani inay baahiya-hooda wax badan ka qaban doonto, sidoo kalena Hayadda xuquuqal insaanka Dawladu aanay fadhiid noqon doonin, isla markaana sidii cadada u ahayd Marwo Luul Xasan matan ay u samayn doonto goobo lagu ururiyo oo wax lagu baro, noloshoodana lagu daryeelo.
Sidaas daraadeed waxa ay Derbi jiifta rag iyo dumar leh ee daranyaddu ku hayso Somaliland, si middeysan Madaxweynaha qaranka Md. Muuse Biixi uga codsanayaan inuu Hooyo Marwo Luul Xasan matan ugu magacaabo Hay'ada xuquuqal insaanka Dawladda.
Teeda kale, Marwo Luul Xasan Mataan, ayaa iyaddu muddo aad u dheer kasoo shaqeynaysay arrimaha xuquuqul insaanka, iyadoo saameyn aad u xoogan ku dhex leh qaybaha bulshada Somaliland, siiba dadka jilicsan ee lagu tacadiyo ee aan doodi Karin, sida haweenka la kufsado, caruurta la tuuro iyo derbi jiifka oo ay inta ay ururiso xannaanayso oo weliba wax barto. Marwo Luul Xasan Matan waxay Kamid ahayd ashkhaastii geed-dheer iyo mid-gaabanba u fuushay sidii uu Murashaxa Xisbiga Kulmiye u guuleysan lahaa, iyadoo door-weyn oo baaxad leh ka qaadatay guushii lama ilaawanka ahayd ee anu weligii Xisbiga Kulmiye ka keenin Gobolka Awdal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured