Marwo Ikraan Cabdi Gadhle oo kamid ah Ashkhaasta sida Weyn Ugu Oloolleeya Madax-banaanida Somaliland, ahna Gudoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye ee SWEDEN oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Dalkeeda Hooyo

0
Sunday January 07, 2018 - 02:09:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwo Ikraan Cabdi Gadhle oo kamid ah Ashkhaasta sida Weyn Ugu Oloolleeya Madax-banaanida Somaliland, ahna Gudoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye ee SWEDEN oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Dalkeeda Hooyo

    Marwo Ikraan Cabdi Gadhle oo kamid ah Ashkhaasta sida Weyn Ugu Oloolleeya Madax-banaanida Somaliland, ahna Gudoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye ee SWEDEN oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Dalkeeda Hooyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwo Ikraan Cabdi Gadhle oo kamid ah Ashkhaasta sida Weyn Ugu Oloolleeya Madax-banaanida Somaliland, ahna Gudoomiyaha Garabka Haweenka Kulmiye ee SWEDEN oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Dalkeeda Hooyo

Hargeysa(Xogreebnews)-Gudoomiyaha garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Dalka SWEDEN, Marwo Ikraan Cabdi Gaadhle, ayaa Maalintii shalay si weyn loogu soo dhoweeyey Madaarka Magaaladda Hargeysa ee Cigaal, kaddib markii ay kusoo laabatay dalkeeda Hooyo, oo ay muddo kaga maqnayd qurbaha.

Marwo Ikraan Cabdi Gaadhle, oo ku magac-dheer (Liibaxa Saaxil), ayaa waxa madaarka kaga hortagay dadweyne Tiro badan, aqoonyahan, saxafiyiin iyo abwaano, kuwasoo kusoo dhoweeyey dalka, waxana dadka soo dhoweynteeda ka qayb-qaatay kamid ahaa Abwaan Cabdi Good Abees oo kamid ah shaqsiyaadka ay si weyn u yaqaanaan dadka afka Soomaliga ku hadasha, haldoor kamid ah qaybaha bulshada iyo asxaab tiro badan, kuwasoo sheegay inay Marwo Ikraan Cabdi Gadhle tahay haweenay aad u karti badan oo fir-fircoon, ilsa markaana ku suntan karti iyo dedaal qaranimada Somaliland ah, iyo inay kamid tahay dadkii kaalinta weyn ka ciyaaray xilligii oloollaha soo bixistii Xisbiga Kulmiye ee dhinaca qurbaha.

Ugu horeyn Abwaan Cabdi Good Abees, oo isaggu la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay inay Marwo Ikraan Cabdi Gadhle tahay dadka ay ku weyn tahay qaranimada Somaliland, iyadoo ku tilmaamay qof aad u karti badan, waxa kaloo uu intaa ku darray in Marwo Ikraan Cabdi uu isaggu Cabdi Good ahaan kartideeda awgeed u bixiyey Magac kaasoo ahaa (Libaaxa Saaxil). Geesta kale, Marwo Ikraan Cabdi gadhle, ayaa iyadduna si weyn ugu mahad naqday shacabka kala duwan ee kusoo dhoweeyey dalkeeda Hooyo, iyadoo sheegtay inay Somaliland tahay qaran horumaray, isla markaana u qalbaa inuu helo xuquuqdiisa dal ahaaneed. Geesta kale waxa ay Marwo Ikraan Cabdi Gaadhle dhalinyaradda ugu baaqday inay aaminaan dalkooda Hooyo, isla markaana ka waan-tooban Tahriibta iyo masiibadeeda. Halkan hoose ka daawo Sawiirada Soo dhoweynta Marwo Ikraan Cabdi Gaadhle.

Image may contain: 5 people, people smilingImage may contain: 4 people, people smilingImage may contain: 3 people, people smilingImage may contain: 6 people, people smilingImage may contain: 4 people, people smilingImage may contain: 1 person


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured