Adeega Saad Sabab Uma ahaa Sixir-bararka, ee Waa Daryeelaha Dan-yarta Iyo Hawl-fududeeye Lagu Nastay!!!.

1
Sunday January 07, 2018 - 05:07:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adeega Saad Sabab Uma ahaa Sixir-bararka, ee Waa Daryeelaha Dan-yarta Iyo Hawl-fududeeye Lagu Nastay!!!.

    Adeega Saad Sabab Uma ahaa Sixir-bararka, ee Waa Daryeelaha Dan-yarta Iyo Hawl-fududeeye Lagu Nastay!!!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adeega Saad Sabab Uma ahaa Sixir-bararka, ee Waa Daryeelaha Dan-yarta Iyo Hawl-fududeeye Lagu Nastay!!!.

Hargeysa(Xogreebnews)-Sixir-bararku, waxa uu kusoo bilaabmay Somaliland tan iyo maalintii Sucuudigu joojiyey Iibsiga Xoolaheena nool, isla markaana joojiyey dhoofka Xoolaha Somaliland ka taga ama geyiga Soomaliddu degto oo dhan. Arrinkaas oo sababay in maalinba maalinta ka dambaysaa uu dalku cagaha lasii galo mashaqada istaagi la’ ee Sixir-bararka, kaasoo aafeeyey guud ahaan dalka, isla markaana saameeyey kumanaan qoys oo dan-yar ah.

Haddaba qormadan maanta ay idinla wadaagayso Shabakadda Xogreebnews.com, waxaynu ku toosinaynaa shaqsiyaadka faro-ku tiriska ah, ee aan lahayn aqoonta cilmiga dhaqaalaha, balse maqlay sheekada aan salka iyo baarka lahayn ee ay ku Sheekeeyan dadka ka xun Horumarka ay gaadhay Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom, gaar ahaan kuwa dacaayaddeeya adeegga Bulshadda wada isticmaasho ee Saad-ka, waxa kaloo aynu qormadeenan kusoo qaadan doonaa, waxyaabaha keena Sixir-bararka ama dhaqaale-gariirka iyo weliba sida looga bixi karo. Sidoo kale waxa aynu ku eegi doonaa doorka dawlada iyo dayacnida ama gudasho la’aanteeda la dagaalanka Sixir-bararka.

Ugu horayn, Horta Sixir-bararku waa aaffo, ilahay ha inagga qabtee, inna wadda saamaysay gobol iyo degmo kastoo Maanta kamid ah dhulka Somaliland, hase-ahaatee shicib iyo dawlad-ba lama abbaaro halka uu kasoo fulo, si looga hor-tago ama wax looga qabto. Balse waxa aad arkaysaa oo kaaf iyo kala dheeri ah, iyaddoo lagu meeraysanaayo meel aan cudurkuba ka imanay. Tusaale ahaan, dad uu hooseeya aqoontooda cilmiga dhaqaalaha, ayaa ku dooda inuu qayb ka yahay adeegga Saad-ku sixir-bararka, hase-yeeshee doodoodaasi ma mid ku sallaysan cilmi iyo garaad fayow, balse waa mid kasoo fusha cid ujeeddo ganacsi ama mid shaqsiyadeed oo lagu xajiimeynaayo Shirkadda Telesom, oo iyaddu ah hormuudka Shirkadaha dalka, isla markaana ah ta loogu isticmaalka badan yahay. Fikirka xajiimeynta Adeegga Saad iyo la is-marmariyo Sixir-baraarka dalka aafeeyey, run ahaantii waa kuwo is-diidan oo isku jira Cir iyo Dhul.

Culimada ku takhakhustay Cilmiga dhaqaaluhuu waxa ay sheegeen in adeegga Saad uu yahay, mid si toos ah ula dagaalama kolba kor u usii kaca Dolar, waxanay tusaale ugu soo qaatan in Lacagta lagu qaato Mobelku lamid tahay Doolar, oo waqti kastaa uu Dolarku badan yahay, sidoo kale waxa ay arrinkaa markhaati cad uga sii dhiggaan, hadii aanu jiri lahayn adeegga Saad in Halka Dolar maanta mari-lahaa 20,000 oo Shilinka Somaliland ah, maadaama oo Dolar cad oo khaliya uu noqon lahaa, hase-ahaatee adeegga Saad-ku waxa uu suuqyada ku kordhiyey Dolarka, sidaas daraadeedna waxa uu dabar weli hor-taagan u yahay inuu sii socdo doolar. Waxa’se ugu badan ee dhawrkii biloodba mar Dolarka sii kiciyaa, arrimo iskugu jira hawl-gabnimada Banka iyo ganacsatada wax soo dejisa ama kuwa Lacaga Sariifa.

Teeda kale, adeegga casriga ah ee Saad, waxa uu garab-siiya ama hawlahooda uu u fudaydiyaa kumanaan qoys oo sabool ah, kuwasoo noloshooddu ku tiirsan tahay adeega Saad-ka, kuwasoo eheladooda iyo asxaabtooda kaga hela nolol maalmeedkooda. Lacaggaha ugu badan ee la isaggu dira adeegga Saad, waa laba waji, mida koowaad waa ku ganacsiga wax lagu kala iibsado iyo midda labaad oo ah ta sahalka arrimaha wada noolaanshaha bulshada heer-walbaa oo ay tahay, hadii ay tahay in asxaab ama ehel isku shaxaado, iyo hadii ay tahay inay ku tiirsanaato intaa aan dhaqaale ahaan is-bixin ee la nool dadka dabaqada dhexe ah, sida ku musruufka reeraha iyo wixii lamid ah. Adeegga saad lamo soo koobi karo Faa’idooyinka baaxadda leh ee bulshaddu ku qabto, waxana iga xusid mudan inaanu adeegga Saad ee telefoonada lagu qaato ahayn oo keliya Dolar, balse uu ka kooban yahay laba adeeg oo mataano ah, kuwasoo kala ah qayb shilling Somaliland ah iyo mid Doolar ah.

Haddaba Akhristee maxaa Sababa Sixir-bararka, Waa Xadiga lacagta suuqa taala: (money supply)

Sixir bararka waxa sababa korodhka xadiga lacagta ee suuqa taala, waxa meesha imanaya qiimo dhac ku yimaada lacagta taasina awooda wax iibsi ayey hoos u dhigtaa iyo wixii ay goynaysey lacagtu. Inta badan wadamada dunidu waxay joojiyeen isticmaalkii lacagta dahabka ka samaysnayd ee wax lagu iibsado. Hadaba hadii baanka dhexe ee dawladu uu suuqa soo galiyo lacag ka badan intii suuqa looga baahnaa, waxa isla markaaba hoos u dhacaya qiimaha lacagta waayo?. Waxa hoos u dhacay fikirka ay dadku ka haysteen lacagta oo waxay ogaanayaan in lacagtu aanay waxba goynaynin, Hadii laakin lacagta suuqa ku jirtaa ay yaraatana qiimaheedu kor ayuu u kacaa wax badana way goyn kartaa. Awoodaasna waxa iska leh baanka dhexe oo kolba inuu ka war hayo xaalada xadiga lacagta dalku ay tahay.

Korodhka Doonista alaabta: (demand pull)

Aragtidani waxay sheegaysaa korodhka ku yimaada mushaharaadka shaqaalaha waliba wadamada soo koraya ee fursadaha shaqana ay aadka ugu yar yihiin, dadku waxay heli doonaan lacag badan si ay ugu iibsadaan alaabaha ay u baahan yihiin, tanina waxay kordhinaysaa baaahida loo qabo alaabaha ay dadwaynuhu isticmaalaan markaas ganacsataduna maadaama baahidii alaabtoodu korodhay waxay isku dayayaan inay kordhiyaan qiimihii alaabtooda si ay suuqa lacagta taala iyo baahida alaabtooda ay iskugu miisaamaan, waxana markaas oo kale dhasha sixir barar. Korodhka qiimaha alaabada: ( cost push) Shay kale oo kor u qaada qiimaha alaabadu waxa weeye qiimaha aashyaada ay shirkaduhu u baahan yihiin si ay inoogu soo saran alaabo iyo adeegyo kala duwan oo korodh ku yimaado kuwaas oo noqon kara mushaharaadka shaqaalaha, iyo alaabaha ay isticmaalaan oo korodh ku yimaado, iyaguna si ay ubad-baadsadaan faaidadooda waa inay kor u qaadan alaabaha ay iibin doonaan qiim ahooda si aanay faaidadoodu isu dhimin sidaasna uu sixir barar ku yimaado.

Sarifka lacagaha: (exchange rate)

Tani waa samayn kale taas oo isku badalashada lacagaha dhexdooda uu ka yimaado sixir bararku, waxana dhacda in suuqa dawladdu ka urursato Dolarka, isla markaana dalkaba ka saarto, sidoo kale, waxa sababta xisir-bararka Noodka lacagta Somaliland oo la shan-biraay daabacadeed, iyadoo ay meesha ka baxday Lacagtii 50-ka Shiling iyo 100-ka shilling, waxana hadda gababsi sii ah shanti boqol, iyadoo ay shaqaysaa oo keliya Kunka shilling iyo shanta kun. Waxana la odhan karaa fidmada ugu weynu waa taa, oo weliba sababteeda Xukuumadda ayaa leh. La soco qaybaha dambe.

Xogreebnews.com

Info@xogreebnews.com

Office Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured