Warbixin Ku Saabsan Waxyaabihii U Qabsoomay Ciidanka Dab-demiska Qarankaa Somaliland Sannadkii Tagey Ee 2017

0
Sunday January 07, 2018 - 05:09:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Ku Saabsan Waxyaabihii U Qabsoomay Ciidanka Dab-demiska Qarankaa Somaliland Sannadkii Tagey Ee 2017

    Warbixin Ku Saabsan Waxqabadkii iyo Warbixin Ku Saabsan Waxyaabihii U Qabsoomay Ciidanka Dab-demiska Qarankaa Somaliland Sannadkii Tagey Ee 2017

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin Ku Saabsan Waxqabadkii iyo Warbixin Ku Saabsan Waxyaabihii U Qabsoomay Ciidanka Dab-demiska Qarankaa Somaliland Sannadkii Tagey Ee 2017

Hargeysa(Xogreebnews.com)-Ciidanka Dab-demiska Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Waa Ciidan u tababaran isla markaana loo carbiyay la dagaalanka Aafada Dabka, Badbaadaba Biniaadanimo iyo wixii kale ee shaqo qaran ah ee khusaysa Ciidanka inay ka hawlgalaan, waana Ciidan ku cusub guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland.

Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL , waa markii ugu horaysay ee laga aasaaso guud ahaan gayiga Somaliland Ciidan xirfada dabka aqoon u leh waxaana Taariikhdu Markay ahayd 05/07/2014 ayaa waxaa Madaxweynaha Somaliland Xeer Madaxweyne Lr: 0403/072014 ku soo saaray Aasaaska Ciidanka Dab-demiska Qaranka oo ay xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ku dhiiratay inay yagleesho Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Somaliland.

Muddada kooban ee Ciidanka Dab-demisku jirayna waxaa qabsoomay waxyaabo badan oo la taaban karo waxaynaan u dul istaagi doonaa mid mid iyo mashaariicdii , Hawlgaladii iyo wixii kale qabsoomay.

Hadaba Sannadkan dhamaaday ee 2017 ayaa ahaa mid ciidanka Dab-demisku u qabsoomay waxyaabo badan oo la taaban karo isla markaana ay ka mid ahaayeen Hawlgalo dab iyo kuwo kale oo ciidanka u qabsoomay, waxaana la xusi karaa hawlgaladii ciidanku ka sameeyay Suuqyada waaweyn ee Magaalada Hargeysa iyo Wajaale kuwaas oo ciidanka dabdemisku ka sameeyay Hawlgalo waaweyn. Dhanka kale waxaa iyadana la xusi karaa sannadkan in ciidanku sameeyay korodh badan oo dhan kastaba ah gaar ahaan dhanka korodhka ciidanka, Gaadiidka iyo horumarka kale ee ciidanka.


Waxaa xusid mudan sannadkan in ciidanka Dab-demisku ku tallaabsaday tallaabo wanaagsan oo waxqabad iyadoo la Badbaadiyay Guud ahaan Dabab kala duwan oo ah 634 Hawlgal oo isugu jira Badbaado iyo Hawlagalo kaleba.

Hawlgaladii Ciidanka Dabdemisku Sameeyay iyo Waxqabadkii 2017 oo Kooban.
__________________________

•Sannadkan 2017 ayaa ciidanka Dab-demiska ayaa ka hawlgalay 634 Hawlgal,kuwaasi oo iskugu jiray Dabab, Badbaadooyin iyo hawlo kale oo Qaran.
•Alle Haw Naxariistee Waxaa Dababkaas ku dhintay 26 Qof.
•Waxaa ku dhaawacmay Hawlgaladaas 40 Qof. Dhaawacyadaas oo Waaxda Caafimaadka Ciidanka Dab-demisku ay adeeg u fidiyeen intii wax laga qaban karayay wixii kale u gudbiyeen goobaha kale ee caafimaad ee ku haboon.

•Ciidanku waxaa uu hawlgaladaa ku soo badbaadiyay 27 Qof.
•Guryaha Daaraha ah ayaa ahaa sannadkan 109 Guri.
•Guryaha Jiingadaha ah ayaa ahaa 83 Guri.
•Waxaa iyaguna sannadkoo hore gubtay 63 Guri oo Buulal ah.
•Goobaha qashinka iyo dhirta ku gubatay ee bulshada halis galisay waxay ahaayeen sannadkii hore 297 Goobood.
•Gaadiidka uu ciidanku u gurmaday ee gubtay waxay ahaayeen Sannadkii 2017 13 Gaadhi.

•Kaalmaha shidaalka ee dabka laga badbaadiyay ayaa sannadkii hore ayaa ahaa 4 kaalmood.
•Ka Hortaga Gubashada Suuqa Waaheen ee Magalada Hargeysa ayaa ahaa 8 Hawlgal.
•Xadhkaha laydhka iyo isgaadhsiinta sannadkan gubtay ayaa ahaa 34 Hawlgal.
•Waxaa ciidanku biyo qaybin u sameeyay xarumaha dawlada sidoo kale waxaa ciidanku hawlgalo iyo gurmad u sameeyay Abaarihii waddanka ka dhacay waxaana ku baxay 46,685 Foosto.
•Korodhka Ciidanka Xubnaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka 120 Xubnood.
•Waxaa iyaguna korodhay xubnaha ciidanka Dab-demiska Caasimada 93 Xubnood.
•Waxaa Sannadkan Tababar Loo soo xidhay 213 Xubnood oo ka kala socda Degmooyinka Hargeysa,Burco,Wajaale iyo Boorama.

•Gaadiidka Dab-demiska ayaa sannadkan korodhay waxaana ay gaadheen 10 Gaadhi, kuwaasoo ah gawaadhida dabka iyo kuwa kale ee ciidanku ku qabto shaqada Maalinimo.
•Korodhka Dhismayaasha Dhulka laga dhisayo xarumaha Dab-demiska ayaa sannadkan kordhay waxaana ay gaadheen 6 Xaruumood.
•Hirgelinta Numberka 990 ee Magaalooyinka Burco, iyo Boorama iyo Tog-wajaale ayaa iyadana la gaadhsiiyay Magaalooyinkaa waxaana ay gaar u yihiin Magaalooyinkaas.
•Waxaa ciidanku sannadkan sameeyay Wacyigelin Ballaadhan oo dhan kastaba ah waxaana Tababaro loo fidiyay Xaruumaha Dawlada, Baayacmushtar ka iyo bulshada waxaana sannadkan la gaadhay 327 Xaruumood. Wacyigelintaas waxaa sameeyay waaxda farsamada iyo tababarka bulshada ee ciidanka Dab-demiska Qaranka.

•Gubashada Suuqa weyn ee Wajaale oo ciidanku ka hawlgalay goor Habeenimo ah ayaa ciidanku ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta Dabkaasi, waxaana Ciidanku badbaadiyay Hanti dhan oo gaadhaysa 200,000 Dollar iyo Lacag kale oo iyaduna Birr ahayd, waxaa ciidanku sidoo kale badbaadiyay ilaa 15 Qasnadood oo lacaga,sidoo kale wuxuu ciidanku ku guuleystay inuu xakameeyo dabkaas, dhanka kale waxaa ka hawlaglay dabkaas Ciidanka Degmooyinka Hargeysa, Boorama iyo Wajaale.
•Sannadkan waxaa ciidanku kaalmeyn iyo taakuleyn ka geystay Laba Koontiindhar oo ku gubtay dekkeda Berbera waxaana ciidanku halkaa joogay muddo.

WARBIXINTA FIDITAANKA CIIDANKA DABDEMISKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA IYO IMTIXAAMAADKA GOBOLADA 2017.
______________________
Aasaaska Ciidanka Dab-Demiska Degmooyinka Burco, Boorama iyo Wajaale.2017
Sannadkan 2017, waxaa Wasaarada Maaliyada Somaliland ay Miisaaniyeed Sanadeedka ugu dartay Ciidanka Dab-Demiska Qaranka Dhisidooda Magaalooyinka Burco, Boorama iyo Wajaale waxana ciidanku bilabay xulista Ciidanka Magaalooyinkaas iyadoo Magaalo kastaba imtixaamka lagaga qaaday Deegaankooda isla markaana si caddaalada uu u dhacay ayna goob joog ka ahaayeen dhamaan Haayadaha shaqada ku leh Hawshaasi. Dhanka kale ciidanka ayaa Himiladiisu tahay inuu gaadho dhamaan Gobolada iyo degmooyinka dalka.

Aasaaska Ciidanka Dab-Demiska Burco sannadkii 2017
___________________________________________
Ciidanku wuxuu Imtixaam lagu kala saarayay xubnaha loo qaadanayo Ciidanka Dab-Demiska Magaalada Burco ka qaadayay Xubno ahaa 340 Xubnoodoo imtixaamkaa u fadhiistay waxaana lagu kala saarayay xubnahaas imtixaam Miisaan iyo imtixaan qoraal ahba ahaa, waxaana ka soo baxay 30 Xubnoodoo dhamaantood ah Aqoonyahan waxaana hadda ay ku jiraan Tababarka Ciidanimo iyagoo ku qaata Magaalada Hargeysa dhawaana ku noqon doona Magaalada Burco si ay u gutaan Waajibaadkooda Ciidanimo una BilaabaanShaqadooda.

Aasaaska Ciidanka Dab-Demiska Boorama sannadkii 2017
___________________________________________
Ciidanka Dab-Demisku wuxuu iyadana uu bilaabay aasaaska Magaaladda Boorama inay yeelato Dab-Demis gaara iyadoo la fulinayo hiigsiga ciidanka ee ah in la gaadho dhamaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland, waxaana ciidanku Imtixaan ka qaaday xubnaha loo tababarayo magaaladaa Ciidanka Dab-Demiska waxaana imtixaan laga qaaday 67 Xubnood waxaana ka soo baxay imtixaankii25 Xunbood oo loo qaatay Ciidanka Dab-Demiska Magaalada Boorama, waxaana dhawaan loo bilaabi doonaa Tababarka Ciidanimo.

Aasaaska Ciidanka Dab-Demiska Wajaale Sannadki 2017
_____________________________________________
Dhanka kale waxaa Ciidanku bilaabay yagleelida Ciidanka Dab-Demiska Magaalada Wajaale oo ah Magaalo Ganacsiyeed Muhiim u ah Somaliland, waxaana iyadana imtixaan laga qaaday 85 Xubnood waxaana ku soo baxay 15 Xubnood, waxaana dhamantood ay ku jiraan Tababarka Ciidanimo, iyadoo hadda ay Magaalada Wajaale ka hawlgalaan Ciidan ka tagey Taliska Guud Ee Magaalada Hargeysa kuwaasi oo ku sii simaya Magaalada Inta ay tabababarka dhamaysanayaan ciidanka loo qaatay Magaalada Wajaale.

Tababarada Sannadkii hore Ciidanka Dabdemisku fidiyay iyo kuwa ciidanka u soo xidhmay ciidanka sannadkii 2017
___________________________________________
Waxaa Ciidanka DabdemiskaQaranka lasiiyay sannadkii tagey tababaro kala duwan iyadoo Madaxweynahii Hore Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu tababarkaa u soo xidhay 213 Xubnood oo dhamaystay Tababarada kala duwan ee ciidanka Dabdemiska kuwaas oo ka kala socday Magaalooyinka Hargeysa,Burco,Boorama iyo Wajaale.

Dhanka kale waxaa sannadki 2107 ciidanka Dab-demisku Tababar u fidiyay Ciidamada Ilaalada Xeebaha taasi oo ciidanku u ku tababaray sida ay ciidamadaasi wax uga ogaan lahaayeen khatarta dabka sidoo kalena iska difaaci lahaayeen hadii dab ku yimaado gaar ahaan ilaalada xeebaha sida doomaha iyo maraakiibta, waxaa iyaguna tababarkaa soo qabanqaabiyay suuragalnimadiisa haayada EUCAP.

Sannadkii hore waxaa ciidanku muddo todobaad ah sameeyay tababar ku saabsan Xumbada dabka lagula diriro ee Fuumta loo yaqaano iyo tababaro kale oo taliyaha ciidanku bixiyay oo ku saabsanaa Haamaha lagu neefsado marka dabka lagalayo.
Sidoo kale ciidanka ayaa sida caadiga ah bixiya una qaata tababrada kala duwan ee ciidanka oo maalinle u baxa ciidanku ku tababartaan waxaana tababaraasi ka mid ah:

a. Tababarka Xirfadaha Dabdeminta.
b. Tababarka Xirfadaha Gargaarka Kowaad.
c. Tababarka Xirfadaha Korontada.
d. Tababarka Xirfadaha ITga.
e. Tababrka Culuumta Diinta
f. Tababarada Ciidanimo

WAXQABADADA KALE EE CIIDANKA DAB-DEMISKA U QABSOOMAY SANNADKII TAGEY EE 2017.
________________________________________
•Madaxweynihii hore ee Somaliland ee Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ayaa sannadkii hore dallacsiiyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Mudane Axmed Maxamed Xasan Sawaxili waxaanu u dallacsiiyay darajada Sareeye Guuto.

•Sannadkii 2017 waxaa naftood hurayaasha ciidanka Dab-demiska dhaawacyo ka soo gaadheen hawlgal ciidanku ugu baxay xaafada istaad Hawska ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo Sarkaal Guuleed Maxamed Aadan uu ku waayay mid ka mida ishiisa isagoo ku guda jira waajibaadka qaran, waxaa kaloo hawlgalkaa ku dhaawacmay 10 Sarkaal oo ka tirsan ciidanka.

•Sannadkii tagey ayaa ciidanka Dab-demisku sameeyeen hawlgalo qaran oo ay ka mid ahaayeen Nadaafada guud oo heer qaran ah, gurmadka abaaraha iyo shaqooyin kale oo qaran.

•Ciidanka Dab-demiska ayaa sannadkan xidhiidh wada shaqayneed la sameeyay Haayado badan Taasi oo ay dhex martay wada shaqayn, Tababaro, sidoo kale waxaa kormeero shaqo,Booqashooyin waxaana masuuliyiinta ka mid ahaa Wasiirkii Hore Arrimaha Gudaha hadda ah Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Arrimaha Dibada, Wasiirkii Hore Duulista, Wasiirkii Hore Dalxiiska, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka, Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Masuuliyiin kaloo badan.

•Guud ahaan Sannadkii hore ee 2017 ayaa ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL u ahaa sannad waxqabad taasoo ciidanku sameeyay waxqabad baaxad leh haday noqoto hawlgalada, korodhka ciidanka, horumarada kale iyo guud ahaan waajibaadka qaran ee ciidanku qabtay. Sannadkan bilaabmay ee 2018 waxaa ciidanka Dab-demiska u qorshaysan qorshayaal taasoo lagu gaadhi karo karti iyo dadaal. Ciidanka Dab-demisku wuxuu Xukuumadan cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka rajaynayaa in hore loogu sii socdo waxqabadka iyo horumarinta ciidanka Dab-demiska.

Wabillahi Tawfiiq.
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL.
Hargeysa/Somaliland.
Hargeisa@Gmail.com
Connect with Ciidanka Dab-demiska/Twitter/Youtube/Facebook.
Emergency Call 990



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured