Shirkadda Sagal-jet Waxay Ka Qayb-qaadataa Kobcinta Ganacsatada, Shaqo Abuurka, Bilicda Magaalooyinka, Ururinta Dhaxalka Dadka Hibada leh Iyo Dedaalka Wadareed ee Maamul ilaa Shaqaale oo Gaadhsiiyey Hana-qaadkii ugu Heerka sareeyey!!!

0
Sunday January 07, 2018 - 05:15:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Sagal-jet Waxay Ka Qayb-qaadataa Kobcinta Ganacsatada, Shaqo Abuurka, Bilicda Magaalooyinka, Ururinta Dhaxalka Dadka Hibada leh Iyo Dedaalka Wadareed ee Maamul ilaa Shaqaale oo Gaadhsiiyey Hana-qaadkii ugu Heerka sareeyey!!!

    Shirkadda Sagal-jet Waxay Ka Qayb-qaadataa Kobcinta Ganacsatada, Shaqo Abuurka, Bilicda Magaalooyinka, Ururinta Dhaxalka Dadka Hibada leh Iyo Dedaalka Wadareed ee Maamul ilaa Shaqaale oo Gaadhsiiyey Hana-qaadkii ugu Heerka sareeyey!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Sagal-jet Waxay Ka Qayb-qaadataa Kobcinta Ganacsatada, Shaqo Abuurka, Bilicda Magaalooyinka, Ururinta Dhaxalka Dadka Hibada leh Iyo Dedaalka Wadareed ee Maamul ilaa Shaqaale oo Gaadhsiiyey Hana-qaadkii ugu Heerka sareeyey!!!

Hargeysa(Xogreebnews)-Shirkadda daabacadda casriga ah ee Sagal-jet, ayaa noqotay midda loogu jecel yahay adeegyada ay bixiso, isla markaana ugu horaysa dhinaca tayadda daabacadda noocyadooda kala duwan. Waxanay shirkadda SAGAL-JET kasbatay Malaayin Somalilander ah maankooda iyo maskaxdooda, kuwasoo ay ka caawisay baahiyahooda daabacadeed ee heer-walbaa leh.

Waxa kaloo ay kalin-weyn oo muuqata Shirkadda Sagal-jet, ka qaadataa kobcinta ganacsiga darajadda hoose iyo kuwa dhexe, iyadoo u samaysaa Boodhadh casriya oo loo qaabeeyey qaab farshaxanimo heer caalami ah ku lamaan tahay. Shirkada Sagal jet, waxa ay kasbatay qaybaha bulshada, kuwasoo ay shaqsi-shaqsi muraadkooda ay si dhib yar uga hela. Run ahaantii shirkadda dabacadda Sagal jet, waxa ay qurxisay bilicda Magaalooyinka dalka oo dhan iyo sidoo kale guud ahaan degmooyinka, kuwasoo ay ku leedahay xarumo u qabtaa baahidooda ganacsi iyo middooda gaarka ahba.

Shirkadda Sagal-jet waxa ay samaysay dedaal faro-badan iyo horumar qaan-gaadhnimo ah, kasoo ka yimmi hoggaaminta xadaaradda salka ku haysaa ee maamulka guud ee Shirkaddu ku maamulo. Cabdi Yuusuf Aar waa maamulaha guud ee shirkada, kaasoo la odhan karo waxa uu bud-dhig u yahay guulaha lama ilaawanka ah iyo horumarka taamka noqday ee ay gaadhay Shirkadda Sagal-jet, waloow aanu guushaas maamule Cabdi Yusuuf keligii gaadhsi, hase-yeeshee guusha ay tahay mid ka timmi maskaxda iyo maanka Saamileyda iyo shaqaalaha Shirkaddan hana-qaaday ee Sagal-jet. Waayo?. Somalidu waxay ku maahmaahdaa "Inkastoo Nin-geesiya Raggu Geed aday yahay, haddaan garabka lala qaban Guri’ oodi-maayee”. Waxana arrinkaa marag u ah, munaasibad 5-tii bishan ka dhacday Huteel Maansoor oo lagu abaal-mariyey shaqaale-weynaha Shirkadda Sagal-jet, kaasoo ah mid sannaad walbaa la qabto.

Sidoo kale, waxyaabaha ay shirkadda Sagal-jet ay ku najaxday waxa kamid ah, daryeelka iyo dhiirigelinta shaqaalaheeda, oo ay ka dhigtay kuwo ay u qiimayso sannad walbaa, isla markaana u qabato xaflada iyo abaal-marino kala duwan, kuwasoo aan ku koobnayn gobolada waaweyn, hase-yeeshee gobol ilaa degmo lagu qiimeynaayo shaqaalaha. Arrinkani waxa uu kamid yahay waxyaabaha cirka geeyey shirkadda Sagal-jet.

Sada-qadda; sadaqaddu waxa ay kamid tahay waxyaabaha barakeeya Maalka sida uu inoo sheegay rasuulkeenii suubaa, naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaaee, waxanay Shirkadda Sagal-jet caanku tahay gargaar u fidinta cid kastaa oo wax ula tagtaa, waxanay dhiiri-gelisaa qalin-leyda iyo soo saarayaasha Buugaagta, sidoo kale, waxa ay ururisaa Taarikhda Haldoorkeena, iyadoo dhaxal wanaagsan u reebta umadda, waxanay ururisaa murtida iyo meedda gabayaaga Somaliyeed, kuwasoo ay si tabarucaad ah Bugaag uga qorto, isla markaana u daabacdo, lana wadaagto bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxtarka dhinacyada Bulshadda ee Shirkadda Sagal-jet maha mid lagu soo bandhigi karo qormo ama lama maqaal, balse waxa aynu cadadyada dambe kusoo bandhigii doonaa qaybo yar markaa la eeggo faa’idooyina tirada badan ee shirkaddu gaadhsisay dalka. La soco qaybaha dambe




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured