Maayirka Hargeysa oo Horkacaya Wafti Imaaraati oo Waji-gabax Kala Kulmay Deeganka Xumbo-weyne+ Mashruucii Biyo-gelinta Caasimada ee Xumba-weyne oo Faashilmay Iyo 50-Milyan laga soo qaaday Khalifa Bin Xayed al Nahyan Foundation oo La Lunsaday....

0
Tuesday January 09, 2018 - 23:21:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Hargeysa oo Horkacaya Wafti Imaaraati oo Waji-gabax Kala Kulmay Deeganka Xumbo-weyne+ Mashruucii Biyo-gelinta Caasimada ee Xumba-weyne oo Faashilmay Iyo 50-Milyan laga soo qaaday Khalifa Bin Xayed al Nahyan Foundation oo La Lunsaday....

    Maayirka Hargeysa oo Horkacaya Wafti Imaaraati oo Waji-gabax Kala Kulmay Deeganka Xumbo-weyne+ Mashruucii Biyo-gelinta Caasimada ee Xumba-weyne oo Faashilmay Iyo 50-Milyan laga soo qaaday Khalifa Bin Xayed al Nahyan Foundation oo La Lunsaday....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayirka Hargeysa oo Horkacaya Wafti Imaaraati oo Waji-gabax Kala Kulmay Deeganka Xumbo-weyne+ Mashruucii Biyo-gelinta Caasimada ee Xumba-weyne oo Faashilmay Iyo 50-Milyan laga soo qaaday Khalifa Bin Xayed al Nahyan Foundation oo La Lunsaday....
Hargeysa(Xogreebnews)-Maayirka Magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco oo horkacaya Hay'ad maalgelisay mashruuc fadhiid noqday ee Biyo-gelinta Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo lagu magacaabo Khalifa Bin Xayed al Nahyan Foundation, ayaa deegaanka Xumbe-weyne kala kulmay Gadood dadweyne. Kaasoo sababay in waftigu gaadhi kari waayeen meeshay u socdeen, kadibna waxa ay waftigu kusoo noqday Hargeysa.
Sida ay sheegeen Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakada Xogreebnews. Dadweynaha ayaa ka gadooday Mashruuca oo si weyn loo musuqmaasuqay, isla markaana aan haba-yaraatee waxba laga qaban deegaankana aan waxba laga siin, balse xoguhuu waxay tilmaameen in mashruucaas lagu lunsaday Lacag ka Badan Konton Milyan oo Dollar.
Mashruuca ayaa waxa afka u dhigtay shaqsiyaad shuraako ah oo ay kamid yihin Wiilkii Madaxweynihii hore ee Somaliland Armed Siilaanyo Sodoga u ahaa, ahna Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka.
Waftiga carabta iyo Maayirka Hargeysa, ayaa caawa shirar Xukuumada la yeeshay Xukuumada, Waxana xoguhuu tibaaxeen in waftiga carbeed si weyn ugu calaacaleen in Kontan Milyan laga soo qaaday, isla markaana aan waxba laga qaban oo aan lab bilaabin mashruuci biyogelinta Caasimada, waxana wararku intaa raaciyeen waftiga Ururka khaliifa Xukuumada ka codsadeen in beri la geeyo meesha si ay isoo xaqiijiyaan Fashilka Mashruuca.
La soco wixii Kasoo Kordha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured