DARAJADA DULAYSAN QORMO XIISO LEH'.QALINKII: WARIYE HAMSE JIRDE

0
Thursday January 11, 2018 - 03:39:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DARAJADA DULAYSAN QORMO XIISO LEH'.QALINKII: WARIYE HAMSE JIRDE

    DARAJADA DULAYSAN QORMO XIISO LEH'.QALINKII: WARIYE HAMSE JIRDE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DARAJADA DULAYSAN QORMO XIISO LEH'.QALINKII: WARIYE HAMSE JIRDE
Aqoontu Garaad Ma Keento. Waa Daymadii Abwaanka iyo diiradii qalin-maalka oo gees u wada jeeda.Waa duur-xull lagu daah-furayo sidii la isku waafajin lahaa bixinta Darajada Masuulnimo iyo heerka aqooneed ama waayo aragnimo ee lagu mutaysan karo.Waa qormo lagu soo bandhigayo dhibaatooyinka ka dhalan kara darajada dulaysan mustaqbalka dhaw.Waa qormo dhimbiil daba ku ah Masuulka lagu maamuusay darajo oo aanu u qalmin.Waa qormo daruurtii cadaalada iyo sinaanta oo ka dull hooray u ah dulmanayaasha aqoontii,tobabaradii iyo waayo aragnimadii ay lahaayeen u goyn wayday darajadii ay mudnaayeen.Waa qormo dacwad ku soo oogaysa Masuuliyiinta ku magacaaban darajada dulaysan.Waa dareenkii muwaadinka oo daboolka idinka qaadi doona boogaha huursan ilayn doqoni hoosiisbay hadh moodaaye.


Hadiise aan hoos ugu daadago dulucda qormadayda.Waa hubaal in haybadii Wasiirka Maaliyadu meesha ka baxday,waxaanay dadka aqoonta gaara u leh arimaha Maamulku ku macneeyeen.In Darajada dulaysani dhashay Masuuliyad dayacan.Waana dabarka ku xidhan koboc laga sameeyo dhinaca maamul wanaaga.Waxaana lagu tilmaami karaa dooni looga dhigay dirawal ama naakhuude aanu aqoon u lahayn sida looga saari karo doonida mawjadaha Badda iyo maayadaha guuraaya ee Badda.Masuuliyiinta wareegtooyinka ku Magacaaban ee lagu maamuusay xillalka aanay u qalmin,waxaana jira Calaamado lagu garto.Waxaana ka mida.Haybadii iyo haykalkii madaxnimo ma laha.Waxaanu hamuun u qabaa Musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadda.Danta gaara mooyee danta guud kama shaqeeyo,Milgaha dawladnimo ma ilaaliyo.Deeqsinimo iyo dulqaad laguma oga.Waqti kasta wuu dagdagayaa,hadalkiisa laaxin lagama waayo,jawaabta uu bixiyaa waa erayo deelqaafa iyo weedho dalable.Waa Masuul Xillka qaran la daalaa dhacaya waqti kasta,waxaanu ku jiraa diiqad.Waxaanu dareemayaa culays aanu qaadi Karin in la saaray.Waa darajo Masuul aan u qalmin lagu maamuusay,waxaanu ku helay Xuquuqda qolonimo.Waa darajo dulaysan oo lagu dhibo inta Maamulkeeda hoos joogta iyo damanaha warmooga ah.Waxuu caan ku yahay dir-sooca,dariiqa uu marayaana waakii qabyaalada.Waxaanu qorsheeyay in uu dayr adag oo beeshiisa ah samaysto.

Waxaa marag ma doona in ay lagama maarmaan tahay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka loo bixiyo Xillalka qaranka iyo Masuuliyiinta heerkooda aqooneed ama waayo aragnimo,waxaase iswaydiin mudan? Ma jiraa Xeer qeexaya heerka aqooneed iyo waayo aragnimo ee lagu mutaysan karo Darajo qaran ? Caano daatay dabadeed la qabaye,waxaa lagama maarmaana in maanta la is waafajiyo darajada Masuuliyiinta Xillalka qaranka loo dhiibayo  iyo heerka aqooneed iyo waayo aragnimo ee ay leeyihiin? Waxaana hubaal ah in Xeer loo sameeyo Muwaadinka la siinayo Darajo,mar kale waxaa hubaal ah hadii la helo hogaan ka daacad in la is waafajin karo Darajada Masuuliyiinta iyo heerka aqooneed ama waayo aragnimo ee ay leeyihiin.
Isku soo wada duuboo duruusta iyo casharada laga baran karo,markii darajada ka habawday marinkeedii dhibaatooyinka ka dhashay,iyadoo maanta Bulshada S/land ay maanka iyo maskaxdaba ku hayaan  heerka Xukuumada S/land ka taagan tahay Maamul wanaaga madax iyo mijo,waxaanse qormada ku soo gunaanadayaa.Haday meesha ka baxdo xuquuqda qofnimo,waxaa xoogaysata xuquuqda qolonimo,waxaana ka dhasha Masuuliyad dayacan iyo darajo dulaysan.
QALINKII: WARIYE HAMSE JIRDE
HARGAYSA SOMALILAND.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured