Musuq Maasuq Baahsan iyo Khilaafaad Curyaamiyey Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.

0
Thursday January 11, 2018 - 04:11:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Musuq Maasuq Baahsan iyo Khilaafaad Curyaamiyey Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.

    Musuq Maasuq Baahsan iyo Khilaafaad Curyaamiyey Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musuq Maasuq Baahsan iyo Khilaafaad Curyaamiyey Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Musuq baahsan oo curyaamiyey hawlihii shaqo ee wasaaradda deegaanka iyo reer miyiga ayaa in badan ka dhex jiray wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga,xogo dhab ah oo cadeymo wata ayaa muujinaya in agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Cilmi Xuseen uu ku kacay musuq ba’an oo curyaamiyey shaqadda wasaaradda. Tusaale ahaan waraaqaba lacag qabashadda ee la socda qoraalkani waxay muujinayaa lacago qaansheeg ah oo lagu qoray waraaqda lacag qabashadda ee wasaaraddu ku cashuurto dhuxusha iyo xabagta oo si khiyaamo ah loogu qoray lacago aan loogu talo gelin in lagu qoro.
Tusaale ahaan waaraqda lacag qabashada oo loogu talo galay in lagu qabto lacag dhan shan boqol oo kun (500,000) waxa lagu qora 200,000 oo kun halka inta kale la lunsado. U firisada waraaqaha lacag qabashadda ee halkan ku liifaaqan
.
1
Kuwani waa qaar ka mid ah cadeymaha muujinaya musuqa baahsan ee ka jira wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga.hadii aan Madaxweyne Muuse Biixi wasaaraddan u soo dirin Hanti dhawrka guud ee sal iyo baar baadha waxay ceeb iyo nusqaan ku tahay hanaqaadka maamul wanaaga xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Geesta kale khilaaf ayaa curyaamiyey wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga iyadoo khilaafkaasi u dhexeeyo agaasimaha guud ee wasaaradda iyo isku duwayaasha goboladda ee wasaaradda iyo dhamaan shaqaalaha oo isku dhinac ah.cid kasta oo doonaysa inay xogtan baadho ha waraysato isku duwayaasha goboladda ee wasaaradda deegaanka hab masuuliyadi ku jirto iyo weliba shaqaalaha wasaaradda si xogahi oo dhan cidii doonaysa u xaqiiqsato.
Doorka wasiirka deegaanka ayaa ah mis jilicsan madaama oo ay Marwo Shukri tahay qof hooyo ah waa gabadh naxariis badan oo doonaysa wax kasta inay asturto balse arintaasi waxay dhabar jab ku tahay xukuumadda uu hogaamiyo Mudane Muuse Biixi Cabdi oo umadda Somaliland oo dhani ay rajo aad u weyn ka qabto in musuqu joogsado isla amrkaana shaqaddu socoto.
La soco xogo kale oo dheeraad ah.
maxamed ibrahim
maxamedibrahim5@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured