5-ta dal ee ugu xooga weyn dunida Islaamka iyo Awoodaha Ciidan ay haystan+ Hirdanka Siyaasadeed ee ka Dhexeeya...

0
Thursday January 11, 2018 - 04:32:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5-ta dal ee ugu xooga weyn dunida Islaamka iyo Awoodaha Ciidan ay haystan+ Hirdanka Siyaasadeed ee ka Dhexeeya...

    5-ta dal ee ugu xooga weyn dunida Islaamka iyo Awoodaha Ciidan ay haystan+ Hirdanka Siyaasadeed ee ka Dhexeeya...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

5-ta dal ee ugu xooga weyn dunida Islaamka iyo Awoodaha Ciidan ay haystan+ Hirdanka Siyaasadeed ee ka Dhexeeya...
Hargeysa(Xogreebnews)-Waxa jira qaabab badan oo loo qiimeeyo awooda ciidan ee dal leeyahay, sida tirada ciidanka, qalabka ay ku hubaysanyihiin, tayada agabka, hubka dalku soo saaro, miisaaniyada difaaca iyo wixii la mid ah.
Dhamaan qodobadaasi waa kuwo la is barbar dhigo oo lagu jaan gooyo cududa ciidan ee dal, tusaale ahaan hadii ay heegan kuugu jiraan 2 malyan oo askari micnaheedu maaha inaad dunida ugu awood badantahay.
Miisaaniyada aad ciidamada ku bixisaa waa muhiim, balse taasi kama dhigna sida loo kala xoolo badanyahay baa loo kala xoog weynyahay.
Miisaaniyada difaaca ee Sucuudigu sanadkan waxay dhantahay $87.2 bilyan, nasiib xumo wuxu kaga jiraa liiska lagu qiimeeyey awooda ciidan ee dunida kaalinta 24aad.
Ruushka oo ah dalka labaad ee dunida ugu xooga badan sanadkan wuxu u qoondeeyey ciidamadiisa aduun dhan $46 bilyan, dhaqaalahaas oo kala bar ka ah kan Sucuudiga.
Sucuudiga oo dhaqaale badan ku bixiya ciidamadiisa kuma jiro 5ta dal ee ugu xooga weyn dunida Islaamka.
Dhibaatada haysata Sucuudiga oo ah dalka sadexaad ee ugu miisaaniyada badan difaaca marka laga yimaado Maraykanka iyo Shiinaha, waa isagoo aan lahayn wershado hubka soo saara.
Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo Faransiiska ayaa ah quwadaha ugu itaalka roon dunida.
Warsidaha Faaqidaad Warbixintan wuxu diirada ku saari doonaa 5ta dal ee caalamka Islaamka ugu xooga weyn.
 
5. Iiraan
Waa dalka 5aad ee caalamka Islaamka ugu xooga weyn, tirada dadkeedu waa 79 malyan oo qof, waxa heegan ugu jira ciidamo dhan 545,000, halka ay 1,800,000 u yihiin kayd.
Shahab-1 oo ah gantaal ballistika ah oo Iiraan tijaabinayo.
Ciidamada Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan waxay ka koobanyihiin shan qaybood oo kala ah:
Ciidanka Dhulka 350,000 oo askaro

Ciidanka Ilaalada kacaaka 125,000
Ciidanka Cirka 37,0000
Ciidanka Badda 18,000
Ciidanka Difaaca hawada 15,000
Miisaaniyada sanadkan ciidamada loo qorsheeyey ayaa ah $17 bilyan, taas oo ka ah 6% dhaqaalaha guud ee dalka.
Tehraan mudo dheer waxa saarnaa cunaqabatayn, looma ogola inay soo iibsato diyaaradaha dagaalka iyo aaladaha laga sameeyo gantaalaha ballistika ah.
Dalalka reer galbeedku kama iibiyaan hub nooc kasta ha ahaadee, taasi waxay ku riixday 20kii sano ee ugu dambeeyey inay samaysato wershado hubka soo saara.

Iiraan waxay horumar baaxad leh ka gaartay wershadaha difaaca, kuwaas oo soo saara gantaalada ballistika ah, taangiyada, diyaaradaha aan duuliyuhu wadin (drone), maraakiibta iyo nooc kasta oo hubka fudud ah.
Taasi waxay ka dhigtay inay noqoto dalka ugu awooda badan bariga dhexe marka laga yimaado Israel oo xulufo la ah Maraykanka.
Ruushka, Shiinaha, Kuuriyada Woqooyi, Kuuba, Ukraine, Hindiya iyo Pakistaan ayaa ka mid ah dalalka ay ka soo iibsato hubka qaarkiis.
 
4. Indonesia
Indonesia oo ah dalka afraad ee ugu dadka badan dunida ayna ku noolyihiin 255 malyan oo ruux ayaa kaalinta afraad ka galay dalalka ugu xooga weyn caalamka Islaamka.
Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo wata baabuurta gaashaaman ee Anoa oo Indonesia soo saarto.
Ciidamo dhan 470,000 ayaa heegan ugu jira, halka ay 400,000 u yihiin kayd loo yeeri karo marka loo baahdo.
Ciidamada Qalabka Sida ee Indonesia waxay ka koobanyihiin sadex qaybood oo kala ah:
Ciidanka Dhulka 359,000 oo askari
Ciidanka Cirka 74,0000 oo askari
Ciidanka Badda 37,000 oo askari
Indonesia waxay ku kharash garayn doontaa ciidamadeeda sanadkan 2016 lacag dhan $8 bilyan, taas oo ka ah 1% dhaqaalaha guud ee dalka.
Agabka ciidanku ku qalabaysan yahay wuxu u badanyahay mid dibada laga keenay, hase yeeshee sanooyinkii dambe dalku wuxu horumar ka samaynayey hubka gudaha lagu warshadeeyo.

Gaariga gaashaaman ee Anoa ayaa dalkaasi soo saaraa, kaas oo soo jiitay dalalka Bangladesh, Ciraaq, Malaysia, Nepal, Brunei iyo Cumaan.
Maraykanka, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa ah dalalka ugu badan ee hubka u dhoofiya Indonesia.
 
3. Masar
Masar oo ah dalka ugu dadka badan dunida Carabta ayna ku noolyihiin 91 malyan oo qof ayaa liiskan ka galay kaalinta sadexaad.
Ciidamada Masar.
Ciidamadu waxay ku leeyihiin Masar saamayn aan caadi ahayn, 1953 ayey la wareegeen talada iyagoo xukunka ka tuuray boqor Fuaadkii labaad.
2013 ayey markale afgembiyeen, Mursi oo ahaa madaxweyinihii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loo soo doorto.
Qaahir waxa heegan ugu jira ciidamo dhan 438,600 halka ay kayd loo yeeri karo markii loo baahdo u yihiin 479,000.
Afar qaybood ayey ka koobanyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Masar:
Ciidanka Dhulka 310,000 oo askari
Ciidanka Cirka 30,000
Ciidanka Badda 18,600
Ciidanka Difaaca hawada 80,000

Maraykanku wuxu siiyaa ciidanka Masar caawinaad la taaban karo, sanadkan oo keliya wuxu ugu yaboohay aduun dhan $1.43 bilyan.
Miisaaniyada difaaca dalkaasi waxay dhantahay $ 7.8 bilyan oo uga dhiganta 1.7% dhaqaalaha guud.
Inkasta oo Masar leedahay shan shirkadood oo soo saara hubka, hadana qalabka ciidanku ku hubaysan yahay intiisa badan waxa laga keenay Maraykanka, Ruushka, Faransiiska, Talyaaniga, Ukraine iyo Shiinaha.
 
2. Pakistaan
Dagaaladii mararka badan dhexmaray Pakistan iyo Hindiya waxay ku khasbeen Islamabad inay ku jirto markasta diyaar garoow dagaal.
Pakistaan waa dalka keliya ee nukliyeer ku hubaysan dunida Islaamka.
Tijaabo kasta oo ciidan oo Delhi samayso waa inay si deg deg ah jawaab uga bixiso Islamabad, waa sababta keentay inuu dhex maro labada dal tartan hubka ah.
Pakistan oo ay ku noolyihiin 199 Malyan oo qof, waa dalka keliya ee Islaam ah oo ku hubaysan hubka sida baahsan wax u gumaada ee nukliyeerka.
Waa dalka lixaad ee dunida marka ay timaado ciidamada heeganka ah kuwaas oo dhan 620,000, waxana kayd ahaan ugu diyaarsan 550,000.
Sadex qaybood ayey ka koobanyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Pakistaan:
Ciidanka Dhulka 525,000 oo askari
Ciidanka Cirka 30,000 oo askari
Ciidanka Badda 65,000 oo askari

Miisaaniyada difaaca dalkaasi waxay dhantahay $ 7.6 bilyan oo uga dhiganta 3.5% dhaqaalaha guud.
Tan iyo sanadii 1963 markaas oo ay heshiis kala saxiixdeen Shiinaha iyo Pakistaan, ciidamadu waxay xiriir aad u dhow la lahaayeen kuwa Shiinaha.
Islamabad iyo Beijing waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen mashaariic ciidan oo ay ku jireen horumarinta diyaaradaha dagaalka ee JF-17 iyo K-8.
Labada dal waxay iska kaashadaan horumarinta nukliyeerka iyo horumarinta aaladaha hawada sare.
 
1. Turkiga
Turkigu waa dalka labaad ee ugu ciidamada badan gaashaanbuurta NATO, iyadoo ay heegan ugu jiraan 510,500 oo askari halka ay keyd u yihiin 378,700.
TAI Anka waa diyaarad aan duuliye wadin oo Turkigu soo saaray.
Sadex qaybood ayey ka koobanyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Turkigu:
Ciidanka Dhulka 401,000 oo askari
Ciidanka Cirka 48,600 oo askari
Ciidanka Badda 60,000 oo askari
Aduun dhan $18 bilyan ayuu Turkigu u qoondeeyey inuu sanadkan ku kharash gareeyo ciidankiisa, taas oo 2.2% ka ah dhaqaalaha guud ee dalka.
Marka la eego tayada ciidan, tan hubka iyo wax soo saarka wershadaha, sheki kuma jiro inuusan jirin dal ka mid ah caalamka Islaamka oo cudud ugu babac dhigi kara Ankara.
Turkigu wuxu leeyahay wershado soo saara nooc kasta oo hub ah, isagoo sanadkii 2014 dibada u dhoofiyey hub qiime ahaan dhamaa $1,6 bilyan.
Si kasta ha ahaatee, Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Israel ayaa ka mid ah dalalka uu ka soo iibsado hubka qaarkiis.

Waa dalka sadexaad ee soo saara diyaaradaha aan duuliyuhu wadin, sidoo kale waxa gudaha Turkiga lagu sameeyey qaar ka mid ah diyaarada dagaalka ee F-16.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured