Maareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan oo ku Guuleystay inuu Laban-laabo Badeecadaha Kasoo Degga Marsada Berbera, Muddo-yar Iyo Waxqabad Dhinacyo Badan ka Kooban ..!.W/Q Farxan Guuleed Daahir Warsame.

0
Saturday January 13, 2018 - 03:08:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan oo ku Guuleystay inuu Laban-laabo Badeecadaha Kasoo Degga Marsada Berbera, Muddo-yar Iyo Waxqabad Dhinacyo Badan ka Kooban ..!.W/Q Farxan Guuleed Daahir Warsame.

    Maareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan oo ku Guuleystay inuu Laban-laabo Badeecadaha Kasoo Degga Marsada Berbera, Muddo-yar Iyo Waxqabad Dhinacyo Badan ka Kooban ..!.W/Q Farxan Guuleed Daahir Warsame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan oo ku Guuleystay inuu Laban-laabo Badeecadaha Kasoo Degga Marsada Berbera, Muddo-yar Iyo Waxqabad Dhinacyo Badan ka Kooban ..!.W/Q Farxan Guuleed Daahir Warsame.
Masuul kasta oo maamula Hay'ad dawladeed waa hogaan ka wakiil ah hoggaamiyaha guud ee qaranka, waa masuul waxqabadka, Wanaaga iyo hufnaantiisa shaqo ee uu bulshada ugu adeeggo uu kaga wakiil yahay dawladda, waa mid sharaftiisa iyo ta Madaxweynaha-ba karaamadooda kor u qaadayso. Hadii uu ku fashilmo na dhaawacaysa sumcada Madaxweynaha iyo tiisa masuuliyadeedba.
Haddaba, waxa sunne ah in shaqsiga madaxda ka ah goob dawladeed ee ku guuleystaa inuu horumar gaadhsiiyo, sidoo kalena xaliya mushkilado hore oo aafayey goobtaa, waxa mudan in lagu amaano, gudashada waajibaadkiisa shaqo, hadii uu ku fashilmo na la tuso.sidaas daraadeed, Maanta waxaynu daaha ka faydaynaa masuul ka tirsan Madaxda qaranka oo mudadii uu xilka hayey ku guuleystay inuu damiyo Khilaafyo umadda hagar daamo ku ahaa, sidoo kalena laban laabo adeegyada shaqo ee qaranka wakiil uga yahay.
Massuulkani waa Maareeyaha Dekedda Berbera faraca Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi oo muddo aad u yar hayey xilka Dekedda, isla markaana xilka loo dhiibay xilli ay xidhan tahay Dekeddu, oo ay affeeyen khilaafyo afar geesood ah. Waxanu durtadiiba ku guuleystay inuu albabada u furo Dekeddii xidhnayd, sidoo kale waxa uu damiyey khilaafyo maaro loo waayey, kuwasoo ay kamid ahaayeen Khilaafkii soo kala dhex galay ganacsatada iyo DP World, khilaafkii ka dhexeeyey shaqaalaha Muruq maalka Dekedda iyo Shirkada gacanta ku haysa Dekedda ee DP World iyo khilaafkii Bulshada deegaanku ku diidanaayeen DP World iyo weliba arrimo kaloo badnaa oo isaggu xaliyey.
Teeda kale, Maareeyaha Dekedda Berbera Md. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu ku guuleystay inuu laban laabo badeecaddihii Dekedda kasoo deggi jiray, isagoo sidoo kalena laban laabay saacadihii Shaqada ee dekeddu furnaan jirtay, waxanu hadda ka dhigay mid Dekedda Berbera mid habeen iyo maalin furan, sida dekedda aduunka oo bulshada u adeegta. Waxa kaloo xusid mudan in maareeye Siciid Xasan Cabdilahi uu Shirkadda Dp ku daba galay mashaariicdii horumarinta isaggoo durba keenay qaar kamid ah qalabyada lagu roga Koontiinarada, iyadoo la filayo in mashaarica dambe ee dhismaha Dekedduna bilowdo bilaha foodda inaggu soo haya ee sanadkan.
Sida darteed Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu masuuliyadii qaranka ee u hayey uga soo baxay si xawaaraheeddu sarreeyo.waxanu sameeyey isbedel muuqda oo umadda wax taray. Waa maareeye suurta geliya is-beddelka adduunka aynu ku higsanayno, waa masuul ku dedaalaya inaynu dhaafno dadalal inagga horreeya, waa masuul leh khibrad iyo karti, waxanu ku taagan yahay dhabbaha guusha. Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waa shaqsi ay is leeyihiin wax-qabadkiisa (ficilka), taasina waa ta aadamuhu sameeyo kuwooda ugu mudan. Kartida iyo hufnaanta hoggaamintu waa ta qudha ee suurta gelisa in waddan kaga badbaado (baxo) xaaladdaha adag ee la soo dersa.
W/Q
Farxan Guuleed Daahir Warsame.
Farxangul@gmail.com
Hargeysa/ Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured