Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra'iisal-wasaaraha Itoobiya Maxay ka yidhaah-deen Kulankooda?. Halkan kaga bogo

0
Tuesday January 16, 2018 - 20:31:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra'iisal-wasaaraha Itoobiya Maxay ka yidhaah-deen Kulankooda?. Halkan kaga bogo

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra'iisal-wasaaraha Itoobiya Maxay ka yidhaah-deen Kulankooda?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra'iisal-wasaaraha Itoobiya Maxay ka yidhaah-deen Kulankooda?.
Addis-sababa(Xogreebnews)-Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn oo si wayn u qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaanna wadahadal dhexmaray kadib ay si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabteen Madaxtooyada Itoobiya oo ay ku faahfaahiyeen arrimaha ay ka wadahadleen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu yidhi, "Waxaannu ka wadahadalnay arrimo dhawr ah oo ku saabsan ammaanka, iskaashiga horumarinta dhaqaalaha ee dalalkayaga, arrimaha siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaana kuwa labadayada dal. Waxaannuna aad ugu mahadcelinaysaa soo dhawaynta Ra’iisal-wasaaraha iyo wadashaqayntiisa arrimaha naga dhexeeya.”


Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, waxa uu yidhi, "Waxaannu ka wadahadalnay nabadgalyada, waayo amniga Itoobiya waa amniga Somaliland, sidoo kalena ammaanka Somaliland waa sidaa si la mid ah…..Waxaannu Somaliland ka wadashaqaynaynaa bilowga iyo horumarinta jidka Berbera Coridor (waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya), annagoo la kaashanayna saaxiibada mashruuca Coridor la wada (Partners), si aannu uga faa’iidaysano mashruucan horumarineed qaab waxtar u leh dhinac walba.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured