Madaxweyne Dan Sixir-barar maha Tan aad Soo Waddaa ee Waa Daan-daansi Telesom iyo Dahabshiil ka Dhan ah oo Cid loogu Muraad-quminayo!!!.

1
Friday January 26, 2018 - 05:44:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Dan Sixir-barar maha Tan aad Soo Waddaa ee Waa Daan-daansi Telesom iyo Dahabshiil ka Dhan ah oo Cid loogu Muraad-quminayo!!!.

    Madaxweyne Dan Sixir-barar maha Tan aad Soo Waddaa ee Waa Daan-daansi Telesom iyo Dahabshiil ka Dhan ah oo Cid loogu Muraad-quminayo!!!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Dan Sixir-barar maha Tan aad Soo Waddaa ee Waa Daan-daansi Telesom iyo Dahabshiil ka Dhan ah oo Cid loogu Muraad-quminayo!!!.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah golahiisa Wasiiradda, ayaa cuna-qabateyn aan cilmi dhaqaale Ku dhisnayd kusoo roggay Shirkadaha Isgaadhsinta Dalka. Madaxtooyadda Iyo Wasaarada Maaliyada oo kaashaneysa Baanka dhexe, oo looga fadhiyey inay waxka qabtan sixirbarar aafeyey dalka, waxa ay soo wadan qorshe horleh oo lagu cunaqabateynayo dadka danyarta ah iyo Shirkadaha isgaadhsinta iyo weliba xornimada ganacsiga, kaasoo odhanaya in Shirkadaha isgaadhsintu Telesom iyo Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Dollar-ka ee lagu shubayo telefoonnada gacanta wixii ka yar $100 (Two Digits), kana saaran nidaamkooda Dollar-ka. Hada garo oo Xildhibanada, Wasiiradda masuuliyiinta kale Iyo Madaxweynuhu waxay Telefoonadooda Ku sitan kumanaan Dollar, balse waxa ay afka oodda u saarayaan danyarta 3-da Dollar iyo waxa lamidka ah Ka hela ehelladooda. Qorshahani waxa uu markhaati cad u yahay in laba ujeedo ka ledahay Xukuumadu. Mida kowad ayaa ah in Cagta la sii mariyo bulshada saboolka ah iyo in Shirkadaha is lgaadhsinta Somtel iyo Telesom lugta loo qabto Shirkado la saaxib ah Madaxtooyada Iyo Xisbiga Kulmiye.
Haddaba Sixirbararka sidee loo xalin karaya?. dawladu door intee le'eg ayey Ku leedahay?. 
Xukuumadda qorshe cad kama laha dejinta iyo xasilinta qiimaha sarrifka lacagta qaranka, waa run oo siyaasadda dawlada ayaa ah in suuqu xor ahaado, taasi se’ lama macno ah xukuumaddu lama xisaabtami karto Sarifayaasha Sababta oo ah, dawladda ayaa ka masuul ah lacagta wadanka, (nabad-galyadeeda iyo adeegsigeedaba)
Xukuumadda waxa ku waajib ah, in ay ku shaqayso lacagta Shillinka, adeegyadeeda qaranka oo dhanna ku fulaan, gunnooyinka iyo mushaharaadka ku bixiyaan, wixii alaab ah ama adeeg ah ee ay u baahanyihiina ku iibsadaan, qiimaaynta maaliyadeed (Miisaaniyad, Tacriifad) lagu jaangooyo.
Marka laga reebo shaqaalaha dawlada, Madaxwaynaha, Madaxwayne ku xigeenka, Golayaasha Wasiirada, Wakiilada iyo Guurtida, Madaxda haayadaha Dawliga ah iyo badi shaqaalaha haayadahu waxa ay mushaharkooda ku qaataan Doollar, lama dafiri karo oo lacagtoodu iyadoo Shilling ah bay ansixiyeen Golaha Wakiiladu. Se, waxa ay Bangiga kaga qaataan Doollar ahaan ama xawaalada Dollar,
Tacriifada maaliyadda waxa lagu dajiyaa, kuna jaan go’an tahay Doollar, Laakiinse, waxa lagu qaadaa laguna soo xareeyaa Shilinka Somaliland iyadoo laga baqo-qabo isbadbaddalka Shillinka. Lacagaha qaar baa jira lagu qabto Doollar, sida lacagta dalbashada dal-ku-galka (Visa fee), lacagaha dacasadda (Landing fee) ee dayuuradaha laga qaado, lacagta dadka soo dagga laga qaado (Immigration fee) oo ay ka siman yihiin dhamaan gegooyinka diyaaradaha, marsooyinka iyo kastamadda dalka laga soo galo.
Xukuumaddu waxa ay iibsataa alaabo iyo shidaal, waxa ay isticmaashaa adeegyo, dhamaantood biilasha lagu soo dalaco waxa loogu keenaa Doollar, Shillin ama Doollar ha ku baxshaan, se’ waxa canaan mudan in marka horeba loogu keeno lacag qalaad.
Dhammaan dhacdooyinkaa kor ku xusani, waxa ay ina tusayaan sida xukuumada, oo ay weliba madaxdeedu u horeeyaan u dhayalsatay una yastay isticmaalka Shilinka iyagoo ka doorbidaya lacag qalaad, taasina waxa ay keentay in liidasho loo arko isticmaalka Shillinka, madaama mudankii dalkuba adeegsanayaan Doollar.
Bangiga Dhexe. Bangiga dhexe  dawlada wuxu uga masuul yahay, daabacaadda lacagta iyo kaydinta lacagta dawladda, waxa kale oo uu qaranka uga masuul yahay kaydinta lacagta adag, jaangooynta isku badalka lacagta dalka iyo kuwa qalaad, damaanad (license) siinta, shirkadaha bixiya adeegga lacageed, (intani maaha dhammaan shaqooyinka iyo adeegyada bangiga. Se waa inta mawduucan khusayso).
Maaddaama lacagta adag ee loo adeegsado kaydku tahay Doollar, waxa ay ahayd in lacagta Doollarka dalka taala badankeedu aay gacanta ugu jirto bangiga dhexe, taasi oo sababi laheeyd in isticmaalka Shillinka ee suuqa dhexdiisu xoogaysto, isku badalka lacagahana uu isagu jaangooyo.


Maddaama Bangiga dhexe isagu siiyo damaanadda shirkadaha bixiya adeega lacageed, isaga ayeey aheeyd in uu ku waajib kaga dhigo in shirkadahaasi ku shaqeeyaan lacagta dalka, haday tahay kaydin iyo maalgalinba.

Marka intaas oo dhan laga yimaad, bangiga dhexe saameeyn toos ah kuma laha suuqa gancsiga iyo sarrifkaba, labadaba waxaa maamula ganacsato, iyaga ayuu doollarku gacanta ugu jiraa, waxayna ku jaangooyaan hadba baahidooda macaash iyo baahidooda lacageed Sariflayaashu!.  markay kaash u baahanyihiina doollarka banaanka keena, markay doollar rabaana kaashka banaanka keenan.
XALKU MUXUU YAHAY?.
Xalku waa uu fududyahay  hadaan la isku adkeeyn.  Saldhiga ugu muhiimsani waxa uu  noqonayaa "lahaanshiyo”, waa in aynu is dareensiinaa in aynu inagu lacagtan leenahay, oo marka uu qiime dhac ku yimaad, si isku mid ah ay u dareemaan, ganacsatada, madaxda iyo shacabkuba, taasi waxa ay keenaaysaa in si isku mid ah looga falceliyo oo qof weliba dhankiisa ka difaaco. Waayo, waxa ay saameeynaysaa qof walba nolashiisa, weliba si gaar ah marka ay madaxda iyo ganacsatada u taabato waxa imanaya xal ama wax ka qabasho degdeg ah. Sababta oo ah, iyaga ayaa ah tun-waynta bulshada.
Intaasi waa duuduub, markan su’aasha imanaysa ayaa ah, dhabbadee ayaa loo marayaa in lahaanshiyo la dareemo, habkee ayaa ganacsatada iyo shirkadaha loogu qancinayaa in ay ka tanaasulaan Doollarka una digorogtaan Shillinka Somaliland.
Dawladdu waxa ay leedahay, haayad iyo wasaarado u xilsaaran lacagta iyo ganacsiga. (bangiga dhexe, Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga) kuwaas bay tahay in ay iyagu ka hawlgalaan qorshe qaran-na ka yeeshaan, sidii dalka loogu soo rogi lahaa in Shillinka Somaliland loo adeegsado iibka alaabaha iyo adeegyada.

Waa in Wasaaradda Maaliyaddu tacriifada cashuuraha ku jaangooysaa Shillinka Somaliland.
In uu bangiga dhexe noqdo haayad ka madaxbanaan xukuumadda, wada shaqayna la yeesho ganacsatada iyo sarriflayaasha, waana in uu ku dadaalo in uu soo xero-gasho badi lacagta Doollar-ka ah ee waddanka dhex wareegaysa.Taasi waxa ay u fududaynaysaa in bangiga dhexe gooyo qiimaha sarrifka ee suuqa. Waana in uu meel kaste oo dalka laga soo galayo (Dekad, Dhul, iyo Airport) uu ka furtaa sarrifle u badala lacagta dadka soo galaya waddanka, sidoo kale waa in ay jiraan sarriflayaal kale oo uu bangigu ruqsad u siiyo shaqada oo ka dhex shaqeeya magaalooyinka oo kaliya.
Office Xogreebnews staff Hargeysa/ Somaliland.
Info@xogreebnews.com 

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured