Aragtidayda sababta xibiga wadani looga guulaystay doorashadii Somaliland ee sanadkii hore. Bye Ahmed Mııno

0
Saturday January 27, 2018 - 03:58:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aragtidayda sababta xibiga wadani looga guulaystay doorashadii Somaliland ee sanadkii hore. Bye Ahmed Mııno

    Aragtidaydu waa mid ku sahabsan in yar (hal wadan) oo aan ka arkay habka uu u shaqeeyo xisbiga wadani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragtidaydu waa mid ku sahabsan in yar (hal wadan) oo aan ka arkay habka uu u shaqeeyo xisbiga wadani
Waxa laga yaaba in ay aragtidaydu tahay mid khaldan oo aan matalin habka uu xisbigu u shaqeeyo, ama ay tahay aragti ku kooban halka wadan ee aan ka arkay- arrimaha aan aaminsanahay in ay sabab u yihiin, sababta looga guulaysaty xisbiga wadani.

Aragtidadu waxa kale oo laga yaaba in ay tahay aragti sax ah oo matasha habka uu xisbiga wadani u shaqeeyo guud ahaan.

 

Hadaba hadii aan in yar ka taabto anigu shakhsi ahaan xisbina ma tageero, laakiin horumarka xisbiyada iyo habka ay u shaqeeyaan Ayaan tageeraa.

Arrin mudan in la xuso waxa weeye in aduunyadu ay leedahay hab ay xisbiyadu ama haayaduhu u shaqeeyaan. Habakaasi waa hab la soo tijaabiyay, oo la ogaaday in uu yahay habka ugu fudud ee guusha lagu gaaadhi karo, ama horumar loogu keeni karo xisbi ama haayad.

 

Arrinta uugu yaabka badan ee aan ku arkay xisbiga wadani waxaa ka mid ah- In aan la tixgalin shakhsiyaadka xibiga wakhtiga dheer taagero daacad ah u ahaa, in aan la tixgalin dadka xibiga maal, wakhti iyo maskax galiya.

Caalamka hadii aad haayad ama xisbi aad daacad u tahay, wakhti, maskax iyo maalba aad galisid, waa shayga la isku tixgaliyo oo lagu helo dalaacd(promotion).

Taasi waxa ay keenaysaa in aanu xisbigu lahayn sees adag oo taageero daacad u ah (lack of grass root supporters) taasina waa arrinta sababtay in meelaha qaar uu xisbigu islahaa cod badan ayaad ku badinaysaa in lagaga guulaystay sida gobolka togdheer.

Xaga xisbiga kulmiyena uu ku guulaystay gobolka maroodijeex, ee uu filanayaay in ay xibiga sees u yihiin, siiba gabilay.

Hadaba inta aan ka arkay xisbiga wadani, xilalka looma bixiyo qofku inta sanadood ee uu xibiga tageero u ahaa, ama sida uu ugu heelan yahay arrimaha xisbiga (activist), laakiin waxa lagu igamadaa xilalka nooc ku salaysan qabiil. Xisbigu waxa uu isku taxalujiyaa in shakhsiyaadka xilalka loo dhiibayaa ay noqdaan dad kazoo kala jeeda qabiilo kala duwan- laakiin marna lama eego, in uu qofku xibiga taageersan yahay, ama in uu mabda’a xisbiga raacsan yahay. Taasina waa arrinta keentay in aad aragtid shakhsiyaad ka mid ah xisbiga wadani madaxda wadan ama laameed oo intaa xibiga kulmiye hogaankooda la jooga. Arrintaasina siyaasada meel ay kaga jirto ama ay kazoo gasho ma jirto, oo mucaarad iyo madaxda muxaafidku shaqo iskuma laha.

1.      Talada ugu horeysa waa in uu xisbiga wadani tix galiyo dadka xisbiga wakhti dheer taagero u ahaa, oo iyaga xilalka loo dhiibo kooda shaqada kasoo bixi kara, oo la joojiyo dadka qabiilada lagu soo xulaayo- in aan cidna qabiil lagu xulin.

In uu xibigu ka gudbo saska uu ka qabo in qabiil laga dhex arko. In uu xisbigu taagerada tixgaliyo.

Arrinta labaad ee aan shakhsi aahan ka yaabay waxa weeye, xisbiyada addunyada ka jiraa waxa ay xooga saaraan deegaanada xisbiga laga taageersan yahay, intaa aan caalamka siyaasadiisa wax ka eegayay wali ma arag xisbigi (campaign headquarter) madaxa ololaha ka dhigtay deegaan uu taageero yar ku leeyahay. Waxaan u malaynayaa maah maah Somali ah tiraahda (wax badso wax waa bay leedahay).

Laba jeer in aad khasaartid waxa dhaanta adiga oo hal mar khasaara.

 

2.      Talada labaad in uu xibigu ka soo duulo meesha uu taagerada ku leeyahay, waxa aan u malaynayaa in uu xisbiga wadani Awdal uu ka helay tageerada ugu badan doorashadii.

Arrinta kale xisbiga wadani in uu samaytso (code of conduct ) in aanay cid wal oo xibga ahi ku hadlin waxa ay doonayso oo talaabo laga qaado, sida ay iila eekayd ama aan u arkayay- dad badan oo xisbiga magaciisa fagaaraha wadanka ku soo bandhigi jiray wakhtigii ololaha waxyaabaha ay ku hadli jireen aadbay dadban oo aan xisbina taageerin uga nixi jireen- taa waxa sii dheer wax raali galin ah iyo talaabo toona xibigu kamuu qaadin.

Dadbadan ayaa jira oo xibiga magaciisa ku hadla qurbaha iyo wadankiiba oo intaa qabyaalad ku hadlaaya, maalina ma maqlin xisbiga oo dadkaa iska fogeynaya-xisbiga waxa waajib ku ah in uu qoraal kasoo saaro, dadka qabyaalada ka shaqeeya ee magaca xisbiga ku qarabanaaya.

Waanan hubaa in uu xibigu ka war hayo, laakiin waxa uu xisbigu uga aamusay wali bulshadu may fahmin.

3.      In uu xisbigu qoraal soo saaro iska fogeynaya dadka qalalaasaha iyo qabyaaladooda u adeegsanaaya xisbiga wadani iyo habkii doorashadu u dhacday.

4.      Shakhisi ahaan dhibaato uma arko in uu xisbiga wadani strategy ka dhigtay in la boobay- laakiin waxa aanu ka codsanaynaa in ay cadeemo bulshada u soo bandhigaan wixii ay cadeyn hayaan.

Wali anigu waxa cadeyna ah oo official ah, oo ka soo baxay xibiga wadani wali ma arkin- international observer kii meesha joogayna waxba may soo gudbin.

Bulshada in uu xibigu u soo bandhigo sababaha ay aaminsan yihiin in doorashadii la boobay iyo waxa ay cadeyn hayaan ayaa muhiim ah- markaana loo daayo in ay bulshadu go’aan ka gaadhan, in ay aaminaan ama ay diidan cadaymaha iyo sababaha.

Intaa hadii uu xisbiga wadani ka bilaabo- waxa aan aaminsanahay in uu noqod doono xisbi taariikh dheer ku yeelan doona wadanka sida kulmiye oo kale, in uu ku guulaysto doorashana jaaniska ugu fiican siin karta.

Mar labaad iyo mar sedexaadba waa ra’yigayaga, aniga oo taageera habka xisbiyada iyo in ay xsbiyadu sii kobcaan.



Ahmed miino 

London



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured