Wasiirka cusub ee Macdanta Oo Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil ugu Wan-qalay Qabyaalad, eex iyo Qaraabo Kiil, kana dhigay Shaqaalaha Mashruuca Beeshiisa Iyo Fadeexado Bar-madow Ku ah Taarikhda Madaxweyne Biixi oo Jeexay+ Liiska Magacyada Shaqaalaha Mashruuca ee Beeshisa....!!!

0
Sunday January 28, 2018 - 00:12:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka cusub ee Macdanta Oo Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil ugu Wan-qalay Qabyaalad, eex iyo Qaraabo Kiil, kana dhigay Shaqaalaha Mashruuca Beeshiisa Iyo Fadeexado Bar-madow Ku ah Taarikhda Madaxweyne Biixi oo Jeexay+ Liiska Magacyada Shaqaalaha Mashruuca ee Beeshisa....!!!

    Wasiirka cusub ee Macdanta Oo Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil ugu Wan-qalay Qabyaalad, eex iyo Qaraabo Kiil, kana dhigay Shaqaalaha Mashruuca Beeshiisa Iyo Fadeexado Bar-madow Ku ah Taarikhda Madaxweyne Biixi oo Jeexay+ Liiska Magacyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka cusub ee Macdanta Oo Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil ugu Wan-qalay Qabyaalad, eex iyo Qaraabo Kiil, kana dhigay Shaqaalaha Mashruuca Beeshiisa Iyo Fadeexado Bar-madow Ku ah Taarikhda Madaxweyne Biixi oo Jeexay+ Liiska Magacyada Shaqaalaha Mashruuca ee Beeshisa....!!!
Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiirka Macdanta Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa durba cagaha Ku qaatay, fadeexado musuqmaasuq iyo qabyaalad uu Ku bilaabay Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil, isagoo shaqaalaha Mashruucan ka wada dhigay Beesha uu Kasoo jeedo, isla markaana si cad u diiday inuu wax shaqaale ah ka qorto Deeganka Saaxil, taas bedelkeedana hawlwadeenada Mashruuca ka dhigay Ardaayada Beeshiisa.
Wasiirka Macdanta Jamac Maxamuud Cigaale, raacay dhabbihii cid jeclaysiga iyo qabyaalada ee u caanka Ku ahaa Wasaarada wasiirkii ka horeeyey, Kasoo Ku shaqeyn jiray qorshahan dhinaca ka raran, laguna eedayo markii uu ka shaqeyneyey gobolka togdheer mashaariicaha sahaminta shidaalka in dadka shaqeya boqolkiba todobaata shan;%75 ahayeen qoyska uu kasoo jeedo, halka shan iyo labatan kale u qaybsanaye %25 Somaliland inta kale, taas loo arkayay inuu libin kaga haysto madaxweynihii hore marka talinayay xukunkisa.
Hadaba waxaa fajiciso noqotay markii wasiirkan cusubna ee loo magacabay isla wasaraada Jamac Haji Mohamud uu barbilowgiisu  noqday ka daroo dib dhal,salaamulaahi calaal xijaaj ka dib marku sahaminta ka bilaabay gobolka saaxil, gaar ahaan jiida gubanka ee ka bilabantay laaso dawaco ilaa dhulka Bariga ee loo yaqaano bahalalay, isagoo go"ansaday inuu shaqalihii cabashada badan ka jirtay ee dhinaca ka rarana oo dhan 24 xubnood oo ah intii ugu muhiimsana ka tirsan qoysaska labada wasiir ka so jeedan  usoo raray gobolka saaxil isago halkan ka daraday qaybtii ka dhineyd qoyskisa aheyd arintaasi waxay ka muqataa halka wasiirk hore uu tirade guud u reebay 25% halkan wasirka imiinka dhameystiray 100% inu ka wada dhigo beshiisa, hadaba dadka waxay is wadyinayaa wasaradani miyanay  ahayn wasarad qaran , sidoo kale miyanay marnaba helayn wasiir qaran oo mamula mid qoys ah mooye!
Waxaa kale oo dhacday iyana inay shirkadda sahamintu doratay inay degto camp keeda shaqada tuulada burco kibir ee u dhow meesha la yidhah xidhka saliida , inu amar wasiirku ku bixiyay inay guurto tuulo xeebta ah oo beeyo dhadher la yidhah sabab beeleysan awgeed.
Hadaba bal ila eegga shaxda qabiileysan ee Wasiirka Macdantu uu u banbaxay.
1.Ray –Gas (wakiilka shirkadda Raasul Kheemah) Beesha wasiirka
2.Wakiilka shirkada samahinta ee Chines ah , Beesha Wasiirka
3.Madaxa kallunka ee Shidaal Baadhisa , Beesha wasiirka
4.Madaxa isku xidhka bulshada iyo hayada Beesha wasiirk
5.Mareyaha petrolka gobolka saaxil Beesha wasiirka
6.Iyo 24 shaqalihii hawlgalka oo ka yimi gobolka togdheer Beesha wasiirka
La soco qaybaha dambe ee Warbixino daaha ka faydi doono qabyaaladda uu Ku wanqalay ama u Ku shaasheeyey wasiirka Cusub ee Macdantu.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured