ASLI MAYDI SHIRKADA FASHILANTAY?. W/Q Eng yahye Cawil mohamoud

0
Friday February 02, 2018 - 02:59:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASLI MAYDI SHIRKADA FASHILANTAY?. W/Q Eng yahye Cawil mohamoud

    ASLI MAYDI SHIRKADA FASHILANTAY?. W/Q Eng yahye Cawil mohamoud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASLI MAYDI SHIRKADA FASHILANTAY?. W/Q Eng yahye Cawil mohamoud
Shirkada la magac baxday ASLI MAYDI
Waxa la abuuray 23 September 2011,
Waxay ka ganacsan jirtay dhoofinta beeyada kala duwan sida fooxa iyo malmalka iyo maydiga mudo 3.5 years ah ayey hawshaas waday oo toos uga iibsan jirtay dadka iyagu muruqooda ku gooya manaafacaadkan, walawba aanay kaga gadan jirin sixirka ugu haboon hadana dadka goosatada ah ayey dantu u run sheegaysay oo baahiyaadkooda aasaasiga ah ku qasbay inay sidan ku faasaxaan,
Hadaba shirkadan ayaa 2dii sano sano ee u danbeeyey lagu tuhunsanaa inay ka ganacsato ganacsi ka duwan beeyada,
Hadaba markii arinkan daba gal lagu sameeyey waxan halacsaday oo xogtooda ka dhex helay shirkado ama companyo waaweyn oo dunida inteeda badan ka iibsada beeyada wadamo badana cilaaqaad la leh in shirkadan ay comments ka bixiyeen ku sifeeyey shirkad magaca beeyada ku qudhaabanaysa lkn haysa hawlo kale, walaw aanay hawshaas carabaabin sidaas waxa dhahay (Roger A.Howell) oo ah Vice president of Alpha aromatics sidoo kale.
(Karèem Al-hajaray) oo ah General directorka Frankincense essential oil and insence Resin at Pure sacra ayaa isna madmadaw geliyey ganacsiga mala awaalka ah ee shirkadani bulshada ka dhaadhicisay.


Hadaba waxa xusid mudan in hadii shirkadani ku doodayso inay ka ganacsato beeyada nadiifta ah,caalamka shirkadaha ka ganacsada beeayadu waxay laga iibsadaha u keenan cadayn iyo rasìdh tuhun saaraya si uu meesha uga baxo in uu dulmi iyo barkhad meesha yaalo una abuurmo aaminaad iyo shaqo kala dhaxaysa labadooda. 
1kG :myrrh ah (mal mal)marka somalia laga qaado wuxu siistaa companyga ugu jaban england ee la dhaho( Amazon) £1200Wa Bound una dhiganta ilaa 1400$
1kG: ee frankincense ka ah(fooxa) wuxu Companyga weyn ee ( Ali baaba) siistaa £1300 waa Bound una dhiganta 1500$.
[ ] Xaqiiqda ayà waxay tahay in marka 1kg ee maydiga marka 4 meelood loo qayb iyo qayb ka mida oo u dhiganta 25mg marka la safeeyo laga sameeyo waxyaalahan so aadan
[ ] Organic fragrance
[ ] Fine fragrance 
[ ] Synthetic scent
[ ] Blending fragrance. Oo mid walba laga sii sameeyo 1000 item oo alaab la I iib geeyo ah 
Cadayntoodiina waatan hòs ka eeg.

Waxaa intaa dheer mulkiilahan shirkadan ku magacaaban ayaa statement iyo codsiyo uu u qortay companyo ka ganacsada beeyada lkn aan laga aqbalin codsigaasi wuxu sheegtay in uu manaafacaadka beeyada 600 sano ka hor reerkiisa uu ka abuuray deegaanka ka dibna mustacmarkii gumaystaha ahaa ee Engriisku gacanta ku hayey beerideeda iyo dhaqaalaynteeda uu waliba budget ku bixin jiray, bishiina laga goyn jiray 150 tone oo beeyo noocyo badan ah sida:

# myrrh comiphora raw material and essential pure.
# coptic frankincense 
# motes 

somaliana ay lahayd wershed lagu kala nadiifiyo beyada intaanu dhicin civil 1988war ama dagaalkì sokeeye ee burburka baahsan sababay halkasna ay ku burburiyeen xoogagii xiligaasi dagaalamayey, ilaa wakhtigaas intii ka danbaysayna aanay helin goosasho iyo manaafacad danbe oo dhirtan laga helay. Cadaynteediina taas waan hayaa halkan hoose ka akhri

[ ] Miyaanay khiyaamo iyo isdaba marin iyo bakhas badheedh ah oo naxariis daro ku dheehan tahay lagu tilmaami karin ganacsiga noocaas ah ee dadka sò gooynaya kala kulmaan rafaadka, dhibta,dhididka iyo dhimashada ay sababto qawyada iyo xaraaraha dhaadheeer ee beeyadu ka baxdo.
[ ] Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka barkhad la yiraahdo ay saxibo dhow ahayeen o mudo 3 sano ah ku xidhan danbi la xiriira daroogada marki lagu qabtay ninkas oo caan ka ah engiriska oo keena daroogada heroin iyo cocaineta,ninkaas oo magaciisa uu xusay wakiil u shaqeeye companyga Ali baaba, cadaynteedana hoos kaga bogo
Waxa kaloo layaab ah xaqiiqna ah shirkadan aanu lahayn shakhsi keliya ee lagu leeyahay 7 qof. Laba kamida 7dan aya directors ka ah.
Cadayntoodana hoos ka eeg.

Hadaba waxan bulshada reer s/land u sheegaya in shirkadan boobka iyo tuugada iyo dhididka dadka rayidka ah ku ababtay lagu qabto oo lagu eego il gooni ah, beeyaysatadana waxan leeyahay iska joojiya iibkeeda shirkadan xoolihiinana kaydsada waxaad la heli doontaan shirkado carbeed oo dhawaan inagu soo fool leh sixir idiin cuntamana idinka siisan dooona.

Sawiradan waxay cadayn u yihiin dhamaan statement ka aynu ka hadlaynay. 

 Sawirka labada nin wa raga daroogada lagu xidhay ee ay odayga sxp ahayeen.

Shirkadaha  xidhiidhka u jaray waxa ka mid ah 
1 S2 partnership
2 : TFP the field partnership
3: JUMBO CRUISER  
Hadad cadayntooda rabtid booqo 
http://www.thefieldpartnership.co.uk/
Eng yahye awil mohamoud 
Phone: 0634658677


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured