Ma Sicir Barar Mise Mushahar Barar, Ma Qarran Dhis Mise Kiiska Iska Waal, Yaa Ka Masuul Ah Dhagarta Sicir Bararka-----qormadani W/Q Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

0
Friday February 02, 2018 - 04:46:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Sicir Barar Mise Mushahar Barar, Ma Qarran Dhis Mise Kiiska Iska Waal, Yaa Ka Masuul Ah Dhagarta Sicir Bararka-----qormadani W/Q Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

    Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxay ka meeraysanaysa inay farta ku fiiqdo ciddii gaysatay danbigani ka weyn dhagarta, waxaa Somaliland ka dhacay waa (financial daylight robbery), boob maalin cad la sameeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxay ka meeraysanaysa inay farta ku fiiqdo ciddii gaysatay danbigani ka weyn dhagarta, waxaa Somaliland ka dhacay waa (financial daylight robbery), boob maalin cad la sameeyey.
Ma Ogtahay in Mushaharka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu bishii yahay 19000 dollarka maraykanka ah, waa 11,000 USD oo ah mushaharka bishii uu madaxweynahu qaato, iyo 8,000 USD oo ah gunnadda uu madaxweynahu bishii qaato, markaad tirada u rogto sannadkii waxay noqonaya mushaharka madaxweynahu 228000 USD (laba boqol iyo sideed iyo labaatan kun oo dollarka maraykanka ah), ogow miisaaniyadda sannadkii ee Somaliland waa 300 boqol oo malyuun oo dollar oo weliba mala'awaal u badan (Markaan leeyahay mala'awaal ma jiro dhaqaale yahan ama khubaro si rasmi ah u odorostay sheegashada, miisaaniyadda Somaliland inay tahay 300 oo malyuun oo dollar oo aan ka ahayn wasaaradda maaliyadda Somaliland odoroska ay sannadkiiba usoo gudbiyaan golaha wakiiladda oo iyaguna si indho la'aan ah u ansixiya).


Taasa waxaa ka darran, dhammaan kharashaadka guryaha madaxweynaha, ha noqoto biilasha, laydhka, biyaha, gaadiidka, safaradda dal iyo dibad  dhammaanba waxaa laga bixiya miisaaniyadda xarunta madaxtooyada Somaliland, taasi macnaheedu waxay tahay lacagta 19000 USD dollar bishii marka sannadleh loo rogana noqonaysa 228000 USD (laba boqol iyo sideed iyo labaatan kun oo dollarka maraykanka ah) madaxweynahu uma baahna  inuu isticmaalo ee sanduuq xisaabeedkiisa gaarka ah ayey ugu dhacda.

Raysal wasaaraha dalka ingiriiska wuxuu bishii qaata 11,875 UK pound (Kow iyo toban kun sideed boqol iyo shan iyo todobaatan ginniga ingiriiska ah) oo u dhiganta ilaa 15000 USD bishii, ogsoonow  miisaaniyadda dalka ingiriisku waa 2.619 Trillion oo dollar sannadkii, haddaad xisaabta ku wanaagsantahay waad garanaysa farqiga u dhexeeya 300 malyuun oo dollar iyo 2.619 Trillion oo dollar, haddaanad u fiicnayn fadlan qof kaa caawiya raadso.
Mushaharka askariga Somaliland ee ku sugan furinta Tukaraq bishii wuxuu qaata $141.71 USD, waxaa u dheer haaf bariis ah, haaf daqiiqo ah, kartoon timir ah iyo kartoon baasto ah, oo markaad isku celceliso noqonaysa $111 USD dollar, wuxuu lacagta ka bixiya kirso laydh, biyo, iskuul caruureed iyo nolol maalmeedka qoyskiisa oo dhan.

Bal dalka lagu leeyahay sicir barar ayaa ka jira, ee halkii madaxa ugu saraysay ee la salaaxayeyna ay dhaqaalaha noocaas ah, mushaharka noocaas ah, ka qaadanayso, ayaa xal kale loo raadinaya.

Ma ihi dhaqaaleyahan, laakiin cilmiga dhaqaalaha ee lagu daraasadeeyo dejinta sayladaha lacagta iyo maceeshadda waxaa dawladahu ku dhaqmaan kuna maamulaan seddex qodob oo waaweyn

1. Monetary policy: dawladdu waxay soo rogta dul saaryo dheeraad ah oo ay saarto lacagaha bangiyaddu daymaha ku bixiyaan (Increase of cost of borrowing), waxay taasi la dagaalanta in kharashaadka la yareeyo oo haayadaha maaliyaddu ha noqdo bangi ama dukaamadda lacagaha wareejiya waxay marka ku xisaabtamayaan wixii gacanta ugu jira, inaga bangiga dhexe Somaliland uma shaqeeya qaabka (regulatory) oo awoodba uma laha inuu xakameeyo bangiyadda iyo xawaaladaha, mana haysto kharash nool (Liquid asset) oo uu ku maquuniyo sayladaha lacagaha marka loo baahdo.
2) Tight Fiscal Policy: Dawladdu waxay yaraysa kharashkii ay isticmaalaysay, waxaa la dhima ama joojiya gebi ahaanba lacagaha ay dawladdu ku bixiso meelaha aan munaasabka ahayn, waxaa la yareeya mushaharooyinka shaqaalaha qaata lacagaha ka badan nolol maalmeedka (threshold income), dawladdu waxay ku soo rogta dalka oo dhan kharash tashiil, waxaa la dhima miisaaniyadaha wasaaradaha, waxaana dalka la geliya xaalad ah afka iyo gacantu ha is yeesho.

3) Supply Side Policies: Dawladdu waxay dhiirgelisa tartanka suuqa xorta ah, waxay la dagaalanta in cid gaar ah suuqa loo xidho, waxay dhaqaale ahaan kabta shariikadaha yar yar si kuwa waaweyn ay qiimaha ugu jabiyaan, taasi waxay sahasha in dadku ay hellaan fursad ay wax ku kala dooran karaan, bangiga dhexe ee Somaliland iyo wasaaradda maaliyadda Somaliland midna awooddaasi malaha, oo jeeblayaasha suuqyada Somaliland lacagta ku sarrifa iyo shariikadaha waaweyn ee dalka isma soo gaadhsiin karaan.

Qodobka labaad ee (Tight Fiscal Policy) ayaan anigu u arka inuu fure u yahay xalka sicir bararka Somaliland, sababtu waxay tahay xukuumaddii hore ee Siilaanyo ayaa masuul ka ahayd in qiimaha sarrifka iyo maceeshaddu heerkani gaadhan, intii u dhexeysay 2012 kii ila 2017 kii xukuumaddii Siilaanyo waxay soo daabacatay lacag shilinka Somaliland ah oo u dhiganta 40 malyuun oo dollarka maraykanka ah, oo aan loo baahnayn, intii u dhexeysay 2016 ilaa bishii October ee sannadkii 2017 ka ka hor bil doorashadii madaxtooyada Somaliland, waxaa suuqyada Somaliland laga saaray lacag dollar ah oo dhan 34 milyan oo dollar, lacagtaasi lama garanayo cid qaadatay, laguma shubin bangiga dhexe ee Somaliland, lamana dhigin sanduuq xisaabiyeedyada (Bank accounts) uga furan dawladda bangiyadda gaarka loo leeyahay, weliba kaga darran eh, waxaa bangigii dhexe ee Somaliland jooga oo weli ku magacaaban kuwii danbiga intaasi le'eg markuu dhacaayay joogay ee fulinaayay.

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi waxay ka meeraysanaysa inay farta ku fiiqdo ciddii gaysatay danbigani ka weyn dhagarta, waxaa Somaliland ka dhacay waa (financial daylight robbery), boob maalin cad la sameeyey.

Muxuu yidhi Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye allah ha u naxariistee "danbi uu badh leeyahay xalka doon la leeyahay isagay u darantoo inuu daaro ma ogola" Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, way ogtahay xalka dhibaatadani danyarta haysata, intaan lagu meeraysan Zaad iyo E-dahab iyo meel aan xal oolin lacagtii dalkani laga dhacay ayaa lagu dejin lahaa suuqyada eh, ha keeno halkii la geeyay.

Midda kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, hadduu dalkani doonayo inuu bedelo oo badbaadiyo waa inuu mushaharkiisani caqliga caafimaadka qaba iyo garashadu ka yaq yaqsiyoonayso dhima, dal dadkiisii bakhtigu u xalaal yahay ayuu madaxweynahii bishii 19000 oo dollar oo aan weliba kharash ka baxayn qaadanaya, waa  inkaar ka mid ah inkaaraha dalkani ku socda.
Walaalkiin Mohammed Abdi Hassan Diridhaba


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured