Xaafadda badda cas ee Magaaladda Hargeysa oo laga Furay Masaajidka weyn ee Khaalid Binu Waliid oo u aas-aasay Marxuum Cabdilahi Jire…Qoyska oo dib-u-habayn balaadhan iyo dayac-tir ku sameeyey dhismaha Masaajidkan..Jasakalah Khayr

Hargeysa(Xogreebnews)-Xaafadda badda cas ee Magaaladda Hargeysa, ayaa si rasmiya looga furay masaajid weyn oo lagu oogi-doono salaadaha faralka ah ee ilahay inaggu adoonsaday shanta Waqti todobaadka oo idil. Masaajidka oo muddooyinkii u dambeeyey lagu waday dib-u-dhis iyo dayactir ballaadhan, ayaa waxa loogu magac-daray Khaalid Binu-waliid, waxana Ilahay Ajar iyo xasanaad haka siiyo ee aas-aasay Baydkan Alle Marxuum Cabdilahi Jire oo ahaa, shaqsi uhlu-salaad ah oo cibbaado badan alla naxariistii jano-haka waraabiyo marxuumka. Masaajidkan oo hadda si rasmiya Jmicayaasha loogu tukan-doono, ayaa waxa dayac-tirkiisa ka qayb-qaatay Cabdifataax Cabdilahi jire iyo qoyskaas, kuwasoo u dhamaystiray baahiyihiisa dhinac walba, hadday tahay dib-u-dhiskiisa iyo hadii ay tahay googoshiisaba Ilahay haka abaal-mariyo iyagga iyo waalidkoodaba. Waxa kaloo xusid mudan in shalay Jimcihii lagu tukaday Masaajidkan, isla markaana si rasmiya loo furay. Muslimiin faro-badan oo degen xaafada Badda cas ee Magaaladda Hargeysa ayaa si weyn ugu farax-day dhismahan masaajidka cusub, kuwasoo markii hore jimcayaasha xooga u socon jiray masaajidada kale. Halkan hoose ka eeg masaajidka Khaalid Binu waliid oo dib-loo furay.
Leave a comment |
|