Saleeban Xuquuq oo Caanku ah U Doodista Xuquuqal Insaanka oo Sheegay in Wiil Madaxweyne Muuse Biixi Adeer u yahay uu Dhaawac Culus u Gaysytay Xaaskiisa... Ciidamada Booliska oo Diiday inay Soo Qabtaan Dhib-geystaha....halkan ka Daalaco Maqaal u qoray!.

0
Sunday February 04, 2018 - 02:23:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3824
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Saleeban Xuquuq oo Caanku ah U Doodista Xuquuqal Insaanka oo Sheegay in Wiil Madaxweyne Muuse Biixi Adeer u yahay uu Dhaawac Culus u Gaysytay Xaaskiisa... Ciidamada Booliska oo Diiday inay Soo Qabtaan Dhib-geystaha....halkan ka Daalaco Maqaal u qoray!.

    "..Madaxwayne markii Xilka Madaxwaynaha dalka laguu dhaariyayba Cadaabtii Ifka ayaa u bilaabmay Qoyskayga oo ka kooban 18 oo isugu jira caruurtayda". Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Saleebaan Xuquuq).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Madaxwayne markii Xilka Madaxwaynaha dalka laguu dhaariyayba Cadaabtii Ifka ayaa u bilaabmay Qoyskayga oo ka kooban 18 oo isugu jira caruurtayda". Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Saleebaan Xuquuq).
ISKU DAY DIL IYO DHAAWAC CULUS OO WIIL UU ADEER U YAHAY MADAXWAYNE MUSE BIIXI U GAYSTAY XAASKA SALEEBAAN XUQUUQ IYO BOOLISKA OO DIIDAN IN AY SOO XIDHAAN

JAMHUURIYADDA SOMALILAND 
Taar: February 3, 2018
KU: MUDANE MUUSE BIIXI CABDI 
MADAXWAYNAHA JSL
XARUNTA MADAXTOOYADA SOMALILAND
HARGEYSA


OG:WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA JSL
OG: TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA 
OG: GUDOOMIYAHA GOBOLKA MAROODIJEEX 
OG:  WARBAAHINTA DALKA IYO TAN DIBADA 

UJEEDO: CODSI WAX KA QABASHO ISKUDAY DIL QORSHAYSAN IYO DHAAWACYO CULUS OO LOOGU GAYSTAY CAASIMADA HARGEYSA QOYSKAYGIA


MUDANE MADAXWAYNE 
Anigoo ah muwaadin Somalilander ah haatana ku nool dalka Maraykanka, magacayguna yahay Saleebaan Ismaaciil Bulaale kuna magac dheer (Saleebaan Xuquuq). 
Mudane Madaxwayne markii Xilka Madaxwaynaha dalka laguu dhaariyayba Cadaabtii Ifka ayaa u bilaabmay Qoyskayga oo ka kooban 18 oo isugu jira caruurtayda oo badankoodu aanay waliqaangaadhin,  ooridaydii iyo waalidkay oo Ku defense Xaafada JIGJIGAYAR ee HARGEYSA ka dib markii Nin lagu magacaabo Fuaad Ismaaciil Cumar uu s badheedh ah isugu dayay in uu qudha ka jaro Ooridayda isagoo u gaystay dhaaw Culus Waxa kale oo uu isku dayay in uu Aqalka Ku Gubo.
Hayadihii Sharci fulinta dalku gaar ahaan Ciidankii Booliska way diideen in la soo xidho ninkaasi oo awood badan Ku Dhex leh xafiiska Xeer Ilaanta Gobolka Maroodijeex iyo Ciidanka Booliska, 
Mudane Madaxwayne Hal wiig kadib markii laguu dhaariyay xilka Madaxwaynaha JSL ayaa ninkaasi isku dayay goor maqrib ah uu dab qabadsiiyo 2 ee ay kuna nool yihiin qoyskayga kuwaasi oo ku yaala degmada Koodbuur gaar ahaan xaafada Jigjigayar ee caasimada Hargeysa. Nasiibwanaag dad banaanka guryaha marayay iyo dabaysha oo ka hiilisay in dabku gaadho daaqadaha guriga ayaa dabkaasi ka badbaadiyay in ay halkaasi ku gubtaan 20 ruux oo isugu jiray dumar iyo caruur oo guriga ku sugnaa. 
Rugta Booliska Jigjigayar oo dacwada xaaskaygu gaadhsiisay waxa sarkaalkii rugta joogay ugu jawaabay ninkan aad leedahay gurigayga ayuu gubayay xashiish yar ayuu Meesha ku gubay. 

Markale 7 January 2018, Ninkiisi gudaha aqalkayga ayuu ugu galay xaaskaygii oo uu dhaawac culus ugu gaystay, isagoo isku dayay in uu dilo balse dad marti ah oo guriga joogay ayaa ka badbaadiyay. 
Saldhiga Koodbuur ayay tagtay iyadoo dhaawacii qabta balse waxa loo diiday in dhaawacmuujin la siiyo, 2 maalmood ayay ku qaadatay in dhaawac muujintii looga baryo Saldhiga Koodbuur Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxa uu soo cadeeyay in Dhaawacyo culus ay qabto xaaskaygu. 
Nasiibdaro Taliyaha Saldhiga Koodbuur oo lagu magacaabo Ganay, waxa uu bilaabay in uu dacwada isku dayga dilka xaaskayga iyo dhaaawaca culus ee ay qabtoba in uu baabi’iyo waxa uu ilaa wakhtigan xaadirka ah diidan yahay kiiska dambi baadhe uu ku qoro cadaymaha iyo maragyada lagu dhagaysto saldhiga koodbuur isla markaana in uu soo xidho dhibgaystihii oo ay walaaladii ku qarinayaan gudaha caasimada Hargeysa. 

Marka xaaskaygii oo dhaawac qabtaa u tagto waxa uu ku odhanayaa marka aad ninkii ku dilay aad soo aragto anaga noo kaalay aanu sharciga kuu horkeenee, walaalkii oo ka wayn dhibgaystaha ahna ninka fakinaya ayay booliska saldhigu soo xidheen laakiin Taliyaha Saldhiga Koodbuur Mr. Ganay waxa culays saaray qoyska uu ka soo jeedo dhibgaysuhu oo uu u sii daayay, xataa walaalkii dhaawacyo culus ayuu gaystay ee keena muu odhan. 

Mudane Madaxwayne, anigu awood kale maan helin balse waxan la soo hadlay Taliyaha Booliska Somaliland General Fadal, Taliyaha Hawlgalinta Booliska Somaliland, Wasiirka Arimaha Gudaha JSL iyo Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha JSL, dhamaantood inkastoo ay ii balanqaadeen in ay wax ka qabanayaan mashaqadan ma jirto ilaa hada wax ay ka qabteen xataa waxa ugu yar oo ay qaban karayeen oo ah in ay amar ku siiyaan Taliyaha Saldhiga Booliska Koodbuur in uu dhibgaystaha soo qabto ma ay samaynin. 
Mudane Madaxwayne, markii adeegii sharci ee dalka lanaga maanacay, waxan isku dayay bal in ay dhibaatada qoyskayga haysta iyo isku dayga qudhgooyada ah ee loo gaysanayo waxan la xidhiidhay in odayaasha beesha uu ka soo jeedo dhibgaystuhu in aan la xidhiidho waxana ay si buuxda iigu sheegeen in aanay dhibgaystaha iyo qoyskiisu aanay u qabsoomaynin.

Arimaha kor ku xusan Mudane Madaxwayne waxay sababeen in ay Khasab Qoyskaygii ku noqoto in ay ka qaxaan hantidoodii maguurtada ahayd ee Guryaha ahayd oo ay iigu dhasheen 10 caruur ah isla markaasina aan deganaa kuna noolaa 25 sanadood ee ugu dabeeyay, waxana ay haatan caruurtaydii iyo xaaskaygii oo dhaawacyo culus qabtaa qaxooti ku tahay xaafadaha kale ee caasimada Hargeysa. 

Mudane Madaxwayne Ninkii Isku dayga dilka iyo dhaawacyada culculus noo gaystay isagoo taageero buuxda ka haysta qoyskooda iyo tolkii uu ku naaloonayaa werwer la’aan caasimadda Hargeysa halka qoyskaygii oo dhibanayaal ah qabo argagax iyo dhaawacyo culus ay maanta qaxooti ku yihin Hargeysa. 
Mudane Madaxwayne dhibaato ka wayn majirto marka dalkaaga gudihiisa adigoo dhibane ah laguu diido adeegii aasaasiga ahaa ee qanuun iyo sharci in uu kuu shaqeeyo. 
Mudane Madaxwayne waxan ku xasuusinayaa in aad masuul ka tahay amaanka iyo nabadgalyada Qoyskayga, waxanan kaa codsanayaa in dhibaatada na haysta aad kala xisaabtanto hay’addaha ay khusayso ee sharcifulinta gaar ahaa Booliska Dalka oo Musuqmaasuq, eex iyo qaraabokiil qayrkii ka reebay. 

Mudane Madaxwayne waxan nasiibdaro u arkaa in amaankaygu Ku xidhmo oday ama nin Reer Miyi ah oo Calaydh jooga.
Mudane Madaxwayne Waxan si naxariisle kaaga codsanayaa in:
1- Aad Ku amarka hay’adaha sharci fulinta dalku gaar ahaan Booliska iyo Xeer Ilaalintu in ay Waajibaadkooda Sharci ka gutaan dacwadayada isla markaasina ay sharciga horriisa Keenaan dhibgaystaha ama xubnaha qoyskiisa ee ka masuulka ah.

2- Xukuumada Somaliland waxan ka codsanayaa in ay qaado talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo  ninkaasi FUAAD ISMAACIIL CUMAR IYO QOYSKIISU in hantida maguurtada ahi ka nabadgalyso gaar ahaan guryahayga Ku yaal  xaafada jigjiga yar ee Magaalada Hargeysa hantidaasi oo ka kooban 2 guri oo dhagax ah hantidaasi oo haatan qoyskaygii uga qaxeen amaan daradaasi muuqata.
3- Xukuumada Somaliland waxan kale oo ka codsanayaa in qaado talaabo kasta oo ay Ku xaqiijinayaan nabadgalyada caruurtayda maadaama Qoyska Reer Ismaaciil Cumar uu u soo haliilayo dhiiga caruurtayda.
SULEIMAN ISMAIL BOLALEH (Saleban Xuquuq)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured