Hadalhaynta Xukuumada Cusub! Sidee shacabka Somaliland u arkaan Xukuumada cusub ? - Qalinkii A/rahman fidhinle UK

0
Saturday February 10, 2018 - 01:32:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1208
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalhaynta Xukuumada Cusub! Sidee shacabka Somaliland u arkaan Xukuumada cusub ? - Qalinkii A/rahman fidhinle UK

    Shacabka Somaliland waxay madaxweyne MBA ka filanayeen isbedel siyaasadeed iyo mid maamul oo mug leh (Political Reforms ) Waxaana laga filaayey dhisme dawladeed oo aan daboolneyn ee daahfuran taas oo ku saleysan cadaalad, wadatashi iyo wax-wadalahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Somaliland waxay madaxweyne MBA ka filanayeen isbedel siyaasadeed iyo mid maamul oo mug leh (Political Reforms ) Waxaana laga filaayey dhisme dawladeed oo aan daboolneyn ee daahfuran taas oo ku saleysan cadaalad, wadatashi iyo wax-wadalahaansho.
Boowe ! Bal aynu hoonka ku shidno oo qodobayno siday shacabka Somalilandu arkaan xukuumada kulmiye eecusub.

 

1-Waxaa xukuumada cusubloo arkaaDawlad laga dheehan karo shuraako qabiil oo dhinac ka raran taas ooaan qancin aragtida guud eemujtamacaSomaliland maadaama golaha wasiirada ee la soo doortay aanayxasilineyn sawirka guud eeSomalilandka muuqda waqtigan, si loo helo xal waara oo ku dhisan wadatashi,wadaag iyo wax wada lahaansho. waxaana ummaddu isku raacday inla soo dhisay gole Wasiiro ah oo badhax-tir ah oo aanhuwanayn kefadii miisaanka aheyd iyo midnimo qaran.

2- Waxaa golahacusub ay ummaddu u aragtaagole laga dheehan karo isxulafeysi kala fadilaaya beelaha Somaliland,waxaana loo qaadanayaa Abaal-Celin malaasan,maadaama aanay ka turjumeyn Saamiqeybsiga kuraasta sar-sare ee duxda iyo iidaanka lahaa oo iyagu dhinac uciiraytaa soo aan golahacusub loo arkeyn gole miisaaman oo soo celinayaa yuhuuntii iyo wax wada lahaanshihii iyo wadaagii anfaca iyo awoodaha dawladnimo. Waanagole aanay ka muuqan suuradii iyo sifeyaashii lagu baadi goobi lahaa Somaliland loo siman yahay oo lawada leeyahay.


3- Waxaa la filaayey in la soo dhiso gole aqoon u leh mansabkooda, maamul wanaaga, macnaha qaranimo iyo milgaha dawladnimo, waxaa la filaayeygole shacabka u noqda, Dar, Yeel iyo Weel waraabiya ummadda baahan oo u sahan taga oo shacabka gunta ka tola oo tubta u saara tobiyaha toosan, lakiin wuxuugolihii umuuqdaa gole aan laheyn curin iyo hal abuur siyaasadeed, kaas oo aan la jaanqaadi karin waqtiga iyo waayaha Siyaasadeed ee maanta ku xeeranSomaliland iyo mandaqada.

4-Waxay mujtamacu u arkaan, Goleka been sheegaya la dagaalanka maalurursiga iyo musuq maasuqa baahsan maadaama aanay soo celineyn hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd ee ummadda sifaha bilaa sharciga ah looga boobay,umana muuqato inay soo celin karaan Kaabeyaashii dhaqaaalaha ee dadka gaarka ah sifaha gaarka ah loogu xidhay ee loogu naas nuujiyey si ay cashar ugu noqotokuwa soo jiriqsanaaya ee qarka soo jafaaya.

5- WaaGole aan keeni karin isbedel maamul iyo hab dhaqan dawladeed oo cusub oo cokan oo taabo gala maadaama xubnaha golaha wasiirada cusubi ubadan yihiin dhalinyaro aan waayo aragnimo buuxda u laheynodoroska, alooska iyo agaasinka maareynta iyomilgaha dawladnimo ( institutional memory ) kuwaas oo laysku raacay in aanay dhidibada utaagi karin nidaamka maamul wanaaga iyo daahfurnaanta qorsheyaasha hor yaala eehorumarinta iyo higsigaqaranka ee"Somaliland National development plan NDP 2"

6-Golahacusubloomaarko in ay soo celinkaraan hufnaantii,dhaqankii dawladnimo, Cadaalad uqaybinta yuhuunta iyo midhihii dawaldnimo,mana mideyn karaanshacabka Somaliland oo kama dhigi karaaanul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga sida mansabka, maganta moorada iyo muquunada.umanamuuqdaan in ay noqdaangoleah mideeyayaal, Jideeyayaal iyo Jiheeyayaalunkikara ama falkin karasifihii lagu baadi goobi lahaa Somaliland loo siman yahay oo lawada leeyahay.

7- Golaha Xukuumada ee cusubi ma ahagole shacabka ka masixi kara riiqdii iyo raadadkii foosha xumaa ee Xukuumadii Siilaanyo ku reebtay xusuustooda iyo quluubtooda . uma muuqdaanku wiinoqonlahaa gole kor u soo qaadi kara sumcadii iyo magacsamaantii qaranimada iyo midnimadaSomaliland.Loomana arko in ay noqon doonaangoledaweyn kara kala qaybsanaanta, kala qoqobkiiay reebtay doorashadii madaxtooyada ee sidii aynu ogeyn dalka uga dhacday.

Guntii iyo-Gebogebadii:Hadii mabd'a la wada yeelan waayo oo wax la wadaagi waayo, waxaa iman doonta in wax la kala yeelan doono .Danta guud ee Somalilandwaxay ku jirtaa maantain xal la raadiyo oo dalka lagu soodabaalo midnimoqaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.

"Anigu Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa!!

Alleh ayaa Mahad Leh,

Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured