Wasaarada maaliyada Somaliland Baashe Morgan Iyo Sacad Cali Shire oo Imaaraadka ka diwaan gashaday shirkad xasaasi ah warbixintii shirkadaasi Nala wadaaga

0
Saturday February 10, 2018 - 01:38:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada maaliyada Somaliland Baashe Morgan Iyo Sacad Cali Shire oo Imaaraadka ka diwaan gashaday shirkad xasaasi ah warbixintii shirkadaasi Nala wadaaga

    Wasaarada maaliyada Somaliland Baashe Morgan Iyo Sacad Cali Shire oo Imaaraadka ka diwaan gashaday shirkad xasaasi ah warbixintii shirkadaasi Nala wadaaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada maaliyada Somaliland Baashe Morgan Iyo Sacad Cali Shire oo Imaaraadka ka diwaan gashaday shirkad xasaasi ah warbixintii shirkadaasi Nala wadaaga

Dubai(Xogreebnews)-Wasiirka Amuuraha Dibedda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar (Morgan) ayaa 06/02/2018 waxay ka diiwaan gashadeen Shirkad Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Waxaanay Shirkadaas u bixiyeen Somaliland Investment Company Limited.

Shirkadan oo sida ka muuqata Macluumaadka lagu diiwaan geliyay Taariikhdaas kor ku xusan ayaa Waxaa (Company Directors)Agaasimayaal ka ah Wasiir Sacad Cali Shire iyo Baashe Cawil Cumar. Waxaa sidoo kale Xoghaye ka ah Nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Cabdalla.

Shirkadan ayaa lagu sheegay inay ka shaqayn doonto Maalgelinta iyo Maaraynta dhinacyada Beeraha, Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iwm.

Sida ku cad Macluumaad lagu diiwaan geliyay Shirka oo ah nooca gaarka loo leeyahay ayaa Qiimaha Saamiga lagu sheegay 1 USD. Halka qiimaha Saamiga guud ama share Capital la iibiyay 50.000 USD.

Waxaa iyana la yaab leh in Saamilayda Shirkadan gaarka loo leeyahay een Public Company ahayn ay Wasaarada Maaliyada Somaliland ka mid tahay Saamilayda.

Shirkadan iyo qaar kale oo la mid ah ayaa loo furtay sidii Hantida ummada iyo Deeqaha Dawladaha shisheeye inagu caawiyaan lagu musuqmaasuqo.

La soco Macluumaad kale oo xasaasi ah.

 

HALKANI HOOSE KA DAALACO CADAYMAHA OO DHAMAYSTIRAN







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured