Fadeexad Daaha-ka Fayday Qabyaalada Wasiirka Macdanta Xukuumadda Muuse Biixi ka Dhex-wado Gobolka Saaxil + Mashruuca Sahaminta Shidaal Iyo Maamka Tuulooyinka uu maraayo oo Nidar ku maray inaanu Fooda soo gelin Karin Wasiir Jaamac Cigaal iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

0
Saturday February 10, 2018 - 03:51:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad Daaha-ka Fayday Qabyaalada Wasiirka Macdanta Xukuumadda Muuse Biixi ka Dhex-wado Gobolka Saaxil + Mashruuca Sahaminta Shidaal Iyo Maamka Tuulooyinka uu maraayo oo Nidar ku maray inaanu Fooda soo gelin Karin Wasiir Jaamac Cigaal iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

    "..Waxanu leenahay Wasiirka Berbera Ciise Muuse ayaa Ilahay ku Beeray. Deegaanka Wax laga baadhayanaa Maxamed Ciise ayaa dega. Wallaahi inaanan kaa aqbalayn Habar-jeclo Gudoomiye ku xigeen u noqda.. budhcad qaabileyste ah weeye Wasiirkan Macdant

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Waxanu leenahay Wasiirka Berbera Ciise Muuse ayaa Ilahay ku Beeray. Deegaanka Wax laga baadhayanaa Maxamed Ciise ayaa dega. Wallaahi inaanan kaa aqbalayn Habar-jeclo Gudoomiye ku xigeen u noqda.. budhcad qaabileyste ah weeye Wasiirkan Macdanta la keenay iyo kan dhaameelkii Baarlamaanku waalay Siciid Cilmi Rooble". Oday kamid ah Waxgaradka G. Saaxil

Xiisad cakiran iyo is-marin waa maalinba maalinta ka dambaysaa cirka isku sii shareeraya, ayaa ka taagan mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil ay ka waddo Shirkadda… taasoo ka dhalatay musuq-maasuq iyo eex qaraabo kiil uu Wasiirka Wasaaradda Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ku takooray Bulshadda ku nool deegaanada Sahanka Shidaal laga samaynaayo.

Qorshaha Sahanka Shidaal ee Gobolka Saaxil, ayaa maraya dhul aad u badan oo Magaaladda Berbera kaga began dhinaca Gubanka, kaasoo sida ku cad Maamka Tuulooyinka uu maraya tiradoodu yihiin ilaa 30-tuulo oo dhinaca Gubanka ah. Dadweynaha deegaanada oo maajiiratiga deegaanka Saaxil ah, ayaa Wasiir Jaamac Cigaal faro-madhan ka joojiyey xuquuqdoodii, isagoo shaqaalaha mashruuca Sahaminta u qaatay %80 Beesha uu kasoo Jeedo Wasiirku, oo iyaggu %10 ka ah deegaanka Sahanka shidaal laga samaynaayo. Sidoo kale Wasiirku waxa uu mashruuca Madax-waaxeedyadiisa oo idil ka wada-dhigay Beesha uu kasoo jeedo.

Qorshahan eexda iyo qaraabo kiilka ah ee Wasiirka Macdanta Somaliland Md. Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa cadho iyo gadood ku abuuray bulshada ku dhaqan gobolka Saaxil, kuwasoo tallaabooyinka Wasiirku qaaday ku tilmaamay kuwo aan loo dul-qaadan Karin, waxanay ku goodiyeen inaan deegaanadooda fooda soo gelin Karin Wasiirka iyo Shirkadduba, ilaayo intaa uu wasiirku xuquuqda deegaanka oo dhamaystiran banaanka keenaayo. Dadweynaha ku dhaqan dhinaca guban ee deegaanka Sahaminta Shidaal laga samaynaayo, oo gaadhaya ilaa 25 tuulo, waxa ay todobaadyadii u dambeeyey la lahaayeen shirar doceedyo ay kaga gaashaamanayaan hab-dhaqanka Wasiirka, isla markaana ku baadi-goobayaan cadaalad iyo inay helaan xuquuqdooda oo ah inay iyaggu helaan shaqaalaha ka hawlgeli doonaa mashruuca iyo madax-waaxeedyadiisaba.

Waxa kaloo kulamada dadweynaha deegaanku yeesheen si cad ganafka ay ugu dhufteen, wax ay cad-quudheed ku tilmaameen oo Wasiirku 6-dii bishan Xildhibaan kamid ah golaha Wakiiladda oo kasoo jeeda deegaanka laalush kusoo siiyey inuu mashruuca Gudoomiye-ku-xigeen Waraabe-u-taaga ah ka dhigaan, Xildhibaankaasoo lagu magacaabo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble. Mid kamid ah Odayaasha sida weyn looga Ixtiraamo deegaanka oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa Warbaahinta u sheegay inaanay marnaba aqbaleyn in qasab iyo jujuub lagu marin-habaabiyo xuquuqda dadka deegaanku u leeyihiin inay mashruucaas iyaggu ka shaqeeyan, sidoo kale waxa uu intaa raaciyey inaanay marnaba ka hawlgeli doonin mashruuca sahaminta shidaal ee deegaanka Guban gobolka Saaxil shaqaale laga soo tahriibiyey Burco, waa sida uu hadal u dhigayee”.

Waxa kaloo uu intaa raaciyey Waxgaradkaasi oo u Wasiirka iyo Xildhiibaanka ku eedeyey inay yihiin budh-cad Macdan doon ah oo aanay Wadin shidaal baadhis, waxanu arrinkaa u daliishaday oo u yidhi "..meeshan Buurta ayaa Macdanta laga guranayaa waa indho Sarcaad oo waxay doonayaan Wasiirkan iyo Ninka Cadka xaaraanta ah uu ku laalushay (Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble) inay Macdanta intay gurtaan hadhowna shirkaddu way tagtay la yidhaa. Arrinkaa annaggu aqbali mayno, hadii shidaal baadhis la samaynaayo anagga deegaankii ah oo ka shaqeynaynaa. Ma dhici karto Maanta in Wasiirku shaqaalaha Burco intuu kasoo qorto Beeshiisa, anaggana na yidhahdo gudoomiye ku xigeen qaata. Waxanu leenahay Wasiirka Berbera Ciise Muuse ayaa Ilahay ku Beeray. Deegaanka Wax laga baadhayanaa Maxamed Ciise ayaa leh. Wallaahi inaanan kaa aqbalayn Habar-jeclo Gudoomiye ku xigeen u noqdaa.. budhcad qaabileyste ah weeye Wasiirka iyo kan dhaameelkii Baarlamaanku waalay Siciid Cilmi Rooble”.

Si kastaba ha ahaatee, hadii aan qorshaha Wasiirka iyo kan deegaanka degdeg loo soo kala dhex-gelin waxa uu mashruucani ku dambayn doonaa mid faashilma wajiga horabaa, sidii kuwii hore ee aan soo arki jirnay. Waxana la gudboon Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi inuu arrinkan ka cadaalad sammeeyo, isla markaana tallaabo ku haboon ka qaado Wasiirkan oo u banbaxay inuu mashaaricda horumarineed u bedelay mid uu beeshiisa ku naas-nuujiyo. La soco Warbixino ku taxaluqa saamiga beelaha Gobolka Saaxil kala leeyihiin hadii ay shaqo abuur noqoto iyo hadii ay saami-mashaariiceed noqotaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured