Beelaha Darafyada S/land ee Sool, Sanaag-bari iyo Awdal oo Oloolle Xoogan ugu Jira Hanashada Jagada Gudoomiyaha Maxkamada Sare...Aragtiyaha Bulshada Goboladaas Iyo Cugashada Madaxweyne Biixi ee Hanaanka Cadaalada Iyo Qorshaha Saami-qaybsi Qaran loo Dhan-yahay...?.

0
Sunday February 11, 2018 - 03:07:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beelaha Darafyada S/land ee Sool, Sanaag-bari iyo Awdal oo Oloolle Xoogan ugu Jira Hanashada Jagada Gudoomiyaha Maxkamada Sare...Aragtiyaha Bulshada Goboladaas Iyo Cugashada Madaxweyne Biixi ee Hanaanka Cadaalada Iyo Qorshaha Saami-qaybsi Qaran loo Dhan-yahay...?.

    Beelaha Darafyada S/land ee Sool, Sanaag-bari iyo Awdal oo Oloolle Xoogan ugu Jira Hanashada Jagada Gudoomiyaha Maxkamada Sare...Aragtiyaha Bulshada Goboladaas Iyo Cugashada Madaxweyne Biixi ee Hanaanka Cadaalada Iyo Qorshaha Saami-qaybsi Qaran loo D

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beelaha Darafyada S/land ee Sool, Sanaag-bari iyo Awdal oo Oloolle Xoogan ugu Jira Hanashada Jagada Gudoomiyaha Maxkamada Sare...Aragtiyaha Bulshada Goboladaas Iyo Cugashada Madaxweyne Biixi ee Hanaanka Cadaalada Iyo Qorshaha Saami-qaybsi Qaran loo Dhan-yahay...?.
Hargeysa(Xogreebnews)-Iyadoo aanu weli Madaxweynaha Cusub ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi weli dhamaystirin isbedelkii dalka ka dhacay, isla markaana sal iyo baar isbedelku samayn Xukuumada jirta oo anu gacabtiisa kusoo dhisin Dawlad loo dhan yahay, ayaa haddana waxa jira oloolle xoogan oo loogu jiro hanashada Mansabyada halbowlaha u ah qaranimada Somaliland, kuwasoo mararka qaarkood ay ku hirdamayaan Beelo,  mararka qaarna loollano ay ugu jiraan ashkhaas Xil doon ah.
Mansabyada waaweyn ee miisaanka culus ku dhex leh hanaanka dawladnimo, had iyo jeer waxa lagu dhaliila Xukuumadii Axmed Siilaanyo inay ku koobtay Beesha dhexe. Waxana arrinkaa si weyn uga cawda Beelaha Darafyada gaar ahaan Sool iyo Awdal, oo sheega in saami-qaybsiga xilalka Dawladda Somaliland aan loo sinney. 
Hase-yeeshee Maanta waxa Somaliland xukuma Madaxweyne ku yimi rabitaanka dadweynaha oo kusoo baxay Cod uu ka helay bari ilaa galbeed. Waxanay Beelaha Darafyada Somaliland aaminsan yihiin in Madaxweyne Biixi uu saami-qaybsiga darafyada uga wanaagsanaan doono Xukuumada Axmed Siilaanyo.
Shacabka ku dhaqan Gobolada Awdal iyo bulshada Sool isku aragti kama ahaa arrimaha saami-qaybsiga Waaxyaha Dawladda Somaliland.
Tusaale ahaan reer Sool waxa ay aaminsan yihiin in Madaxweyneynuhuu yahay beesha dhexe, sidoo kalena ku-xigeenku yahay reer Awdal, sidaas daraadeedna aanay Sool ahaan talada qaranka waxba looga ogoleyn, reer Sool waxa kaloo ay aaminsan yihiin inaanay qaban xilalka Xukuumada kuwooda ugu sarreeya tan iyo Xukuumadii Madaxweyne marxuum Cigaal, Wasaaraha arrimaha dibeda, gudaha iyo Maaliyada ama taliyaasha Ciidamada.
Balse dhowaan waxa ay nasiib u heleen reer Sool ama Sanaag bari inay qaranka madaxdiisa ugu saraysaa noqdan, waxana Baashe Maxamed Faarax loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland, walow uu booskaas uu banneeyey musharrax u tartamaayey hoggaanka ugu sareeya ee qaranka ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdirahmaan Maxamed Cabdilahi Cirro.
Dooda Maanta ee Gobolada Sool iyo Sanaag bari.waxa ay shacabka goboladaas il gaar ah ku eegayan in Madaxweynaha cusub Muuse Biixi ay uga fadhiyaan inuu mansabyada qaranka ka qaybgeliyo, gaar ahaan inuu Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland u magacaabo darafka bari ee Somaliland, si loo helo xukuumad là wada leeyahay.
Dooda iyo tabashada gobolka Awdal way ka duwan tahay ta reer Sool, waxanay aaminsan yihiin in aanay haysan saami qaybsi cadaalad ah oo dhaafsiisan Madaxweyne ku xigeen magac u yaal ah oo aan waxba metelin, sidoo kale tabashada Awdal kuma eka mansabyada qaranka sida gudoomiyaasha Baarlamaanka, balse ilaa shaqaalaha Dawladda ayey ku salaysan tahay wallow ay reer Sool iyo Sanaag kaga badan yihiin, haseyeeshee tabashadoodu waxa raaca in aan haba-yaraatee loo quudhin xilalka wasaaradaha miisaanka weyn sida Maaliyada, amniga iyo Arrimaha gudaha.
Dooda shacabka Awdal ee aragtida Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi waxay ku xidheen in jagada Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Qaranka Somaliland magan iyo marti uga yihiin Madaxweynaha, kuwasoo sheegay hadii aanu u magacaabin shaqsi reer Awdal ah, aanu ahayn Madaxweyne cadaalad iyo wax wada lahaansho ogol. Sidaas daraadeed si Somaliland Beesha Caalamku uga dhaadhiciso madaxbanaanida waxay reer Awdal ku xidheen in boosaska sare ee Somaliland laga wada muuqdo. 
Si kastaba ha ahaatee aragtida Beelaha darafyada oo keliya kuma koobna, balse waxa jira tabashooyin badan oo kale, kuwasoo ka imanaya Beesha Gabooye, oo iyagga dhibbaayooyin badan ka tirsanaya Xukuumada iyo shacabkaba, hase-ahaatee Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa inuu Gudoomiyaha jagada Maxkamada sare u magacaabo shaqsi ku abtirsada Beelaha Darafyada. Iyadoo waqti xaadirkana tabaashooyin badan oo cadaalaad xuma ah shacabweynaha Somaliland ka tirsanaayo waaxda cadaaladda ee Somaliland. 
La soco qaybaha dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured