Maalin Taajir: Agaasimaha maamulka iyo Lacagta Ee Wasaarada Macdanta Somaliland.

0
Wednesday February 14, 2018 - 01:53:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalin Taajir: Agaasimaha maamulka iyo Lacagta Ee Wasaarada Macdanta Somaliland.

    Maalin Taajir: Agaasimaha maamulka iyo Lacagta Ee Wasaarada Macdanta Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin Taajir: Agaasimaha maamulka iyo Lacagta Ee Wasaarada Macdanta Somaliland.
Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Mudane, Cabdirisaaq Xasan Jibriil ayaa ku biiray liiska dadka xoolaha umadda ka dhistay hantida ma guurtada ah, isaga oo taageero hiil ah ka helayaa wasiirkii hore ee Tamarta.
Xogo badan oo laga helay ayaa cadeeyey in ku takri falka hantida umadda ee uu gacanta ku hayey, gaar ahaana ta wasaaradda Tamarta oo dakhli ahaan shanti sano ee la soo dhaafay kobac ballaadhani ku yimi mamaulkeeda lahaa dhanka maaraynta lacagta.
Qoraal koobaan ayaan ku eegi doonaa farrqiga u dhaxayn kara mudada uu wasaaradda ka shaqo galay iyo ka hor intii aanu shaqaale dawladood noqon wixii uu qaban jiray, dabeeto waxaynu wada eegi doonaa suurto gal ma tahay inuu yeesho hanti u gaara oo qiyaasta aynu sheegi doonta noqota?


Cabdirisaaq 2010, markii xukuumaddii maxweyne Siilaanyo talada qaranka Somaliland la wareegtay wuxuu ka shaqayn jiray dukaan yar oo mobilada iyo saacadaha iibiya, waxaanu ka soo saaran jiray nolol maalmeedkiisa, ilaahay mahadii wuxuu maalinba ka helo wuxuu ugu xamdi niqi jiray Alle STW. Shaqadii ugu horaysay ee uu ka helo xukuumada madaxweyne Siilaanyo waxa ay noqotay jagada uu maanta hayo ee maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Macdanta, sideed sano ayuu shaqadaa hayey, sii joogi doona laakiin mooyi!
Cabdirisaaq maanta wuxuu magaalada Hargeysa, ku leeyahay hanti ma guurto ah, waxa uu dhawaan binaystay aqal shub ah (dabaq), kaas oo ay ku kacdaan adduun dhan $120,000 (boqol iyo labaatan kun oo doolar, mushaharka uu qaataa waa shan milyn oo lacagta Somaliland ah, hadiiba aynu eegno sideeda sano ee uu shaqadaa hayey suurto gal ma tahay in lacagtiisu u dhisto hantida intaas leeg.
Hantida ma guurtada ah waxa dheer saamiyo uu ka iibsaday shirkado gaar ah, khaasatan shirkad ka mida kuwa xashiishka ee caasimada ka shaqeeya, taas oo uu dhawaan ka mid noqotay saamilayda shirkada, iyada oo lala yaaban yahay aqalka aan sare ku soo sheegnay. Saamigaasi ilaa hada maaha mid xog ahaan aanu cadayn, balse saamiga u yar ayaa ah $50000 oo doolar.

Dhanka kale waxa jira shirkad nooca diyaaradaha wakiilka u ah (Agency) inay shuraako ku yihiin mid ka mida caa’ilada wasiirkii hore ee macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale. Shirkadan ayaa kooto ku haysata tigidhada shirkadaha shidaalka baadha ee heshiisyada la galay xukuumada Somaliland.
Geesta kale waxa uu leeyahay shirkad qarsoon oo ka shaqaysa magaalada Hargeysa, taas oo shirkad Taksi (Taxi) tiro ahaana 15 gaadhi oo nooca loo yaqaano Vitz ay u shaqeeyaan, iyada oo taasna aan ku qiyaasay $52,500 (laba iyo konton kun oo doolar). Suurto gal ma tahay in sideed sano oo aad xukuumad ka tirsan Somaliland u shaqaynso inaad yeelato hantidaa intaa leeg? Jawaabta akhristayaasha ayaan u dhaafaya.

Qoramada qaybteeda koowaad waxa aynu ku so oaf-meeri doonaa labada tallo oo aan si gaara ah ugu diraayo madaxweynaha qaranka Somaliland mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka macdanta iyo tamarta mudane, Jaamac Xaaji Cigaal.

Soo jeedinta koowaad mudane, madaxweyne wakhtigii ololaha aad ku jirtay waxa aad ballan ku qaaday in xidida loo siibi doono musuqmaasuqa iyo eexda oof wareentay qaranka, sidoo kale waxa aad sheegtay inuu sarayn doono sharcigu, hadaba agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradaas waxa aan tallo ahaan kuugu soo jeedin lahaa inaad odhad galiso, adiga oo ka duulaya ballan qaadkaaga.
Sidoo kale mudane, wasiir fiiro gaar ah u yeelo agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda oo ah shaqsi lagu beertay gudaha wasaaradda aad masuulka ka tahay, shaqaalaha wasaaradaada jooga cadaaladda aad ku hagayso way u sinaan ama sad bursiimo ayey kala heli doonaan.

La soco
Muuse Jaama Gorey
Goray8008@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured