64 CISHO KA DIB WAA KUMA MADAXWEYNE #MUUSE BIIXI CABDI#. W/Q Abbas Ahmed Abbas

0
Thursday February 15, 2018 - 16:58:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    64 CISHO KA DIB WAA KUMA MADAXWEYNE #MUUSE BIIXI CABDI#. W/Q Abbas Ahmed Abbas

    64 CISHO KA DIB WAA KUMA MADAXWEYNE #MUUSE BIIXI CABDI#. W/Q Abbas Ahmed Abbas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

64 CISHO KA DIB WAA KUMA MADAXWEYNE #MUUSE BIIXI CABDI#. W/Q Abbas Ahmed Abbas
Sidaynu la wada socono 64 maalmood ayaa laga joogaa 13/december/2017 waana maalintii la dhaarshay madaxweynaha haatan talada dalka haya Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaana uga hadhay mudiida boqolka cisho ahayd ee madaxweynuhu qabsaday 36 maalmood, hadaba inagoon dadafeynayn hordhaca maqaalka ama (induction of the article) waxa afka qalaad lagu yidhaa, waxaynu waxoogaa ku iftiimin doonaa maqaalkeenan 1aad maanso inagoo ku dheeraaneyn ama ku talax tageyn cida uu yahay madaxweyna dalku Mudane Muuse Biixi Cabdi sida uu illaah SWT Qur’aankiisa ku sheegay ( مِنْكُمْ الْأَمْرِ وَأُوْلِي ٱلرَّسُولَ وَأَطِيعُو أَطِيعُواللَّه آمَنُوا الَّذِينَ ياأَيُّهَا ) maansadana waxay la kowsatay mudada haatan laga joogo 64ka maalmood inaynu dib isu xasuusino waa kuma madaxweyne muuse biixi cabdi waxaanan ugu wanqalay (#Muuse Waa Ninkii#) tuducyada ama meerisyada maansadu koobsatayna waxay farta inoogu fiiqi doonaan shaqsiyada madaxweynaha , maansadanina waxay hordhac u tahay silsilad bilowga ah #Dabagura#,
MAANSADA KOOWAAN SILSILADA BILOWGA AH  #DABAGURA#
#MUUSE WAA NINKII#
v Muuse waa ninkii malafsiga bartee
musuqmaasuqiyo muruqyada lahaa,
v Balaayada ninkii buunbuunin jiray
buuryada ninkii beelweynta arab baalaha
ka tusay,
v Meermeertadiyo mowjaduhu markay
 milicsiga badshaan muuse waa ninkii
miisaankiisa iyo meeqaam xumadu
madashuba didee,
v Maacdaba badshee ma'jadaba sitee
midhihii mandeeq meel dheer Ku
marey,
v Qorigaba ninkay qayrkii dhigeen
muuse waa ninkii geeliisu guban
gaajadu dishee goodkuba helee
gocoshada lahaa,
v Badowguba marbuu beertiisa biiyaa
boqoranmeysidoo beenaale iyo bir
 xun buu sida,
v Muuse waa ninkii heeryada sitee
 haybtaba yaqaan,
v Qalinkaba nimaan quudkiisu galin
qalabaa gadiga qoomameyn dambiyo
quustaba ninkay qoomkiisa tahay,
v Qorshahuu sidaa qanci meysidoo
qolo qudha dharaar qado kama baxshee,
v Muuse waa ninkii qabqablaha daqaal
quudkiisu yahay.
v Cowshaba nimaan cisha daajin Karin
gudgudooy gudgudo muuse waa ninkii
gorayadu markay gaydhiyo haraad
goonyuhu dumaan,
v Galbiskiyo ciyaar galin dhexe habeen
guudkabka rifa,
v Maqashaba nimaan edegaba tusayn
helhele helee heylyaame xume
xinyuhu ninbay qubintiisa tahay,
v Baqashaba ninbaa beel qudha ka hadhay
maqaney muglaay moohaarka qudh
maalinbaan la'ayd,
v Maansadu marbey mijaheedu tahay
miiskaba ka tuur,
v Meerisyada nimaan meermeerin Karin
miqiiqaba nimay marin qudha u tahay,
v Mucjisadu marbay murunkaba tustaa
muuse waa ninkii mididaba sitee
mooryaansade madaxweynihii
 miishaar Ku mirey,
Wabilaahi towfiif
Qoraaga maqaalka
Abbas Ahmed Abbas



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured