Qalalaasaha Siyaasadeed Ee Dalka Itoobiya Saamayn Ma Ku Yeelan Karaa Somaliland?. W/Q: Cabdillaahi Axmed Caarshe,

0
Friday February 16, 2018 - 22:08:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalalaasaha Siyaasadeed Ee Dalka Itoobiya Saamayn Ma Ku Yeelan Karaa Somaliland?. W/Q: Cabdillaahi Axmed Caarshe,

    Qalalaasaha Siyaasadeed Ee Dalka Itoobiya Saamayn Ma Ku Yeelan Karaa Somaliland?. W/Q: Cabdillaahi Axmed Caarshe,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalalaasaha Siyaasadeed Ee Dalka Itoobiya Saamayn Ma Ku Yeelan Karaa Somaliland?. W/Q: Cabdillaahi Axmed Caarshe,
Hordhac Dalka aan jaarka nahay ee Itoobiya oo ah dalka taariikh ahaan aad u facwayn taariikh dheer oo boqortooyona aduunka ku lahaan jirey, ayaa waxaa beryahan danbe ka jirey kacdoon siyaasadeed oo lagaga soo horjeedo xukumadda dalkaas ka talisa, maamulka ay gacanta ku hayaan qoomiyada yar ee tigrayga iyo xisbiga EPRDF.
Taariikh ahaan dalka Itoobiya, waa dal muhiim u ah siyaasadda reer galbeed oo ay ilaalashadaan, waxaana dalka ay wamada reer galbeedku  siyaasadeeda  u soo mariyaan   qaarada afrika, dhaqaalaha dalkaas ayaa ahaa mid kor u kacaya  oo samaynayey horuumar 20-kii sano ee u danbeeyey, dalka Itoobiya waxaa u yaala xarunta ururka midowga Afrika, iyada oo sanadkiiba mar ay halkaas isugu miyaadaan madaxweynayaasha qaarada Afrika.
Dalka Itoobiya, waxaa ku nool qoomiyado kala duwan oo kala ah, Oromos, Amhara, Soomali, Tigray, Afars, Gurage, Sidama, Agaw, Iyo Harari, waxaana ugu badan Oromada iyo Amharada oo dalkaas ah ku dhowaad 60%, iyada oo lagu qisaayo dadka ku nool Itoobiya in ka badan 80 milyan,dalku waxaa uu xuduud la leeyahay, Somaliland, soomaliya, Jabuuti, Sudan, South Sudan, Eritrea iyo Kenya.
Maxaa Sababay iscasilaadii Raysal-wasaarahaItoobiya?.
Maalintii khamiista ee bishu ahayd 15/02/2018, waxaa si lama filaan ah isu casilay Raysalwasaaraha dalka Itoobiya, Haile Mariam Desalagn, oo ah nin aqoon yahan oo macalin ka ahaan jirey jaamacadaha dalka Itoobiya, waxaa uu isku deyey in uu xaliyo mudaharaadyada ka socda gobolada ay degaan qoomiyadaha Oromada iyi Amxaarada, kuwaasoo socday labadii sanadood ee ugu danbeeyey, iyaga oo tabanaya ama tirsanaya cadaalad darro {Injustice}.
Raysalwasaare Haile Mariam, waxaa uu dalkaas ku soo rogey xaalad degdeg ah, {State Of Emergency}, taasoo waxba soo kordhin weydey, keli ah waxaa sii kordhay mudaharaadyadii dowlada lagaga soo horjeedey, cabashadiina waxay noqotay mid halkeedii taagan.
Tallaabo kale ayuu qaaday Haile Mariam, oo waxaa uu isbedel ku sameeyey golihiisa xukuumadda si ay iskaga dhex arkaan Oromada iyo Amxaaradu, balse taasina dawo uma noqon waxay sii kordhisay uun mudahaayadii iyo rabshadihii.
Mar saddexaad ayuu qaaday tallaabo kale oo waxaa uu ooda ka qaaday maxaabiistii u xidhnaa siyaasadda oo uu ku jiro hoggaamiye ururka Oromada, taasina waxba ma ay soo kordhin waxbana kama ay bedelin qalalaasihii siyaasadeed.
Ka dib ayuu Raysalwasaaruhu go’aansaday in iscasilo si aanay Itoobiya, gacantiisa ugu burburin, isaga oo ka fekerey mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo noloshiisa danbe.


Qalalaasaha Dalka Itoobiya Iyo Saamaynta Somaliland?
Dalka Itoobiya iyo smaliland, waxaa ka dhexeeya xidhiidh aad u wanaagsan tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madax banaanideeda 1991-kii, waqtigaasoo Itoobiyana ay iska ridey taliskii dhergiga ee uu madaxda ka ahaa Mengistu Haile Mariam, oo dalkaas xukumayey 1977-1991-kii.
Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland ayaa ah mid aad u wanaagsan, inkastoo aanay Somaliland, u aqoonsan qaran madaxbanaan, hadana waxay itoobiya ay Somaliland, ula macaamiishaa qaab dublamaasiyadeed oo aad u sareeya, tusaale ahaan Itoobiya, waxay xafiis siyaasadeed ku leedahay Somaliland, iyada oo ay Itoobiya tahay dalka keli ah ee Passaborka Somaliland toos loogu tago iyada oo visahana laga qaato xafiiska Itoobiya, ku leedahay Hargeisa.
Itoobiya, waxay Somaliland la leedahay xidhiidh ganacsi oo aad u wanaagsan, iyada oo Itoobiya uu inoo ka yimaado qaadka oo Somaliland ka hesho cashuur badan, halka Itoobiyana ay lacag adag  kaga bedelato, sidoo kale xidhiidhka isu socodka labada dalka ayaa ah mid toos ah oo isaga furan dhinaca xadka iyo hawadaba.
Diyaarada Ethiopian Airline, ayaa daafaha aduunka ka soo qaada shacabka Somaliland ee qurbaha ku nool iyo dad kale ee somalilanad dahana ka leh soo raaca, iyada diyaarada Ethiopian Airline, ay maalinkasta ka samayso Somaliland laba duulimaad oo toos ah,kuwaasoo yimaada caasimada Hargeisa.
Waxaa kale oo muhiim ah Somaliland iyo Itoobiya, waxay iska kaashadaan dhaimaca ammaanka iyo la dagaalanka argaxisada, iyada oo Somaliland, ay aad u ilaaliso xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Dhinaca waxbarashada ayay Dalka itoobiya, ka saacidaan Somaliland, iyada oo sanad walba ay ardayda Somaliland, ka helaan waxbarasho bilaash {scholarship}, taasoo  ay ugu badan tahay waxbarashada heerka labaad.
Dalka Itoobiya, waxay isticmaalaan Dekeda magaalada Berbera, iyada oo Itoobiya, qayb ka ahayd heshiishkii ay wada galeen shirkada DP World iyo Somaliland, taasoo lagu ballaadhinayo dekeda magaalada Berbera, iyada oo ay muhiim tahay in la fahmo in cida ay Somaliland doonayso in ay isticmaasho dekeda Berbera,  ama ay Somaliland dhiilka u tolatay ay tahay dalka Itoobiya oo aan lahayn deked dadkeeduna ay yihiin malaayiin.
Hadaba ilaahay kama dhigo’e hadii Itoobiya burburto ama uu sii socdo qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaas ka oogan waxay saamayn ku yeelanaysaa Somaliland, saamayntaasoo leh dhinaca dhaqaalaha, nabadgelyada, isu-socodka labada dal oo adkaanaya oo ay ka mid yihiin dadkii caafimaadka u tegayey iyo culays soo fuula Somaliland.

Gunaanad 
Waxaa muhiim ah in Somaliland, door dublamaasiyeed ka qaadato arrinta Itoobiya, ayna Somaliland ka shaqayso sidii uu jawi nabadgelyo ugu dhamaan lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Itoobiya, madaxweynaha Somaliland, waxaa la gudbo in uu Itoobiya, ugu baaqo in arrinta lagu dhameeyo qaab- nabadgelyo iyo kala guur ku dhisan jawi nabad ah.
W/Q: Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured