"..Hanti Ummad ka dhaxaysa cid lunsato iyo sida uu Islaamku u arko...Nimanka Imaaraadku Dawlado badan ayay rogeen, waa Nimanka Yemen baa'biinaya, waa Nimanka Inqilaabkii Turkiga ka dambeeyay, waa Nimanka bixiyey Lacagta markii Itoobiyaanku soo galayeen Soomaaliya, Nimankaa heshiisyadooda iska ilaaliya ayaanu leenahay Xukuumadda cusub."Sheekh Aadan Siiro

0
Saturday February 17, 2018 - 02:48:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Hanti Ummad ka dhaxaysa cid lunsato iyo sida uu Islaamku u arko...Nimanka Imaaraadku Dawlado badan ayay rogeen, waa Nimanka Yemen baa'biinaya, waa Nimanka Inqilaabkii Turkiga ka dambeeyay, waa Nimanka bixiyey Lacagta markii Itoobiyaanku soo galayeen Soomaaliya, Nimankaa heshiisyadooda iska ilaaliya ayaanu leenahay Xukuumadda cusub."Sheekh Aadan Siiro

    "..Hanti Ummad ka dhaxaysa cid lunsato iyo sida uu Islaamku u arko...Nimanka Imaaraadku Dawlado badan ayay rogeen, waa Nimanka Yemen baa'biinaya, waa Nimanka Inqilaabkii Turkiga ka dambeeyay, waa Nimanka bixiyey Lacagta markii Itoobiyaanku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Hanti Ummad ka dhaxaysa cid lunsato iyo sida uu Islaamku u arko...Nimanka Imaaraadku Dawlado badan ayay rogeen, waa Nimanka Yemen baa'biinaya, waa Nimanka Inqilaabkii Turkiga ka dambeeyay, waa Nimanka bixiyey Lacagta markii Itoobiyaanku soo galayeen Soomaaliya, Nimankaa heshiisyadooda iska ilaaliya ayaanu leenahay Xukuumadda cusub."Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa(Xogreebnews)–Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay ahmiyadda uu Islaamku siiyey ilaalinta Hantida Ummadda ka dhaxaysa.

Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay heshiisyada Xukuumadda Somaliland kula jirto Dawladda Imaaraadka Carabta, isagoo ku taliyey in laga noqdo Heshiisyadaa wixii aan sharci ahayn.

Sheekh Aadan oo ugu horreyn ka hadlaya ilaalinta Hantida Ummadda ka dhaxaysa ayaa yidhi "Waxaan ka hadlayaa in Hanti Ummad ka dhaxaysa cid lunsato iyo sida uu Islaamku u arko. Kitaabka qur’aanka kariimka ah, boqollaalka kun ee Xadiis iyo wixii Rasuulka laga arkay ee uu sugay iyo wixii dadkii Saalixiinta ahaa ka fahmeen ee nolosha ku dhaqeen, dunida oo dhanna ku hoggaamiyeen, waxaas oo dhami waxay ka hadlaan Shanta lagu aasaasay Dunida, marka ugu horreysa waa in Diinta lagu ilaaliyo, Qofka bani-aadamka in la ilaaliyo Naftiisa, in la ilaaliyo Maalka ayuu Islaamku u yimid, in Qofka la ilaaliyo Sharaftiisa iyo Cirdigiisa iyo in meesha uu ku nool yahay la ilaaliyo.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu sheegay  "Maxay tahay in lagu ciyaaro Hantida Ummadi leedahay ama Qof, Koox ama Cid is ogi qaadato. Ninku isagoo Amiir ah ama isagoo Ciidanka ka mid ah hadduu inyar qarsado Xoolaha laga helayo Jihaadka Culimadu waxay yidhaahdeen waa Hanti Lunsi.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "ILAAHAYNA wuxuu Qur’aanka ku yidhi ‘Nebi umay sugnaanin inuu lunsado hantida Muslimiinta ka dhaxaysa’, ka wax lunsada waxa uu imanayaa (Maalinta Qiyaamaha) wixii uu lunsaday’..”

Sheekh Aadan-siiro waxa kale oo uu ka hadlay sida Islaamku u ilaaliyey Xaqa qofka shaqaalaha ah "Qofka marka la shaqaalaynayo Islaamku wuxuu yidhi wax ku filan hala siiyo, Laakiin Dadka Muslimiinta ah maxaa haysta? Nin soo ururinaya Malaayiin ayaa lagu odhanayaa shan Boqol oo kun baa Mushahar loo siiyaa, shantaa boqol oo Sicir-bararka awgeed noqonaya 40.8 (Dollar), iyadoo laga yaabo kuwa Masuulka ka ah gurigiisa, gaadhigiisa iyo noloshiisa ay tahay inuu intaa ku isticmaalo Daqiiqado keliya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Hargeysa Maanta waxa dhex taagan 70 kun oo Inan oo 17 jir illaa 35 Jir ah oo Badankooda lagu soo koriyey Tamaandho iyo Agoonnimo, haddana Macluumaadka aanu hayno waad tacajabaysaa (Marka lagu yidhaahdo) Cid-baa Lacagta intaas leeg lunsatay.”

Sheekh Aadan waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha ku sheegay in dhibaatada Dalalka Islaamka taallaa tahay ku dhaqan La’aanta Diinta Islaamka, halka Gaalada oo aan Diin haysan ay Caqligooda adeegsanayaan "Waar Waddamadii Gaalada ayuu Caqligu shaqaynayaa, innaga Islaamkii shaqayn maayo oo lagu Camal-fali maayo, sharcigii shaqayn maayo. Sunihii shaqayn maayo, Caqligiina shaqayn maayo. Islaamku wuxuu la dagaalamay in Nin Xaakimka ah ee Dadka u dhexeeya inaad Hadyad u geyso inta uu shaqada hayo, si aanu ugu habran Qofka Hadyadda siiyey. Waddamada Muslimiinta waxa ka jira Faqri, Dulmi iyo leelleel, waxaas oo dhana waxa keenaysa Caddaalad darrada. Waxaa Maanta Muslimiinta haystaa waa Maamul-xumo iyo Musuqmaasuq, taana waxa diidday Gaalada Islaamka halkaa iska dhigtay ee Caqliga oo keliya ku shaqaynayey, si ay wax u noqdaan. Waxaanu leenahay waar Hantida Ummadda hala ilaaliyo, waxa Dadka ka dhexeeya hala ilaaliyo.”

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu farriin u diray Xukuumadda cusub "Xukuumadda cusub waxaanu kula talinaynaa heshiis kasta oo aan sharci ahayn oo Ummadda waxyeelaya Ciddii doontaa ha gasho, awoodda ay doonaan ha yeeshaan waxa wanaagsan in aanad taageerin ee aad innaga laabto.”

Sheekhu wuxuu ka digay Dawladda Imaaraadka "Nimanka Imaaraadku Dawlado badan ayay rogeen, waa Nimanka Yemen baa’biinaya, waa Nimanka Inqilaabkii Turkiga ka dambeeyay, waa Nimanka bixiyey Lacagta markii Itoobiyaanku soo galayeen Soomaaliya, waa kuwa Ciidammo Calooshood u shaqaystayaal ah ku abuuray meelo Soomaaliya ka mid ah ee doonaya inay Dadka si gaar gaar ah u xukumaan, waar Nimankaa heshiisyadooda iska ilaaliya ayaanu leenahay Xukuumadda cusub.”ayuu yidhi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured