Maxaa Is-bedelay ee aan Siilaanyo iyo Muuse Biixi ahayn?. Faallada Shabakadda Xogreebnews.com

0
Wednesday March 21, 2018 - 02:31:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Is-bedelay ee aan Siilaanyo iyo Muuse Biixi ahayn?. Faallada Shabakadda Xogreebnews.com

    waxa isagguna weli Somaliland Safiir u ah Baashe Cawil oo ahaa dadkii ku tagri falay awoodda madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo isna ahaa shaqsiyaadka musuq-maasuq yahanka ah ee sida tooska ah iyo sida dad-banba u boobay hantidii uma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxa isagguna weli Somaliland Safiir u ah Baashe Cawil oo ahaa dadkii ku tagri falay awoodda madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo isna ahaa shaqsiyaadka musuq-maasuq yahanka ah ee sida tooska ah iyo sida dad-banba u boobay hantidii umaddu lahay. Dadka qaba aragtida labada shaqsi ee aan soo sheegnayn inay cambaarta xaarantimaysay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi,

Hargeysa(Xogreebnews)-Hoggaamiye kastoo ay si xor ah usoo doortaan shacab waddan nidaam dimuquraadiyadeed ka hana-qaaday, waxay fi’shaa inuu dalkaas uu ka dhacaayo isbedel dhinaca maamulka ah oo saameeya dhamaan Hay’adda dawladda ee dalkaas uu qabsaday Madaxweynaha cusubi. Filashadaas oo kale waxa qabay boqolal kun oo shacabweynaha Reer Somaliland ah oo khaati-bini-nafsi ka taagnaa maamulkii kan ka horeeyey ee Axmed Siilaanyo oo u xuubsiibtay boobka hantida Umadda.

Haddaba, Somaliland oo ah Dal Dimuquraadiya oo nidaamka Xisbiyaddu si toosa uga hana-qaaday 20-kii sanno ee lasoo dhaafayna kursiga dalka ugu sarreeya uu ku yimaado madaxweynuhu Codka dadweynaha, ayaa waxay doorashadii u dambaysay ka dhacday daba-yaaqadii sannaadkii tagay 2017-kii 13-kii bishi 11-aad, waxanay umaddu dooratay madaxweynaha hadda Md. Muuse Biixi oo isaggu ka sharaxnaa Xisbigii tallada hayey ee Kulmiye, waxanu ku guuleystay aqlabiyad Cod aad u badan oo u kaga dheereyey cidi la tartamaysay. Sababihii guusha Codkiisa keenay waxa loo aaneeya dhowr sababood, midda koowaad waxay ahayd mid qabyaaladeed iyo isxulufaysi beeleed, hase-yeeshee mid kaloo taas ka duwaneyd, ayaa jirtay, taasoo ahayd in Madaxweyne Muuse Biixi uu leeyahay Istaraajiyad u dalka ku horumarinaayo iyo filashada ashkhaasta garbihiisa taagnayd oo laga filaayey inuu soo dhisaayo Xukuumad tayo badan oo qaranka kusoo dabaashada dariiqa horumarka iyo hana-qaadka dawlad la tacaasha dhibbaatooyinka dadka qabatimay ee raggaadiyey qaranka iyo sidoo kale in Xukuumadiisaasi sal iyo baar ahaaneyso dawlad isbedel iyo isla-xisaabtan samaysaa.

Hase-yeeshee shacabkii Codka hal-daba la’ u siiyey Madaxweynaha hadda waxay candhuftooda dib u liqeen markii ay arkeen dhismaha dawladdii uu soo dhisay madaxweyne Muuse Biixi oo iyaddu noqotay dawladdii ugu tayadda xumayd ee abid madaxweyne Somaliland soo maray soo dhisatay. Xubnaha golaha Wasiiraddu waxay ahaayeen badi-doodu dad aan lahayn aqoon iyo khibrad Siyaasadeed midna oo lagu hoggaamiyo dalka. Sidoo kale dawladda uu soo dhisay iyadoo ay sidaas tahay hadda waxa muddo saddex bilood ah noqotay mid qabyo ah oo aan hana-qaadin, waxa kaloo xusid mudan in aanay waxbaba isbedelin nidaamkii maamul ee Axmed Siilaanyo, oo aan ka ahayn Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxtooyadda galay iyo Siilaanyo oo ka baxay. Weli waxa sii shaqeynaaya masuuliyiintii uu madaxweyne Siilaanyo soo magacaabay oo badankooddu yihiin dadkii shacabki isbedelka ka doorteen oo lala xidhiidhiyo musuq-maasuq sameeyaasha.

Teeda kale, muwaadiniinta rajada qaranka lexe-jeclada ka qaba ee weliba iyaggu isha ku hayey dhismaha Xukuumadda cusub, waxay can-dhuftooda dib u liqeen, kolkii Liiska xubnaha golaha cusub ay ku dhex arkeen Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Sacad Cali Shire ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo badi bulshaddu ku eedeeyan inuu la ambaday shaqadii Wasaaradda arrimaha dibeda, isla markaana uu kaga mashquulay shaqadiisii kolba Dilaalista Mashaaric DP World, oo ay lug ku leeyihiin xubno ka tirsan qoyska Madaxweynihii hore iyo Madaxweynaha cusub intuba, waxana xubnahaasu soo laabashada Wasiir Sacad Cali Shire ku tilmaameen mid aan bulshada ka qaban Madaxweyne Muuse Biixi, oo aan la filayn, maadaama aanay jirin sabab macquul ah oo soo laabashada Wasiirka loogu xushaa, hase-ahaatee inuu soo laabtaa hadda waxay noqonaysa sheekaddu in loga maarmi waayey heshiiska iyo sidii loo kala lahaa saamiyada mashruuca DP World. Sidoo kale waxa isagguna weli Somaliland Safiir u ah Baashe Cawil oo ahaa dadkii ku tagri falay awoodda madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo isna ahaa shaqsiyaadka musuq-maasuq yahanka ah ee sida tooska ah iyo sida dad-banba u boobay hantidii umaddu lahay. Dadka qaba aragtida labada shaqsi ee aan soo sheegnayn inay cambaarta xaarantimaysay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxay ku doodayaan hadii aanu degdeg u bedelin Madaxweynuhuu inaanay afka u dhiganayaan hantida iyo mashaaricda la doonaayo inay dalka Somaliland ka hirgeliso Shirkadda DP World oo ah shirkada maamusha Dekedda Berbera, isla markaana la filayo inay dhisto deked cusub. Madaxweyne Muuse Biixi waxa looga fadhiyaa inuu Siyaasadda Dibeda ee Somaliland keeno masuul ka shaqeysiiya oo soo celiya doorkii Diblumaasiyadeed ee Somaliland ku lahayd dalalka manqadada iyo caalamka intiisa kaleba. La soco qaybaha dambe




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured