Siyaasi Axmed Like oo Kashifay Shirqoolo Dhagaraysan oo Wasiirka Macdantu ka Dhex-wado Gobolka Saaxil Iyo Baaq Qaylo-dhaan ah oo u Diray Bulshada Deegaanka

0
Thursday March 22, 2018 - 04:32:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Axmed Like oo Kashifay Shirqoolo Dhagaraysan oo Wasiirka Macdantu ka Dhex-wado Gobolka Saaxil Iyo Baaq Qaylo-dhaan ah oo u Diray Bulshada Deegaanka

    "..Wasiirka macdantu wuxuu Takooray Beesha Ciise Muuse Galbeedka Iyo Muuse Cabdale, wananka xumahay inaan la siin xaqoodii iyo saamigii ay lahaayeen. Waxanan leeyahay Beelahaas indhaha fura, Waxa Colaad la idin gelinayaa, Cid Aydaan Is colaadin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Wasiirka macdantu wuxuu Takooray Beesha Ciise Muuse Galbeedka Iyo Muuse Cabdale, wananka xumahay inaan la siin xaqoodii iyo saamigii ay lahaayeen. Waxanan leeyahay Beelahaas indhaha fura, Waxa Colaad la idin gelinayaa, Cid Aydaan Is colaadin Jirin.. Waxan baaq u dirayaa dhamaan bulshada Reer Saaxil, oo aan ku baraarujinaayo inaanu jirin wax shidaal baadhis ah oo laga samaynaayo gobolkaas, ee ay xaaladdu tahay macdan gurasho". Siyaasi Axmed Xasan Cali (Axmed Like),

London(Xogreebnews)-Siyaasi Axmed Xasan Cali (Axmed Like), oo kamid ah Saraakiisha sar-sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ku eedeeyey Wasiirka Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal inuu gobolka Saaxil ka wado Shirqoolo uu iskaga hor-keenayo bulshada walaalaha ah ee wada-degen, isla markaana uu Beelo gaar ah duudsiyey xuquuqdoodii iyo saamigii ay ku lahaayeen gobolka, waxa kaloo uu baaq culus u diray bulshada Saaxil oo ku waaniyey inay ilaashadan midnimadooda iyo wada-jirkooda, indhahana ku hayaan dadka kala qaybinaya midnimadooda.

Sidoo kale Siyaasi Axmed Like waxa uu Cod dheer sheegay inaanay waxba ka jirin shidaal baadhista la sheegayo ee laga wado Gubanka Gobolka Saaxil, waxanu shacabweynaha ku baraarujiyey inay il-gaar ah ku hayaan macdan Gurasho lagu qarinaayo shidaal baadhista oo laga wado gobolka Saaxil, gaar ahaana deegaanada shidaal baadhista laga samaynaayo. Siyaasi Axmed Like waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu Khadka Telefoonka ku siiyey Wariye ka Tirsan Shabakadda Warbaahinta Xogreebnews.com, isaggoo ku sugan dalka Ingiriiska. Ugu horey Siyaasi Axmed like waxa waraysigiisaas ku yidhi sidan.

"..Waxan halkan ka salaamaya Dhamaan Bulshada qaranka Somaliland meel kastoo ay joogan, gaar ahaan taageerayaasha bah-weynta Xisbiga Waddani, mar labaad waxan si gaar ah u salamaya bulshada Gobolka Saaxil. Waxan baaq u dirayaa dhamaan bulshada Reer Saaxil, oo aan ku baraarujinaayo inaanu jirin wax shidaal baadhis ah oo laga samaynaayo gobolkaas, ee ay xaaladdu tahay macdan gurasho, la doonaayo in lagu boobo macdanta iyo khayraadka eebbe siiyey Gobolka Saaxil, Waxanan reer Saaxil ku baraarujinayaa inay ilaashadan Macdantooda iyo khayraadka Ciidooda”.

Sidoo kale waxa uu Siyaasi Axmed Xasan Cali sheegay inuu Wasiirka Macdantu ka wado gobolka Saaxil Shirqool uu damacsan yahay inuu ku kala foggeeyo bulshada walaalaha ah ee Gobolkaas eebbe ku wada beeray iyo sidoo kale kuwa wada dhashay ee u kala qaybinaayo, isaggo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Siyaasi Axmed Like.

"…Waxan leeyahay Wasiirka Macdanta iyo tamarta waxaad gobolka Saaxil ka wada shirqool, Ilahay kuma Suur-geliyo. Laakin waanu kula soconaa oo ishaanu ku haynaa qaybinta umadda walaalah ah ee gobolka Ilahay ku uumay, ee dheef iyo wada-noolaanshu ka dhexeeyo aad ku kala fogeynayso adigoo isu adeegsanaya shaqsiyaad waxma garato ah oo beesha kamid ah. Gaar ahaan waxa qorshahaagu yahay inaad Ciise-muuse bari iyo galbeed Colaad dhex-dhigto, oo aad dadkaas wada dhashay xumaan ka dhex-dhaliso.

Sidaas daraadeed waxan baaq qaylo dhaan ah u diraya Bulshada Ciise Muuse inay midnimadooda iyo wada jirkooda oggaadan, xaq-soorkii laga eegeyey ee dadkaas walaalaha ah, ee in loo xaq-sooro wixii shaqo ah ee Gobolkaa, kasoo baxa ee loo sinnaa, wasiirka macdantu wuxuu takooray beesha galbeedka Saaxil, wananka xumahay inaan la siin xaqoodii iyo saamigii ay lahaayeen. Wasiirka Macdantu wuxuu dibeda dhigay oo mashruuca ka qadiyey Laba reer oo laf-dhabar ah oo gobolka Degen kalana ah Beesha Ciise-muuse Galbeed (Aadan Ciise) iyo Beesha Muuse Cabdale, waxan leeyahay raga Ciise Muuse ee la shaqeynaya Wasiirka, waxad ka qayb-qaadateen talo aydaan ogeyn ujeedada laga leeyahay, waxan ugu baaqaya inay faraha kala baxan kala qaybinta Ciise Muuse iyo bulshada kaleba. Walaalaha Ciise muuse galbeed iyo Beesha Muuse Cabdale waxan leeyahay indhaha fura, waxa colaad la idin gelinayaa, cid aydaan iscolaadin weligiin insha alla Maanta u suuroobi-mayso kooxdan uu Wasiirkani hoggaaminayo inay colaad idin kala dhex-dhigaan walaalihiina Maxamed Ciise”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured