Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera oo ku hawlan Shirqoolo Beeleysan oo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi & Wasiir Maxamed Kaahin, Mudaharaadyo lagu dalbanaayo Sii Daynta Boqor Buurmadow iyo dalabka wareejinta Gudoomiyaha Kulmiye…

0
Sunday May 06, 2018 - 02:27:33 in Wararka by
  • Visits: 3020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera oo ku hawlan Shirqoolo Beeleysan oo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi & Wasiir Maxamed Kaahin, Mudaharaadyo lagu dalbanaayo Sii Daynta Boqor Buurmadow iyo dalabka wareejinta Gudoomiyaha Kulmiye…

    Berbera(Xogreebnews)-Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, ayaa muddooyinkii u dambeeyey kaga mashquulay shaqadii loo diray ee fulinta dawladda hoose ee Berbera, kacdoono Beeleysan oo u ku abaabulaayo Xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera(Xogreebnews)-Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, ayaa muddooyinkii u dambeeyey kaga mashquulay shaqadii loo diray ee fulinta dawladda hoose ee Berbera, kacdoono Beeleysan oo u ku abaabulaayo Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi.

Dhaqdhaqaaqyadan lidka ku ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee Xoghayaha dawladda hoose ee Degmada Berbera ku hawlan yahay, ayaa waxa ku weheliya oo isteerinka u haya, wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, kuwasoo labadii todobaad ee lasoo dhaafay mudaharaado ka dhan ah Xukuumadda cusub ka sameeyey deegaanadda bariga Burco iyo gobolka Sanaag, gaar ahaan degmooyinka Caynaba, iyo Ceel afweyn iyo sidoo kale gar-adag. Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera iyo syaasi Maxamuud Xaashi, ayaa ka dalbanaaya Xukuumada cusub inay degdeg xoriyadiisa ugu soo celiso Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo dhowaan Maxkamadda Degmada Hargeysi ku xukuntay shan sanno oo xadhig ah.

Haddaba, aan kala qaadno labadan siyaasi ee dawladda Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi ku abaabulaya kacdoonka Beeleysan, inagoo ku horeyn doono Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi iyo ujeedada uu ka leeyahay kacdoonka beeleysan, isla markaana dambayn doona xoghayaha raad-baradka ku ah Siyaasadda ee weli ku shaqeynayaa amarrada Maxamuud Xaashi.

Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu ham iyo deg leeyahay sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa dumaashada Xisbiga Kulmiye ee gudoomiyenimada, iyadoo uu jagadaas uu Boqor Buurmadow wakiil uga ahaa Maxamuud Xaashi in lagu soo wareejiyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye si u noqdo, waxanu Siyaasi Maxamuud Xaashi caqabad lidku ah hankiisa u arkaa xadhiga Boqor Buurmadow.

Hase-yeeshee waxa wax lala yaabo ah, hab-dhaqanka ka aradda hanaanka masuuliyadeed ee dawladnimo iyo sidoo kale shirqoolada uu faraha kulo jiro xoghayaha dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan cadde oo isaggu jiif iyo joogba diiday tan iyo maalintii xabsiga loo taxaabay Boqor Cismaan aw Maxamuud Buurmadow, kaasoo shalay oo u dambeysay magaaladda Berbera kasoo abaabuley, isla markaana Warbaahinta u kireeyey laba Xildhibaan oo kasoo jeeda Beeshiisa, kuwasoo shalay Magaaladda Berbera ku qabtay shir saxaafadeed ay madaxweynaha iyo xukuumadiisa ugu hanjabayaan, isla markaana ku eedeynayaan garsoorka dalka cadaalad darro iyo cadaawad ku xukumay Boqor Cismaan aw maxamuud Buurmadow, oo isaggu shir kaga qaybgalay Somaliya, isagoo weliba farogelin ku sameeyey arrimaha xuduudaha ee Somaliland iyo ciidamada qaranka.

Qorshahan uu kaga hadliyey labada xildhibaan xoghayaha dawladda hoose ee Berbera, ayaa yimmi kaddib markii sida la sheegay uu kaga fashilmay isku day uu ku damacsanaa inuu dhinaca bari ee magaaladda Berbera xaafadaha Jaama laaye kaga sameeyo mudaharaad ka dhan ah xadhiga Boqor Muurmadow, hase-ahaatee waxa uu arrin kaas sida xoggaha u dhuun-daloola tibaaxeen markii dambe u arkay inuu ku fashilmaayo oo aanu suuro gelay. Waxanu kaddib u bedelay inuu ka hadliyo labadan xildhibaan oo aan weligood shalay ka hor Warbaahinta lagu arag, balse uu shalay soo istaadhay Xoghaye Cabdikariin.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinkan uu qaadayo xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan cadde, ayaa lidku ah qaranimada Somaliland iyo sidoo kale amniga guud ee dalka, sidoo kale, xoghayaha ayaa dagaalkiisan ula ujeedkiisu uu yahay mid ku aadan Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay siyaasiyadda wareejinta jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ay iskaga soo horjeedan Siyaasi Maxamuud Xaashi oo isaggu waqtigii uu awoodda madaxtooyadda ku lahaa shaqada xoghayenimo qoray xoghaye Cabdikariin aadan cadde, isla markaana uu weli xoghayahani kasii joogo dawladdii hore, iyadoo badi xoghayayaasha dawladda hoose ee gobolada qaar kood la bedelay mudadii xukuumadda Muuse Biixi jirtay. Halkan hoose ka daawo Warka labada xildhibaan ee u ka hadliyey xoghayaha dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin aadan cadde.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured