Wasiir Sacad Cali Shire oo Albaabada Usoo Laabay Qorshihii Aqoonsiga Somaliland... Madaxweyne Muuse Biixi Ma Is-badh-qabateyn doona oo Qaranka maka Badbaadin Haadaanta Lagu Riday?. Isbarbar dhig Lagu Gorfeyn doono Meeqaamadii Diblumaasiyadeed ee Xukuumadihii UDUB iyo Kuwan KULMIYE...?.

0
Wednesday June 06, 2018 - 06:09:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Sacad Cali Shire oo Albaabada Usoo Laabay Qorshihii Aqoonsiga Somaliland... Madaxweyne Muuse Biixi Ma Is-badh-qabateyn doona oo Qaranka maka Badbaadin Haadaanta Lagu Riday?. Isbarbar dhig Lagu Gorfeyn doono Meeqaamadii Diblumaasiyadeed ee Xukuumadihii UDUB iyo Kuwan KULMIYE...?.

    Wasiir Sacad Cali Shire oo Albaabada Usoo Laabay Qorshihii Aqoonsiga Somaliland... Madaxweyne Muuse Biixi Ma Is-badh-qabateyn doona oo Qaranka maka Badbaadin Haadaanta Lagu Riday?. Isbarbar dhig Lagu Gorfeyn doono Meeqaamadii Diblumaasiyadeed ee Xuku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Sacad Cali Shire oo Albaabada Usoo Laabay Qorshihii Aqoonsiga Somaliland... Madaxweyne Muuse Biixi Ma Is-badh-qabateyn doona oo Qaranka maka Badbaadin Haadaanta Lagu Riday?. Isbarbar dhig Lagu Gorfeyn doono Meeqaamadii Diblumaasiyadeed ee Xukuumadihii UDUB iyo Kuwan KULMIYE...?.
Hargeysa(Xogreebnews) Tan iyo markii ay Jamhuuriyadda Somaliland lasoo noqotay madax banaanideeda, waxa jiray dariiqooyin badan oo loo marayey raadinta aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho beesha Caalamka. Ilaa haatan oo ay Somaliland yeelatay madaxweynihii shanaad oo doorasho shacab ku yimi, isla markaana xukuumaddii shannaad soo dhisay, may dhicin wax la taaban karo, oo ah inaan la keenay aqoonsiga Somaliland. 
Haddana iyadoo maalinba ay meel taagan tahay, waxa biyo kama dhibcaan ah in Siyaasadda arrimaha dibeda ee Somaliland hoos u dhac weyni ku yimi ilaayo Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, halka Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ee haddanu mudada yar ay joogtay albaabadu usoo xidhmeen Siyaasadii dibeda ee loo baahnaa inay korto, isla markaana ahayd qorshaha koowaad ee qaranka Somaliland leeyahay inuu hellaana tahay daruuri lagama maarmaan ah.
Wasiirka arrimaha dibada ee hadda xilka hayaa Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu saddex sano oo Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo-na hayey isla xilkan, mudadaas afarta sanno ah Siyaasadda dibeda ee Somaliland waxay gaadhay meeqaamkii ugu hooseeyey ee abid aanay Somaliland gaadhin dhinaca dibeda. Ma jirto intii uu Wasiir Sacad Cali Shire hayey xilkaas wax saaxibtimo cusub oo dalkan aqoonsiga raadinayaa la sameeyey dal Kamid Dawladdaha aduunka, wax usoo kordho iska daayo waxa kala yaacay oo aan la hayn saaxiibadii koobnaa ee Somaliland ku lahayd wadamada aduunka qaaradihisa, sidoo kale ma jirto dal ama gole Baarlamaan oo Kamid ah Dawladda jira oo ka dooday aqoonsi la siiyo qarankan qaan-gaadhay. 


Hadii aan is yara Barbar dhigno heerka Siyaasadda arimaha dibeda Somaliland hada marayso Axdigan KULMIYE iyo heerkii ay taagnayd xilligii Xukuumadihii UDUB. Waqtigii Madaxweyne Marxuum Cigaal dalka hoggaaminaayey waxay Somaliland ahayd dal iyadoon la aqoonsan hadana Dawladdo aqoonsi haystaa Siyaasada manqadaqa u daba fadhiistaan Somaliland, sidoo kale xilliyadaas Siyaasada dibeda ee Somaliland waxa hoggaaninaayey wasiiro kasoo kala jeeda beelaha darafyada Somaliland si sumcada qaranimo u Iibsanto.
Xukuumadii Madaxweyne Riyaale waxay siyaasada aqoonsi raadinta Somaliland gaadhsiisay meel aad u meeqaam saraysaa, waxay culeys xoogan saartay aqoonsi in gacanta lagu soo dhigo, dalal badan oo dunida Kamid ahna waxay la samaysay cilaaqaad diblumaasiyadeed oo heer caalamiya, saaxibo kala duwan waxay ku lahayd Baarlamaanada Yurub iyo America, iyo sidoo kale dalal badan oo Africo ah, hase-yeeshee nasiib dawladaasi umay helin inay keento, waxse may hagran itaalkeedii. 
Xukuumadii Åxmed Siilaanyo ee Kulmiye, waxay talaabo-talaabo usoo laa laabtay saaxibtimadii Dawladdaha dunida iyo Somaliland u dhaxaysay, iyadoo Siyaasadii dibeda kusoo ururisay wadahadalo ma dhalays ah oo ay kolna joojiso kolna la furato dawlada sallaanka siibatay ee Somalia.
Hadaba, duruufaha Maanta ee haysta Somaliland ee dhinaca Siyaasadda dibaddu waa fadeexado maamul oo dul hogganaaya Wasiirka arrimaha dibeda Sacad Cali Shire oo ah masuul marka Xaqiiiqada laga hadlaayo albaabada usoo xidhay qorshihii dheeraa qaranka Somaliland lahaa ee aqoonsiga. Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu dhamaan soo xidhay xafiisyadii diblumaasiyadeed ee dibed, manuu samayn wax uu ku bedesho ama dariiqyo.
Hadaba Akhriste sideebu ku iman karaa aqoonsi? s'e wadaadaas sideebaynu cagta ula helnaa mar kale?. Way fududahay jawaabtaasi waana isbedel uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku sameeyo Siyaadada dibeda. Maxaa lagu helaa aqoonsi.
Aqoonsi (Recognition): Sida lawada ogsoonyahay bilogwii qarnigii 20aad waxaa ka jiray dunida tiro aan ka badnay 50 wadan, dagaalkii labaad hortii yarna wadamada dunida laga aqoonsanyahay waxay gaadheen 75 wadan, balse sanadkii 2005 wadamada dunida waxay madaxa la galeen 200 oo dawladood. Isbedeladaa abuuritaanka wadamada cusubi waxa uu muhiim ka dhigay erayga aqoonsi oo aan hore macna buuran ku fadhiyi jirin. Macnaha ugu muhiimsan ee kelmadan lagu macneeyaa waxa uu yahay " Habka dawlad ama wadan hore u jiray uu ku qaabilo wadan cusub oo ku soo biiray bulshada caalamka, iyadoo loola dhaqmaayo shaqsiyad qaanuuni ah (personal entity) oo laga ogolyahay sharciga aduunka” (The Recognition of States T.D. Grant 1999)
Markaa  si  looga  sii  foojignaado  dulaankaa  siyaasiga  ah  ee  Duwelka  jaarkeena  qaar  damacsan  yihiin  waa  in  aan  helaa  qorshe  cad  (Definate  Articles  Of  Foreign  Policy),  Ama  ay  umadeenu  uga  bad-baadaan  sharka  ka  aloosma  hinaasaha  horumarka  Somaliland. La soco Faallada Shabakada Xogreebnews.com. qormadani waa taxane todbaadkii laba jeer, hadii eebbe idmo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured