Dib U Milicsiga Khubad Uu Marxuum Madaxweyne Cigaal Ka Jeediyey Dacar-budhuq:-" Nin Ciise Muuse Ah Ayaa Dalka Ka Madaxweyne Ka Wax Siyaaddo Ah Oo Aad Ku Helaysaan Ma Jirto.."

0
Thursday June 21, 2018 - 02:07:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib U Milicsiga Khubad Uu Marxuum Madaxweyne Cigaal Ka Jeediyey Dacar-budhuq:-" Nin Ciise Muuse Ah Ayaa Dalka Ka Madaxweyne Ka Wax Siyaaddo Ah Oo Aad Ku Helaysaan Ma Jirto.."

    "Dhaxal Idiinka Dhigimaayo Inay Madaxnimadaydu Idin Dhaxal Siiso In Aad Berito Marka Aan Dhaco Aad Caalamka Dawarsataan Oo Somaaliland Inteeda Kale Idinla Colowdo Oo Ay Yidhaah-Daan, Waa Kuwii Waa Kuwii.." Marxuum Cigaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhaxal Idiinka Dhigimaayo Inay Madaxnimadaydu Idin Dhaxal Siiso In Aad Berito Marka Aan Dhaco Aad Caalamka Dawarsataan Oo Somaaliland Inteeda Kale Idinla Colowdo Oo Ay Yidhaah-Daan, Waa Kuwii Waa Kuwii.." Marxuum Cigaal
Hargeysa (Xogreebnews.com )- Alle ha-unaxariitsee Madaxweynihii Labaad ee Somaliland Marxuum Cigaal, ayaa sanadki 2001 bishii tobnaa dabayaaqadeed khudbad uu ka jeediyey magaalada Dacar-budhuq, si gaar ah ugula haddlay Beesha uu ka dhashay, isagoo Tusaale wax ku ool ah usoo qaatay.
Marxuum Madaxweyne Cigaal ayaa sanadki 2001 bishii tobnaad mar uu khudbad ujeediyey dad weynaha reer Dacar-budhuq, waxa uu u sheegay in aanay wax dheeraad ah ku helayn Madaxweynaha in ay isku hayb-yihiin , isagoo hoosta ka xariiqay in aanu dheg xumo dhaxal siin doonin beeshiisa marka uu kursiga ka kaco.
Waxaana kamid ahaa khudbadasi hal ku dhigayadan  "Waxaan marka danbena idiin sheegayaa waxaan ahay nin Ciise Muuse ah , waxa la isla wareegayaa la diinla imanayaa rag baas oo belaayo wadda , Ninkaasi wuxuu yidhaa Ciise Muuse xaqiisii anaa u qaaday, markaa xaq kale dalka kuma leh oo iyagu xaq kale kuma leh, ayaa la yidhaah Been weeye, waxay ku leeyihii Beelaha kale Xaqay Somaliland ku leeyihiin ayaad idinkuna ku leedihiin , haddii aad Ciise Muuse tihiin.’…
Waxa kale oo Marxuum Madaxweyne Cigaal u sheegay Beeshiisa in aanay wax dheeraad ah ku helayn ina Cigaal ayaa dalka Madaxweyne ka ah , isla markaana aanay ku waayeyn xaqooda "Ina Cigaal-baa Somaliland ka madaxa xaq idinkaga lumayaa ma jiro, lakiin waxa kalood ogataan waxa siyaaddo ah oo kale aad ku helaysaan nin Ciise Muuse ah ayaa dalka ka madax- ah Wax siyaaddo ah oo aad ku halaysaan ma jirto …”.. Ayuu kamid ahaa haddaladii Marxuum Cigaal.
Dhanka Kalena Marxuum Cigaal ayaa khudabiida ku sheegay in aanu dheg-xumo dhaxal siinaynay Beeshiisa marka uu kursiga ka kaco,"Dhaxal idiinka dhigimaayo inay madaxnimadaydu idin dhaxal siiso in aad Berito marka aan dhaco  aad caalamka dawarsataan oo Somaaliland inteeda kale idinla colowdo oo ay yidhaah-daan, waa kuwii waa kuwii, waa kuwii ay idin yidhaah-daan idin dhaxal siin maayo, taas..”….


Docda Kalena Waxa uu ku sheegay Marxuum Cigaal khudbadiisa  inuu dhaxal siin-doona Beeshiisa ..."Waxaan idin dhaxal siinayaa Somaliland qaran la yidhaa-do oo aad kamid tihiin o weliba abaal weyn abaal weyn idiin haya in aad qayb weyn oo cidkale ka qaadan aad ka qaadateen dhismihii  Qarankan iyo dhismihii dalkan, waxaan leeyahay hambal-yo,Ciise Muuse haddii aad tihiin hambalyo…” Ayuu yidhi  Marxuum Cigaal 

Waxa kale oo kamid ahaa khudbaasi Marxuum Cigaal uu ujeediyey bulshada reer Dacar-budhuq "Waxaan ogahay kontan Sanno ayaan siyaasad ku jiray oo aan dad u telinayey, waxaan ogaaday gobanimada waxa la yidhaah-do waxay tahay gobanimadu mahaa anna farabadan , gobanimadu maaha annigaa cid kale ka adag, gobanimadu waxa weeye cidii lala noolaan karro ee lagu dhex noolaan karro  ee nabad iyo wanaag iyo walaal-nimo lagula wada joogi karro weeye,, waxaan leeyahay gobta Somaliland waa Ciise Muuse ..”…


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured