Gudoomiye Ku-xigeenka X. Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen oo Madaxweyne Muuse Biixi ku Hambalyeey Soo Celintii Haamaha iyo Madaarka, "... Shalay Madaxweynuhu waxa uu qaaday Tallaabo Geesinimo leh, oo u kusoo celinayey sharaftii iyo karamadii dawladnimo ee aynu lahayn". Md. Shucayb Cabdilahi Xuseen

0
Monday August 13, 2018 - 04:58:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Ku-xigeenka X. Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen oo Madaxweyne Muuse Biixi ku Hambalyeey Soo Celintii Haamaha iyo Madaarka, "... Shalay Madaxweynuhu waxa uu qaaday Tallaabo Geesinimo leh, oo u kusoo celinayey sharaftii iyo karamadii dawladnimo ee aynu lahayn". Md. Shucayb Cabdilahi Xuseen

    Gudoomiye Ku-xigeenka X. Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen oo Madaxweyne Muuse Biixi ku Hambalyeey Soo Celintii Haamaha iyo Madaarka, "... Shalay Madaxweynuhu waxa uu qaaday Tallaabo Geesinimo leh, oo u kusoo celinayey sharaftii iyo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Ku-xigeenka X. Kulmiye ee Toronto Shucayb Cabdilahi Xuseen oo Madaxweyne Muuse Biixi ku Hambalyeey Soo Celintii Haamaha iyo Madaarka, "... Shalay Madaxweynuhu waxa uu qaaday Tallaabo Geesinimo leh, oo u kusoo celinayey sharaftii iyo karamadii dawladnimo ee aynu lahayn". Md. Shucayb Cabdilahi Xuseen
Canada(Xogreebnews)- Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga tallada haye ee Kulmiye laantiisa Toronto Md. Shucayb Cabdilahi Xuseen, ayaa si weyn Madaxweynaha qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ugu Hambalyeey talaabadii uu Shalay gacanta Dawladda dib ugu soo celiyey Hantidii siffaha sharci darada ah Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo Shirkado iyo ashkhaas gaar ah ku naas-nuujisay.
Gudoomiye Shucayb Cabdilahi Xuseen, waxa uu talaabadas lagu soo celiyey Haamaha Shidaalka Berbera iyo waaxda amniga Madaaradda uu ku tilmaamay go'aan geesinimo leh oo Taarikhdu xusi doonto. Waxa kaloo uu intaas raaciyey oo u Madaxweynaha ka Codsaday inuu goobo kale oo qaranku lahaa dib iyana gacanta dawladda ugu soo celiyo. 
Dhinaca kale, gudoomiye Shucayb waxa uu hambalyo u diray guddidii sharafta lahayd ee soo xaliyey khilaafkii Beelaha walaalaha ee lagu soo afjaray Ceel-af-weyn, waxanu ku tilmaamay guddidaas inay yihiin kuwo qaranka Somaliland u duceeyey. Sidaasna Gudoomiye Shucayb Cabdilahi Xuseen waxa uu ku sheegay waraysi kooban oo u khadka telefoonka ku siiyey bahda Shabakada Xogreebnews.com,  isagoo ku sugan dalka Canada, gaar ahaan Magaalada Toronto.
Ugu horayn Gudoomiye Shucayb Cabdilahi Xuseen, waxa uu bogaadiyey go'aankii saxda ahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi ku talaabsaday Shalay, isagoo arrimaha ka Hadlaya waxa uu yidhi, ".. Shalay Madaxweynaha qaranku waxa uu qaaday tallaabo geesinimo leh, oo u dib ugu soo celinayey sharaftii iyo karamadii dawladnimo ee aynu lahayn, runtii talaabadaas madaxweynuhu kusoo čeliyey Haamaha Shidalka iyo Madaarka, waan Hambalyeynayaa oo Madaxweynaha waanka filaynay, Ilahayna haka abaal mariyo, wuxuu qaaday talaabo baahi weyn loo qabay".
Sidoo kale Gudoomiye Shucayb Cabdilahi Xuseen, waxa uu Madaxweynaha ku dhiiri-geliyey inuu halkaas kasii wado talaabooyinka noocan oo kale ah, waxanu ka Codsaday inuu Hayaaddo badan oo dawladdu lahayd dib gacanta qaranka loogu soo celiyo, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, "... Madaxweynuhu waa shaqsi qiimo badan, waxanan ka filaynaa inuu halkaas kasii wado, talaabooyinkan saxda ah, isla markaana waxa kaloo qaranka ka maqan, inuu soo celin doono, insha Alla ilahayna haku garab galo, guul umadda usoo hoyatay ayuu horaanteedii ku dhaqaaqay".
Gebo-gebadii Gudoomiye Shucayb Cabdilahi Xuseen, waxa uu bogaadiyey ergadii soo afjartay shaqaaqadii Ceel afweyn, waxanu yidhi, ".. Waxan doonaya inaan halkan hambalyo uga diro ergadii sharafta badan lahayd ee iskugu jirtay Labeentii qaranka Somaliland ee kusoo guuleystay shaqaaqadii Ceel afweyn, Ilahay haka Abaal mariyo".




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured