Madaxweyne Muuse Biixi Mushkiladihii uu Ka Dhaxlay Saaxiibkii Iyo Kuwa Uu Is-dhaxalsiiyey Dalka Siduu Uga Saari-karaa?. Faallo Cabdicasiis Bashiir Nuur

0
Monday October 22, 2018 - 03:33:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Mushkiladihii uu Ka Dhaxlay Saaxiibkii Iyo Kuwa Uu Is-dhaxalsiiyey Dalka Siduu Uga Saari-karaa?. Faallo Cabdicasiis Bashiir Nuur

    Madaxweyne Muuse Biixi Mushkiladihii uu Ka Dhaxlay Saaxiibkii Iyo Kuwa Uu Is-dhaxalsiiyey Dalka Siduu Uga Saari-karaa?. Faallo Cabdicasiis Bashiir Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Mushkiladihii uu Ka Dhaxlay Saaxiibkii Iyo Kuwa Uu Is-dhaxalsiiyey Dalka Siduu Uga Saari-karaa?. Faallo Cabdicasiis Bashiir Nuur
Aqlabiyada shacabka Jamhuuriyada Somaliland waxay bishii November 2017-kii u dareereen doorashadii Madaxtooyada, waxanay u doorteen inuu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay filayeen inuu ka saaro mukhkilado Kala duwan iyo marxaladihii siyaasadeed, dhaqaale iyo qabyaadeed ee uu dalku wakhtigaasi ku jiray. Ha ugu weynaato caqabadihii dhinaca Siyaasada, Sicir bararka ee uu ka dhaxlay xukuumadii saaxiibkii/macalinkiisii siyaasada Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo isagu dalka kusii sagootiyey duruufo badan.
Hase yeeshee, Madaxweyne Muuse Biixi markii uu aqlabiyada shacabka Somaliland codkoodii helay, noqdayna Madaxweyne la doortay kamuu dhabbay dhaartii, isla markaana muu qaadin dariqii umadda uu hoggaamiyaha u yahay uu ku middeyn lahaa, hase-yeeshee waxa qaaday dariiq lamid ah Dab, Gaas lagu shubay. Kaddib markii uu soo dhisay Xukuumada aanu dhalin Xisbiga Kulmiye oo ay ka madhan yihiin Hal-gamayaashii guusha ku suntanaa, sidoo kalena aan ka iman dhinaca Mucaaridkii kasoo hor-jeeday, isla markaana aan ahayn Dad Miisaan Siyaasadeed, maamul iyo aqoon dawladeed midna lahayn, taas bedelkeeda u badnaa dhalinyaro curdin ah oo xataa qaarkood aanay weligoodba shaqo noocay tahay soo qaban iyo koox yar oo faro-ku tiris ah oo iyanna aan ku fiicnayn ama hoodo Siyaasadeed ku lahayn Mansabyada dawlada uu ku taxay xilalka Xukuumadiisa.
Waxana tallaabadii u horraysay ee soo dhisitaanka Xukuumadiisa Madaxweyne Muuse Biixi kaga soo noqday fal celin iyo saluug dhinac walbaa ah, waxanay shacabkii dawo doonka ahaa ee doortay ku dhacay argagax iyo inay qiimayn Kari waayeen habka xulashada hogaamiyihii cusbaa, Maxaa yeelay?. Dhismaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi mid Beeleed lagu qanco muu ahayn, sidoo kale muu ahayn mid xulashadiisu tahay aqoon iyo yaa wax kusoo kordhi Kara dalka.
Aragtida waqtigaas ay ka bixiyeen bulshadii Mucaaridka ku ahayd Madaxweyne Muuse Biixi waxay iyaggu qaateen colaad, Maxaa yeelay waxay u arkeen dhismaha Xukuumada Madaxweyne Muuse mid lagu bartilmaameedsaday beelihii aan codka siin. Sidoo kale waxa iyanna argagax ku dhacay shacabkii doorashada sufuufta u galay, ee iyaggu Madaxweyne Muuse Biixi ugu Codeeyey waxaad doorateen hogaamiye Adag oo dalka wax ka badala, isla markaana Somaliland u horseeda walaalnimo iyo horumar taaba gala.
Haddaba, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu hadda kursiga ku fadhiyaa ku dhawaad sanad, dadkii doortayna qaar badanbaa farta dhexda ka qaniinsan, kamana hayaan isbadalkii ay Madaxweynaha ka filayeen wax ka duwani uu soo baxay.  Intaaba waxa ka sii daran Madaxweyne Muuse biixi marxalad uu dalka ka saaro iska daaye wuxuuba dalka uu sii galiyey xaalado kale isagoo maalmihii ugu horeeyey ee mudo xileedkiisaba ay xukuumadiisu kordhisay qiimihii biyaha iyo roodhidii oo xukuumadihii hore ee ka horeeyey ay ka xishoon jireen inay kordhiyaan qiimaha Roodhida iyo Biyaha yare e dawladu maamusho ee aan shacabka wada gaadhin. 
Sidoo kale oo ay rummaysan yihiin dadkii doortay Muuse Biixi oo ka markhaati kacayaan inuu Madaxweynuhu uu leeyahay sababta ay dalka kaga samaysmeen jabhado iyo qabqablayaal dagaal oo cadowga Somaliland kusoo hoos-gaban-karo, isla markaana dhaxal-siin karaa amni xummo wiiqda sharaftii Somaliland ka iibin jirtay Beesha caalamka.
Hadaba miyaan La odhan karin mar ayuu Muuse Biixi badd galay (khatar siyaasadeed) isagoo musharax ah, mar labaadkiina Somaliland ayuu badd-galiyey markii uu Madaxweyne noqday.
Markii uu Muuse Biixi badda siyaasadeed uu galay ayaa ahayd bishii July sanadkii 2014-kii oo uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharaxa xisbiga Kulmiye oo uu xisbiga gudihiisa kula tartami doono Macalinkiisii siyaasada Axmed Siilaanyo oo isagu wakhtigaasi aan cadayn inuu ka tanaasulay muddo xileedkiisi labaadkii (second Term) ee musharaxnimadiisa.
Waxaanu Muuse Khatartaasi siyaasadeed uu kaga baxay markii uu ogaaday in Madaxweynihii hore Siilaanyo aanu awoodi karin duruufo shakhsi awgeed inuu mar kale u tartamo hanashada Madaxtinimada Somaliland, sidaa darteedna uu Muuse Biixi uu mar kale ku dhawaaqay in aanu isla sharaxayn Madaxweyne Siilaanyo ilaa inta uu haakah odhanayo, sidaana ay Muuse laftiisa kaga jabtay xumadii iyo dagaalkii ay kusoo qaadeen xulufkii Xukuumadii Kulmiye ee xiligaas.
Madaxweyne Muuse Biixi markii Somaliland uu badda galiyey muxuu u keeni waayey xalkii uu kaga dabaalan lahaa kala qaybsanaanta bulshada ku timid markii uu Madaxweynaha u noqday, Su'aashaas jawaabteeda bulshada laga suggaya.
Teeda kale, Dadka ka faallooda arrimaha maamul wanaaga iyo sida lagu mideeyn Karo umadda qaybsan ee reer Somaliland, ayaa ku doodaya inuu weli jaanis haysto Madaxweyne Biixi, waxanay ku doodayaan inuu xalku jiro inuu is badh-qabto soona dhiso Xukuumada cusub oo koobsata labeenta Somaliland, sidoo kalena xagga saamiga Beeleedna uu cadaalad ku qiimmeeyo, diirada ku saaraya aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta tunka waaweyn. 
Faallo Cabdicasiis Bashiir Nuur 
Tifaftiraha Shabakadda Xogreebnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured