Mashruuca Biyo-balaadhinta Hargeysa oo Madaxtooyaddu ka Hoos-saartay Wasaarada Biyaha Iyo Fadeexado Hadheeyay Koox Dhalinyaro Maareeyaha Wakaaladu Hor-kaacayo oo Hayb ahaan lagu siiyey Mashruucan 10-ka Milyan+ Cabsi laga Qabo inuu Fashilmo sidii kii Xumbo-weyne....

0
Wednesday October 31, 2018 - 04:03:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mashruuca Biyo-balaadhinta Hargeysa oo Madaxtooyaddu ka Hoos-saartay Wasaarada Biyaha Iyo Fadeexado Hadheeyay Koox Dhalinyaro Maareeyaha Wakaaladu Hor-kaacayo oo Hayb ahaan lagu siiyey Mashruucan 10-ka Milyan+ Cabsi laga Qabo inuu Fashilmo sidii kii Xumbo-weyne....

    Mashruuca Biyo-balaadhinta Hargeysa oo Madaxtooyaddu ka Hoos-saartay Wasaarada Biyaha Iyo Fadeexado Hadheeyay Koox Dhalinyaro Maareeyaha Wakaaladu Hor-kaacayo oo Hayb ahaan lagu siiyey Mashruucan 10-ka Milyan+ Cabsi laga Qabo inuu Fashilmo sidii kii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruuca Biyo-balaadhinta Hargeysa oo Madaxtooyaddu ka Hoos-saartay Wasaarada Biyaha Iyo Fadeexado Hadheeyay Koox Dhalinyaro Maareeyaha Wakaaladu Hor-kaacayo oo Hayb ahaan lagu siiyey Mashruucan 10-ka Milyan+ Cabsi laga Qabo inuu Fashilmo sidii kii Xumbo-weyne....
Hargeysa(Xogreebnews)-Mashruuca Biyo-balaadhinta caasimada Somaliland ee Hargeysa, oo ay maalgelinayaan Baanka Horumarinta Jarmalka ee KFW, ayaa durba la kowsaday fadeexado iyo tuhuno laga cabsi qabo in la musuq-maasuqo mashruucan oo lagu qaatay dhaqaale gaadhaya 10 Milyan oo Dolar, kaddib markii mashruucan lagu naas-nuujiyey koox dhalinyaro ah, oo ay isku hayb yihiin Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
Mashruucan, oo in muddo ah socday, ayaa shaqsiyaad awood dheerada ku dhex-leh qasriga Madaxtooyaddu, gabi-ahaanba ka hoos-saareen Wasaaradda Biyaha Somaliland, isla markaana hoos-geeyeen Wakaalada Biyaha Hargeysa, oo maareeye uu ka yahay Wiil ay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi xidid iyo xigaal yihiin.
Mashruucan ay bixisay dawlada Jarmalku, islaa markaana loo gacan-geliyey urur sameys ah oo ay xubno ka yihiin shaqsiyaad isku beel ah iyo xubno Jarmal lagu sheegay oo cadaan ah, kuwasoo loogu magac-bixiyey inay yihiin Shirkadda la talinaysa wakaaladda Biyaha Hargeysa yihiin Laguna magacaabo CES.
Dhacdada layaabka leh ee fadeexadda ku ah hannaanka dawladnimo, ayaa ahayd markii shalay 30-kii October, heshiiska Mashruuca ay Kala saxeexdeen Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa  Maxamed Daarood iyo Shirkad shaqsiyaad lagu naas-nuujinayo oo lagu magacaabo Ludwig Faayfar. Iyadoo goobtii heshiiskaasi ka dhacayna uu daawade shicib ah ka ahaa Wasiirka  Horumarinta Biyaha Saleeban Cali Koore.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa isaggu ah shaqsiga koowaad ee lagu naas-nuujinaayo mashruucan, maadaama oo u hayb ahaan Madaxweynaha isku raas-yihiin, sidoo kalena ay Eedo u tahay Mid Kamida labada Marwo ee Madaxweyne Muuse Biixi. Waxanu maareeyahan u magacowday Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee hore, hase-yeeshee Madaxweyne Muuse Biixina kaga xishooday xigaal iyo xididnimo. Iyadoo aanay jirin haba-yaraatee wax aqoon ah oo u leeyahay Biyaha.
Mashruucan Biyo balaadhinta caasimadda, ayaa laga cabsi qabbaa inuu lamid noqdo mashruucii hore ee fashilmay Xumbo-weyne, oo ay isna dawladii hore Åxmed Siilaanyo ku naas-nuujisay xulufo qoyskiisi Kamid ahaa.
dhinaca kale, xoggaha la xidhiidha in qorshahan Madaxtooyadda qandaraaska la siiyey shirkadan loo samaystay mashruuca, ayaa waxa caddeyn u ah qoraal uu agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile 3-dii Jun ku baahiyey bartiisa Facebook, kaasoo uu ku sheegayey in ay Madaxtooyadda dhex-deeda tartan ugu qabteen Shirkado ku tartamaayey biyo balaadhinta caasimada,  qoraalkas agaasime Maxamed Cali Bile, ayaa u dhigan sidan.
"...3-dii Jun 
In bulshadu hesho biyo nadiif ah oo dadku qiime macquul ah ku iibsadaan waxa ay ka mid tahay arimaha ay xukuumaddu xoogga saarayso. Waxa maanta la soo gabagabeeyey dalabyaddii ay soo qorteen shirkadaha u tartamaya mashruuca biyo ballaadhinta Caasimadda Hargeysa. Mashruucaasi marka uu hirgalo, wax badan ayuu ka tari doonaa nolosha bulshada caasimadda ku dhaqan gaar ahaan dadka dhaqaalohoodu hooseeyo".
La soco xogo daaha ka faydaya musuq-maasuqa iyo fadeexaha kasoo ifbaxaaha Mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa shabakada Xogreebnews.com Kala soco.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured