"Faro-gelinta Xeerka Saxaafaddu, Waa Arrin ku Kooban 10 Shaqsi oo Madaxweynuhu Adeer u yahay". Wariyaha Ruug-cadaaga ah Maxamed Cabdi "Curad"

0
Monday November 12, 2018 - 04:27:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Faro-gelinta Xeerka Saxaafaddu, Waa Arrin ku Kooban 10 Shaqsi oo Madaxweynuhu Adeer u yahay". Wariyaha Ruug-cadaaga ah Maxamed Cabdi "Curad"

    "..Hebelladii Weerka Cas madaxa ku xidhan jiray marka lasoo hadal-qaado Xeerka Saxaafadda ayaa Maanta Daahir-yaa-shamis kolkii adeerkood Madaxweyne noqday usoo biyeysteen sidii Xeerka looga dhigi lahaa shaadh Muuse Biixi xidho inta uu madaxweyna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Hebelladii Weerka Cas madaxa ku xidhan jiray marka lasoo hadal-qaado Xeerka Saxaafadda ayaa Maanta Daahir-yaa-shamis kolkii adeerkood Madaxweyne noqday usoo biyeysteen sidii Xeerka looga dhigi lahaa shaadh Muuse Biixi xidho inta uu madaxweynaha yahay". Suxufi Maxamed Cabdi Guuleed "Curad"

London(Xogreebnews)-Gudoomiye ku-xigeenkii hore Ururka Solja Maxamed Cabdi Guuleed "Curad” ayaa ka digay faro-gelin kasta oo ka dhan ah Xeerk Saxaafadda Somaliland, isla markaana ku tilmaamay olollaha lagu doonayo waxka bedelka iyo kaabista in lagu sameeyo hadda mid ay dabada ka riixayaan 10 shaqsi oo madaxweynaha isku hayb yihiin, kuwaasoo ujeedadoodu tahay inay ceebaha Xukuumada ku asturaan la dagaalanka Xoriyatul-qawlka iyo cabudhinta Saxaafadda.

Gudoomiye Maxamed Cabdi Guuleed "Curad” oo hada ku sugan dalka Ingiriiska, waxa kaloo uu fariin adag u diray Barlamaanka Somaliland, Asxaabta Qaranka, Siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo guud ahaan Saxaafadda Somaliland. Gudoomiye Curad oo Xalay u waramaayey Shabakadda Xogreebnews.com, waxa bayaankiisa dooda Xeerka Saxaafaddu u dhignaa Sidan.

"Mudooyinkan dambe waxa Warbaahinta Somaliland kusoo noq-noqonaayey, hadal-hayn ku saabsan Xeerka Saxaafadda Somaliland, kaasoo sheegayey ama tilmaamayey in waxka bedel iyo kaabis lagu sameynaayo Xeerka, loona gudbinaayo golaha Wasiiradda, si kolkaa kaddib madaxweynuhuu ugu gudbiyo golaha wakiiladda.

Waxa kaloo intaa raaca dodo ku saabsan Xeerka Saxaafadda oo ay ku tiraabayeen dadkii ama shaqsiyaadkii gadh-wadeenka ka ah, mashruuca Xeerka Saxaafadda soo galay, kuwasoo sheegayey ama daliishanayey in Xeerka Saxaafadda Somaliland, Xeer nomb 27/2004, uu qabyo yahay, isla markaana aanu ka turjumayn baahida Waraahineed ee dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in Xeerka waxka bedel iyo kaabis lagu sameeyo.

Haddaba, anigoo ka duulaya qodobka 32-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo si cad u kafaala-qaaday Xoritul-qawlka iyo qoraalka, sidoo kale anigoo maanka ku haya jiritaanka horumarinta iyo kobcinta Saxaafadda Xorta ah oo lagama maarmaan u ah tarjumaada dhabta ah ee xoriyatul-qawlka iyo dimuquraadiyadda curdinka ah ee Somaliland, waxan u arkaa oloolaha ku socda Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Maanta midku kooban 10 shaqsi oo isku reer ah, kuwasoo shalay iyo doraadba qaybka ahaa, oloolihii Xukuumadihii Siilaanyo iyo Daahir Riyaale lagaga hor-joogsaday faro-gelinta Xeerka Saxaafadda. Waxa’se wax lala-yaabo oo laga xishoodo ah in hebelladii Weerka Cas madaxa ku xidhan jiray marka lasoo hadal-qaado Xeerka Saxaafadda ay Maanta Daahir-yaa-shamis kolkii adeerkood Madaxweyne noqday ay usoo biyeysteen sidii Xeerka looga dhigi lahaa shaadh Muuse Biixi xidho inta uu madaxweynaha yahay, kolkay arkeen duruufaha iyo xaaladaha cakiran ee warbaahintu subax walba soo tabinayso, waxay odayaasha la noqotay si ay ceebta Madaxweynaha adeerka u ah u asturaan inay warbaahinta ka xakameeyan.

Teeda kale, waxa iyanna mucjiso noqotay goortay isku milmeen Ururkii Saxaafadda Madaxa-banaan ee SOLJA, Wasaaradda Warfaafinta iyo Sonsof, oo iyaggu hada ku hawlan mashruuca Saxaafadda lagu cabudhinayo.

Waxa kaloo dooda kooxdan ku jiray inuu xeerka saxaafaddu uu qabyo yahay, balse horaa loo yidhi Hal-diidani Geeday ku xoqoto ma waydo, Xeerka Saxaafadda Xeer nomb 27/2004, ilaa Xukuumadii Madaxweyne Riyaale wixii ka dambeeyey maha Xeer shaqeeyey oo la tijaabiyey, xeerkana waxa la ogaan kara inay waxka dhiman yihiin ama uu kaabis u baahan yahay marka uu shaqeeyo ee la tijaabiyo, sidaas darteed maha Xeerka Saxaafaddu mid faafin galay oo lagaga shaqeeyey garsoorka, intii mudadaas ahayd ee Xeerkani jiray dhamaan Kisaaskii Saxaafadda ee dhacay, waxay Maxkamaduhuu u raaceen Xeerka Ciqaabta guud, halka Xeerka Saxaafaddu dhigayo in Kiisaska Saxaafadda lagu galo ay yihiin kuwo madanigi ah.

Sidaas daraadeed Ragga ku doodaya Saxaafaddu cidbay ku gefta, kolka dambena way qayliyaan,waxay ilowsan yihiin ileyn waa rag Jibbo reernimo qaadee’ inaanay jirin dunida Baarlaman Xeer Ciqaabeed sameeya, hase-yeeshee Hay’addaha sharci dejintu waxay sameeyan habka ama nidaamka dambiga lagu galo ama keena kolka la raaco. Iyadoo aynu ognahay faro-gelinta qaawan ee joogtada ah ee Hayaddihii bulshada rayidka qaarkood, waxa cidkastoo arrimahani khuseeyan la gudboon inay u hiiliyaan Xoritul-qawlka iyo madax-banaanida Saxaafadda Somaliland, arrinkaasoo aanu ku koobnayn Warkiisu Saxaafadda oo keliya, hase-yeeshee taabanaya Xildhibaanada Barlamaanka, Siyaasiyiinta, asxaabta iyo aqoonyahanka ee jecel inay fikradahooda ka dhiibtaan Xaaladda Siyaasadeed iyo tan amniga ee dalka, arrintaas oo aan socon doonin beri, hadii kooxdan ujeedadooda guracani u meel-marto.

Geesta kale, Golaha Wakiilada iyo shir-gudoonkooda sharafta badan, oo iyaggu 10-kii sanadood ee u dambeeyey si adag uga hawlgalay inaan la furin Xeerka Saxaafadda Somaliland, waxa Maanta oo aakhirul-cimrigii la joogo ka codsanaynaa inay ka hor-tagaan weerarkaa qaawan ee ku jihaysan Xoriyatul-qawlka iyo madax-banaanida Saxaafadda.

Waxa kaloo, fariin Cod dheer ugu dirayaa Suxufiyiinta Somaliland ee jecel Xoriyatul-qawlka Saxaafadda inay Cod-dheer ku muujiyaan inay kasoo hor-jeedan faro-gelinta qaawan ee lagu hayo Xeerka Saxaafadda Somaliland. Guul iyo gobanimo..”. Maxamed Cabdi Guuleed "Curad”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured