Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Iyo Prof Samatar Oo Gaashaan-Buur Siyaasadeed Ku Midoobaya, Dhawaanna Bulshada U Bayaamin Doonna Sidda Aanay Ugu Qanacsanayn Hogaaminta Madaxweyne Muuse.

0
Friday February 01, 2019 - 21:53:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Iyo Prof Samatar Oo Gaashaan-Buur Siyaasadeed Ku Midoobaya, Dhawaanna Bulshada U Bayaamin Doonna Sidda Aanay Ugu Qanacsanayn Hogaaminta Madaxweyne Muuse.

    "Anigu dalka waxaan keeni doonaa aqoonyahano faro badan sidiina oo kale; Xisbiga Waddani miyuu hayaa cid u dhiganta Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, iyo aqoonyahano faro badan oo ku soo biiray xisbigga Kulmiye".Madaxwe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Anigu dalka waxaan keeni doonaa aqoonyahano faro badan sidiina oo kale; Xisbiga Waddani miyuu hayaa cid u dhiganta Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, iyo aqoonyahano faro badan oo ku soo biiray xisbigga Kulmiye".Madaxweyne Muuse Biixi
Hargeysa(Xogreebnews/ Foore) – Professor Axmed Ismaaciil Samatar iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye,kanna mid ahaa Siyaasiyiintii iyo garbihii ugu waa weynaa ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ku duulayay wakhtigii ugu dambeeyay ee uu Halganka ugu jiray Hogaaminta Dalka ayaa illo wareedyo soo baxayaa ay sheegayaan inay dhawaan ku dhawaaqi doonaan Midaw siyasadeed iyo sida aanay ugu qanacsanayn Hogaaminta Hadda Dalka ka jirta.
Illo-Wareedyo u dhuun daloola Siyaasiyiintan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay inay labadan Siyaasi, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda ku sugan Hargeysa  iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo jooga dalka Maraykanku ay ku hawlan yihiin qaabkii ay u midayn lahayeen aragtidooda siyaasiga ah ee ku aadan xaalada Hogaamineed ee dalka jirta iyo midhaha ka dhashay halgankii ay horseedka ka ahaayeen ee lagu soo doortay inuu Dalka Madaxweyne ka noqdo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay wararka aanu helaynaa ay sheegayaan inay marka hore ku kulmi doonaan Dalka Mararkan islamarkaana ay halkaasi ku go’aamin doonaan hanaankii ay Bulshada ula  hadli lahaayeen iyo sidii ay shaaca uga qaadi lahaayeen inaanay ku qanacsanayn Qaabka Hogaamineed ee dalka lagu hagayo.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya inay labadan Aqoonyahan si faah faahsan bulshada ugu soo bandhigi doonaan jihooyinka ay ka saluugsan yihiin Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, Wixii ay isku ogaayeen iyo xaaladda dalku ku jiro oo ay si gaar ah uga hadli doonaan.  Waxa ay gaashaanbuuraysiga Labadan Siyaasi marka loo eego dhinaca Aqoonta iyo saamaynta ay ku leeyihiin Dalka ay ku keeni doontaa Xukuumadda Muuse Biixi Culays siyaasadeed kii ugu saamaynta badnaa iyo sidoo kale Saxmad dhinaca Mucaaridnimada ah. Arinta ugu weyn ee sida gaar ah u taaban doonta Xukuumadda jirta ayaa waxa ugu horayn doona inay si wada jir ah u sheegi doonaan inuu madaxweyne Biixi ku wacad furay islamarkaana aanay kula socon arinta jirta.
Waxa Xusid Mudan in Munaasibad ka dhacday Boorama Bishii December 2016-kii oo ay ku soo biireen Xisbiga Kulmiye Aqoonyahanno Reer Awdal ahi inuu Madaxweyne Muuse Biixi munaasibadii soo dhawaynta ahayd inuu halkaasi kaga dhaatay islamarkaana uu ku faanay Prof Samatar iyo Jamaal, balse waxa muuqata in markii u talada dalka la wareegay uu si dhib yar Albaabka uga soo xidhay, waxa hadalkii uu munaasibadaasi ka jeediyay ka mid ahaa sidan "Anigu dalka waxaan keeni doonaa aqoonyahano faro badan sidiina oo kale; Xisbiga Waddani miyuu hayaa cid u dhiganta Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, iyo aqoonyahano faro badan oo ku soo biiray xisbigga Kulmiye”. Waxay labadan Siyaasi lagu sheegay inay kaalin weyn ka soo qaateen taban taabintii Madaxweyne Biixi haddii ay noqoto doodihii Murashaxiinta loo qabtay ee caalamka oo dhan laga daawanayay oo la sheegay inay si gaar ah uga kaalmeeyeen iyo samaynta Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye oo ay hadda saluugsan yihiin sida looga leexday ee aan loo dhaqan galin.
Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa hore Warbaahinta uga sheegay inuu Madaxweyne Biixi ka leexday wixii ay isku ogaayeen islamarkaana uu buriyay Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye, isagoo sheegay inay waxa ugu horeeyay ee ay isku ogaayeen uu ahaa inuu soo dhiso dawlad Tayo leh oo Tiro yar,  Isagoo sidoo kale sheegay inaanu waxba ka qaban Mudadii ugu horaysay ee uu joogay Sicir bararka, Shaqo la’aanta baahsan ee dhalinta haysata, qiima dhaca shilinka iyo sidoo kale Koboc la’aanta dhaqaalaha dalka. Dhinaca kale Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo han Madaxweyne hore u lahaa islamarkaana u arkayay inuu xaalada jirta Madaxweyne Muuse Biixi Wax badan ka qaban karo kana wanaagsan yahay dhinaca hogaaminta siyaasiyiintii kale ee la tartamayay ayaa tan iyo maalintii Madaxweyne Muuse Xilka la wareegay aamusan oo aan wax dooda ah ka dhiiban siyaasiadda dalka. Waxa sidoo kale Xusid muddan inaanu Midkoodna caleemo saarkii Madaxweyne Muuse Biixi ka xaadirin, arintaasi oo dareen gaar ah ku dhalisay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye.
Wargeyska Foore 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured