Horumarka Dekedda Berbera iyo doorka Madaxweyne Muuse Biixi?. W/Q. Farxaan Cali Ismaaciil

0
Friday April 26, 2019 - 17:50:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 10442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horumarka Dekedda Berbera iyo doorka Madaxweyne Muuse Biixi?. W/Q. Farxaan Cali Ismaaciil

    Horumarka Dekedda Berbera iyo doorka Madaxweyne Muuse Biixi?. W/Q. Farxaan Cali Ismaaciil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horumarka Dekedda Berbera iyo doorka Madaxweyne Muuse Biixi?. W/Q. Farxaan Cali Ismaaciil
Qarankastaa waxa uu ku horumaraa, markaa uu illihiisa dakhli ku sameeyo tisqaad Iyo horumarin joogta. Dekedduhuna waa laf-dhabarka dhaqaale ee dawladi ka horumarto. 
Sidaas daraadeed hoggaamiye kastoo hamigiisu yahay inuu kobciyo dhaqaalaha wadankiisu, isla markaana shacabkiisa doonaya inuu u sameeyo shaqo abuur, waxa uu culeyska saara, sidii uu u Tayeyn lahaa, Dekedaha iyo madaarada, Iyo weliba wax soo saarka wadankiisu.
Haddaba, qormadeenan kooban waxaynu ku eegi doonaa marxadihii ay soo martay Dekedda Berbera 30-kii sanadood ee u dambeeyey, Iyo sidoo kale baahiyaheedii aas-aasiga ahaa, maxayse kaga hooseysay Dekeddaha kale ee wadamada jaarka.
Inkastoo Dekedda Berbera tahay il-dhaqaaleed lagu soo dhisay qaranka Jamhuuriyada Somaliland, haddana dakhliga kasoo bixi jiray waxa uu ahaa mid aan iyadda waxba ugu filnayn, maadaama oo aanu dib ugu noqon jirin, isla markaana qalab Iyo daryeel kale midna laga arad-tiri jirin.
Kuma dheeraanayno dayacnaantii Dekedda Berbera ee sannooyinkii tagay, hase-yeeshee waxan jecelahay inaynu qormadan ku dul istaagno, qorshayaasha horumarineed ee  Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uga meelyaala Dekedda Berbera, oo ay hada ku wareejisay Shirkada laga leeyahay wadanka Imaaraadka carabta oo lagu magacaabo Dp World, taasoo sanaadkan Dekedii hore ee Berbera kusoo Kordhinaysa Dekedda cusub oo 400-miter ah.
Taasi waa qodob guul ah iyo horumar dhaqaale oo qaranka usoo kordhay, maadaama ay Somaliland la jaar tahay dalal aan lahayn Bad ama Dekeddo.
Dhismaha Dekedda cusub sanaadkan gudihiisa waxa uu soo korneeray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi laba jeer, isaggoo xadhiga kasoo jaray mashaaric horumarineed oo sanadkaa Xukuumadiisu jirtay ay fuliyeen, iyadoo Dekedda Berbera lagu soo kordhiyey qalab tiro badan oo ahaa mid ay baahi wayn u qabtay,
 isla markaana ay kusoo Kala kordhiyeen Xukuumada Madaxweyne Muuse iyo Shirkada Dp World.
Xukuumada Somaliland waxa ay maamulka Dekedda ku leedahay doorweyn oo lexaad leh, iyadoo u joogo Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo ah masuul aad u firfircoon, isla markaana tisqaad horumarineed ku sameeyey mudo laba sanadood ka yar oo u maamulaayey.
La soco Qaybaha dambe.
W/Q
Farxaan Cali Ismaaciil 
Farxangul@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured