Guddiga doorashada oo Kulmiye iyo UCID u Qabtay Kulan ay Qaaddaceen Xisbiga Waddani & Ururrada Bulshada Somaliland
Guddiga doorashada oo Kulmiye iyo UCID u Qabtay Kulan ay Qaaddaceen Xisbiga Waddani & Ururrada Bulshada Somaliland
Hargeysa (Xogreebnews)-Guddiga doorashooyinka Somaliland ee wakhtigoodu dhammaadka ku dhawyahay, ayaa maanta qabtay kulan dhinacyadii lagu marti-qaaday qaarkood aanay ka qaybgelin oo ay Xisbiyada UCID iyo Kulmiye ugu soo bandhigeen warbixin la xidhiidha sida ay u diyaariyeen diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka soo socda iyo qalab ay casri ku tilmaameen oo ay diyaariyeen. Kulanka oo maanta ka qabsoomay xarunta Komishanka doorashada ee magaalada Hargeysa, ayaanay ka qaybgelin Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay ku gacan-saydheen marti-qaadka ay Guddiga doorashadu u fidisay. Guddiga, ayaa sheegay inay marti-qaadeen Xisbiga Waddani iyo Ururrada bulshada, balse aanu Waddani iman kulankaas. Hase-yeeshee, ururrada bulshada rayidka ah, ayaan iyaguna ka qaybgelin ee diiday inay kulankaas tagaan, ka dib markii marti-qaadka laga reebay Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF, sida ay xogta ku heshay warbaahinta aftahannews.com. Haddaba, warbixinta guddiga doorashada Somaliland oo waqtiga doorashada loo qorsheeyey ka hor waqtigoodu dhammaanayaa, warbaahinta iyo labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID ee kulankooda ka qaybgalay la wadaageen, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- Leave a comment |
|